Sign in to follow this  
General Duke

Heavy fighting in Mogadishu leaves 15 dead + Assasination of Ina Boqoore

Recommended Posts

Breaking News: Dagaalkii ka socdey Muqdisho oo qaboobey, 15 qof dhimasho 35 dhaawac

 

Muqdisho- 13.Nov.05 Dagaalkii ka socdey xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Waqooyiga Muqdisho ayaa qaboobey, inkastoo wali la maqli karo dhawaaqa rasaasta iyo noocyada kala duwan ee hubka.

Dagaalka lagu soo waramayaa in saaka hiirtii waaberi ka qarxey xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana uu dhex marey maleeshiyo daacad u ah ninka lagu magacaabo Iimaan Max'ed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Banaadir ee gacanta ku haysa dakeda Ceel-Macaan ee ku taal duleedka Magaalada Muqdisho, iyo midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintey inta la ogyahay ilaa iyo haatan 15 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan 30 qof kuwaasi oo u badan dad rayid ah oo aan wax lug ah ku laheyn dagaalka.

 

Iska horimaadkan ayaa sii xoogeystey barqanimadii maanta ka gadaal markii ay ku soo biireen ciidamo ka tirsan midowga Maxkamada Islaamiga ah iyo waliba kuwa kale oo ay iska leedahay Shirkada Banaadir.

 

Goobta ugu ba'aneyd ee maanta dagaalku ka dhacey ayaa waxay aheyd guriga Imaan Max'ed Cali oo gurigaas oo ahaa midkii uu ka deganaa magaalada Muqdisho Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi xiligii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

 

Waan waan ay wadaan waxgarad iyo cuqaal kale ayaa socota inkastoo ay jiraan caqabado iyo sharuudo kala duwan oo ay soo jeedinayaan kooxaha dagaalkaas ku lugta lahaa.

 

Dagaalkan ayaa ayaa wuxuu saameyn weyn ku yeeshay deegaano kala duwan, waxaase saameynta ugu weyn uu ku keenay xaafada Yaaqshiid iyadoo dhamaan goobihii ganacsiga albaabada la isugu dhuftey.

 

Isu socodkii gaadiidka iyo kan dadweynaha ayaa sidoo kale hakad ku yimid.

 

Rasaas wiifto ah iyo madaafiic habow ayaa xaafado kale oo aan aheyn Yaaqshiid waxay ku waxyeeleeyeen dad rayid.

 

Maleeshiyaadkii dagaalkan uu dhex marey ayaa is horfadhiya waxaana laga cabsi qabaa sii socoshada dagaalka hadii aan aysan guuleysan dadaalka ay wadaan kooxaha nabad jirayaasha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Suudi oo lagu eedeeyay Dilkii Wiilkii Cismaan Cilmi Boqore

 

Muqdisho:- War uu sheegay Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta DFKMG Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in dilkaasi uu ka danbeeyey Muuse Suudi Yalaxow.

 

Salaad Cali Jeele oo wareysiinayey Idaacada Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa mar uu halkaasi xalay ka hadlayey sheegay in dilkii shalay lagu dilay Khadar Cismaan Cilmi Boqore uu ka danbeeyey Muuse Suudi Yalaxow.

 

Khadar Cismaan oo ahaa Wiilka uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka oo dhawaan ku biiray dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar.

 

Warkan ayuu iska fogeeyey Muuse Suudi Yalaxow oo asagu ah Wasiirka Ganacsiga kana mid xubnaha ka gadooday xukuumada Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Jowhar.

 

Khadar Cismaan Cilmi Boqore ayaa shalay asagoo wata Gaari nooca MarkaII ah lagu dilay aaga KM 4 ee magaalada Muqdisho.

 

Marxuumka ayaa la sheegay in ay rasaas ooda uga qaadeen maleeshiyo halkaasi ku sugeysay.

 

Xubnaha ku sugan Muqdisho ee hada siyaasada isaga soo horjeedaan Marxuumka dhintay aabihii ee Mr.Boqore ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid ay geysteen burcad rabtay gaariga in ay ka qaataan.

 

Balse Cismaan Cilmi Boqore ayaan war rasmi ah weli kasoo saarin cida ka danbeysa dilka Wiilkii uu dhalay.

 

Dilkaasi oo kusoo aaday labo todobaad kadib markii uu u baxsaday dhinaca magaalada Jowhar ee xarunta dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil uu dhalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu dilay

 

Sabti, November 12, 2005(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska KM4 lagu dilay Wiilkii curadka ahaa ee Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo dhawaan ku fikir ku noqday Xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan.

