Sign in to follow this  
xiinfaniin

The political hairballs of Dec 3rd Massacre

Recommended Posts

Sh Xassan Daahir Qaraxa Hotel Shaamow waxaa fuliyey Cadowga Umada Soomaaliyeed.(Dhagayso)

Posted to the Web Dec 04, 13:04

 

 

Muqdisho:-Sh Xassan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Hotelka Shaamoow oo ay ku naf waayeen dad muslin ah oo aan waxba galabsan .

 

Sh Xassan Daahir ayaa khudbadii Jimcaha ee masjidka Abuu Hureyra ka dib wuxuu ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Hotel Shaamow isaga oo sheegay in qaraxaas ay ka danbeeyaan cadowga Soomaaliya cidii ka danbeysayna lala xisaabtami doono.

 

Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa yiri “Falkaas waxaa gaystay Kooxo Dabaallo ah waxay laayeen dadkii Indhaha u ahaa Bulshada Soomaaliyeed ma noqo doono midkii ugu dambeeyay iyo kii ugu horeeyay kuwa ka daran ayaa la sugayaa”

 

Sheekh Aweys ayaa sheegay in xaaraan maqdac ah ay tahay in dhiiga muslinka lagu daadiyo si sahal ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono cid walba oo macna daro ku daadisa dhiiga shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed.

 

Sh Xassan ayaa sheegay in cadowga Soomaalida uu faro badan yahay isaga uu ka danbeyo leynta waxgaradka Soomaaliyeed .

 

Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi u sheegatay masuuliyada qaraxa waloow uu afhayeenka Al-Shabaab uu tacsi u diray ardaydii iyo dadweynihii ku dhinay meeesha wuxuuna murtadiin iyo gaalo ku tilmaamay wasiirada Shariif taas oo tuhun badan galisay dadka waxgaradka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looks like suicide belt. Allow sahal amuuraha.

 

Sheekh Xasan daahir Aweys ayaa yiri “Falkaas waxaa gaystay Kooxo Dabaallo ah waxay laayeen dadkii Indhaha u ahaa Bulshada Soomaaliyeed ma noqo doono midkii ugu dambeeyay iyo kii ugu horeeyay kuwa ka daran ayaa la sugayaa”

 

Is this a predition for worse things to happen and is he alluding to alshabaab (Kooxo Dabaallo ah)?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Sheekh Aweys ayaa sheegay
in xaaraan maqdac ah ay tahay in dhiiga muslinka lagu daadiyo si sahal ah
wuxuuna hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono cid walba oo macna daro ku daadisa dhiiga shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed.

Does this xoolo understand what he's talking about? Xassan Daahir iyo dhiig xaaraan miyaa kala reeb leh horta?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xassan Daahir hadalkiisu haday dhab ka tahay waa inuu dawlada taageero maanta laga bilaabo. Laakin dhannah waan ka tacsiyeenayaa, dhanka kalena Al Shabab aan la jiraa oo dawlada ayaan la dirirayna, arin soconayso ma aha.

 

Anigu hadii talo la iga dhageysanayo, waxaan dhi lahaa Xassan Daahir leftigiisa ina masuuliyada Qaraxii Shaamow dusha laga saaro. Shacabka Muqdisho iyo Soomali oo dhan ba, waa iney iska qabtaan Xassan Daahir iyo mujrimiinta faraha badan oo magacyo kala duwan lawada baxay, ujeedadooduna tahay iney ummada Soomaliyeed baabi'iyaan, weligeedna dawlad iney ka hirgalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this