Sign in to follow this  
General Duke

Dubai Bank reps arrive in Garowe Puntland..

Recommended Posts

Wafdi ka socda bangiga Dubai maanta ka soo degey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

 

Garoowe - 30.July.2005 Wafdi ka socda bangiga Dubai ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Conoco ee magaalada Garoowe. Wafdigan oo ka koobnaa afar xubnood ayaa waxaa hoggaaminayey Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska, dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimada ee bangiga dhexe ee Dubai.

 

Sidoo kale waxaa wafdigan ka mid ah, maamulaha bangiga Dubai, Xasan Subeyri iyo saraakiil kale, waxanay magaalada Garoowe ka soo degeen abbaara 12:00 duhurnimo.

 

Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska, dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimada ee bangiga Dubai, ayaa SBC u sheegay in ujeeddada safarkoodu uu yahay sidii ay Puntland uga hir gelin lahaayeen bangiyo ganacsi oo madax bannaan.

 

Xasan Jibriil waxaa kale oo uu intaasi raaciyey in ay qorshaynayaan sidii ay laamo ugu yeelan layaayeen magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Laas Caanood iyo Gaalkacyo.

 

Sidoo kale mas’uuliyiinta bangigan ayaa qorshaynaya sidii ay laamo ugu yeelan lahaayeen gobollada dhexe ee dalka Qaarood.

 

Wadigan ayaa waaxa garoonka diyaaradaha ee Conoco ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey; wasiirka ganacsiga Puntland C/nuur Biindho, wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo Cabdiweli C/raxmaan Geyre.

 

Wafdigan ayaa madaxtooyada magaalada Garoowe kulan kula yeeshay madaxweyne kuxigeenka ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Xasan Daahir Afqurac, wasiirka ganacsiga Puntland C/nuur Biindho.

 

C/naasir Yaasiin

SBC Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Wafdi kasocda bangiga Dubai oo Garoowe yimid.

- Saturday, July 30, 2005 at 15:46

 

Garoowe(AllPuntland)- Waxaa manta soo gaary magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland xubno ka socda bangiga Dubai , kuwaasoo ka koobnaa afar xubnood oo uu hogaaminayay guddoomiyaha dib u dhiska dhaqaalaha iyo saboolnimada ,Xasan Jibriil ayna ku weheliyeen maamulaha guud ee bangiga dhexe ee Dubai Xuseen Al-Jubayri iyo kuxigeenkiisa V. Cher iyo sidoo kale sargaal ka tirsan bangigaas oo lagu magacaabo C/salaam Yuusuf.

 

 

 

Wafdigan oo maanta abbaare 12kii duhurnimo soo gaaray magaalada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiirka shaqada shaqaalaha sportiga iyo dhallinyarada ,Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, C/wali C/raxmaan iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

 

 

Wafdigan oo kulan gaaban kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxwayne kuxigeenka iyo xubno kale oo katirsan golaha xukuumadda ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda .

 

 

 

Waxay sheegeen inay u socdaan sidii ay uga hirgalin lahaayeen maamul goboleedka Soomliyeed ee Puntland horumarka bangiyada.

 

 

 

Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimda ee dalka Emaaraadka caraabta ayaa sheegay inay laamo ka furan doonaan magaalooyinka Garoowe , Boosaaso , Gaalkacyo iyo Laascaanood isagoo intaasi ku daray in mustaqbalka dhowna ay kuwo lamid ah ka hirgalindoonaan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

 

 

Madaxwyne kuxigeenka Puntland oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa si diiran usoo dhaweeyay martidan ka timid dalka Emaaraadka , wuxuuna sheegay inay tahay arin muhiim ah oo loo baahanyahay in hawlaha bangiyada la hirgaliyo , Puntland ayuu sheegay madaxwayne kuxigeenku inay diyaar u tahay sidii ay gacan uga gaysan lahayd hawlahaasi , xubnhan waxaa lafilayaa inay u gudbaan magaalooyinka kale ee Puntland.

 

 

 

Ganacsatada iyo xawaaladlayda Soomaaliyeed ayaan ayagu inta badan aqoon u lahayn qaababka casriga ah ee ay isticmaalaan bangiyada caalamka, waxayse lacagohooda ku gudbiyaan oo kaliya qaabka xawilahaadaha .

 

 

 

Faarax Yuusuf Nuur (KK)

 

AllPuntland,Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this