 

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirayQadar Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay Rag hubeysan oo watay gaari Mark II ah, iyadoo marxuumka intii uusan dhiman uu gaari uu watay ku gaaray Isgoyska No 4 halkaasi oo looga sii qaaday Isbitaal, si loo badbaadiyo.

 

Madaxa gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Madiina Dr. Hilowle Kaahiye ayaa sheegay in marxuumka loo geeyay isagoo xaaladdiisa xasaasi tahay, isla markaana si aad ah u dhiig baxay, kadibna uu sidaasi ku geeriyooday.

 

Ma cadda ilaa iyo haatan cidda ka dambeysa dilka wiilkii Guddoomiye ku xigeenka, wuxuuse ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Md. Cusmaan Cilmi Boqorre uu 2-dii bishan u wareegay Dhinaca Magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin xubnaha Garab ka tirsan labada garab ee ay u kala jabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo ka horna uu la joogay Xubnaha Dowladda ee Muqdisho.

 

Dilka marxuumka waxaa cambaareeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaanada kula sugan magaalada Mudqisho, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka oo tacsi u diray guddoomiye ku xigeenkana uu Guddi u saaray soo baaridda dilka marxuumka.

 

Sidoo kalena waxaa dilka Wiilka Guddoomiye ku xigeenka cambaareeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo Jowhar ka sheegay in dilkaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo ay soo abaabuleen dad aan nabad iyo dowladnimo rabin, wuxuuna tacsi u diray qoyskii, eheladdii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Qadar Cusmaan Cilmi Boqorre.

 

Dhanka kalena Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in dilka wiilkiisa ay ka dambeysay arrin siyaasadeed, balse uusan isagu dhihi karin ciddaas ayaa ka dambeysay, wuxuuna caddeeyay in gacan ku dhiiglihii dilay wiilkiisa uu Allaah la xisaabtami doono, isaguna uusan intaas ka badan ka oraneynin.

 

Xildhibaan Boqorre waxaa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay guddiga baarista dilka wiilkiisa ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanka magacaabay,isagoo Guddoomiyaha Baarlamaankana ku tilmaamay mas’uul Soomaaliyeed oo gudanaya waajibkii arrintaas ka saarnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cismaan Cilmi Boqore “Wiilkeyga waxaa loo diley arrimo Siyaaasadeed..

 

Guddoomeiy ku xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore isagoo ku sugan Magaalada Jowhar oo u waramayay bahda saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dilka Wiilkiisii Qadar Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa mid siyaasadeed oo la soo qorsheeyay.

 

“Anigoo cid aan farta ku fiiqeyn haddana waxa uu ahaa dil siyaasadeed’ ayuu yiri Cismaan cilmi Boqore oo intaa raaciyay “Kuwii dilay iyaga ayaa dhiban Adduun iyo Aakhiroâ€.

 

Cimsaan Cilmi Boqore waxa uu si weyn u soo dhaweeyay guddigii Guddoomi-yaha Baarlamaanka u saaray baaritaanka dilka Wiilkiisa, guddigaas ayaana ka war sugeynaa.

 

Dhinaca kale Cabid Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa isna guddi saraakiil ah oo ka kooban saddex u saaray in ay dabagal ku sameeyaan dilka Wiilkii Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Qadar Cismaan Cilmi Boqore, wuxuuna ku tilmaamay dil waxashnimo ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Defected deputy parliament speaker’s son assassinated in Mogadishu

Sat. November 12, 2005 10:29 am.

 

Send this news article

 

 

from left:PM, Boqore, president

The son of deputy parliament speaker was shot and killed in Mogadishu today in a broad daylight. According to witnesses at the scene the victim was not robbed and the killing was predetermined unlike Mogadishu’s random robberies. His cell phone and handgun were left in the car.

 

The father of the victim, Osman Boqore was one of the parliamentarians who went to Mogadishu in defiance after the newly established government relocated to Jowhar from neighboring Nairobi, Kenya. However, Mr. Boqore changed heart last week and went to Jowhar, where he was welcomed by the prime minister and the president.

 

Today’s killing has been interpreted as an active revenge by those who didn’t like Mr. Boqore’s move to Jowhar. It is also a clear warning for parliament members who went to Mogadishu initially, many of whom went to Jowhar in hiding in the past few weeks. The last member who left Mogadishu said she had to wear buqra to cover all of her body including the face in order to hide from militias loyal to Mogadishu faction leaders.

 

It is going to be very difficult for the rest of parliament members to leave Mogadishu because they are risking not only their lives but the lives of the people they love.

 

The prime minister escaped assassination attempt in Mogadishu just past Sunday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this