Liibaan Posted September 17, 2010 September 16, 2010 Cabsida iyo fulaynimada xad-dhaafka ah ee maamulka Siilaano ka haysata Dowlada toobiya malaga ayabaa in lagu waxyeeleeyo muwaadiniin reer Awdal/Salal ah oo aan waxba galabsan. Marka hore waxaan salaamayaa umada soomaliyeed iyo shacabka reer Adal/salal markalabaadna dhamaan warbaahinta iyo wareyaasha reer Awdal/salal ee sharafta badan. Sida aan lawada socono dowalada itoobiya iyo Soomaliland waxaa ka dhexeeyn jiray xidhiidh saaxiibtinimo oo qotodheer xiligii dowaladii madaxwayne Rayaale balse taasi waxay isbadashay markii uu xisbiga kulmiye ku guulaystay doorashadii 26jun. Sobobta oo ah wuxuu madaxwayne siilaanyo wasiiro ka dhigtay xubno xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wadashaqayneedba la leh Ururka al-shabaab iyo xukuumada shacbiya oo itoobiya ay cadawad badani ka dhaxayso taasina waxay sobobtay in ay itoobiyo aad uga biyodiido dowlada silaanyo kana dayriso xidhiidhkii u dhexeeyay soomaaliland iyo itoobiyo. Iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa hadaba bishan 11 waxaa si lama filaana uga soo degay xeebaha soomaaliland cutubyo ONLF ah oo ay soo taba bartay xukuumada shacbiya ku waas oo sirdoonka soomlailand loo sheegay inay soomalliland ku soo fooleeyihiin ciidama ka yimana elatariya balse sirdoonka soomaliland iyo wasaarada daakhiliga ayaa dhagaha ka furay warbixintaa uga timid sirdoonka itoobiya waxayna ka baaqdaseen inay ciidanka xeebaha wargaliyaan. Tani waxay sobobtay in itoobiyo siilaanyo ku soo eegto indho libaaax taasoo ka sasisay madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba .Sidaas darteed Mr siilaano iyo wasiirkiisa daakhiligu waxay hada ku howlan yihiin sidii loo helilahaa cid la isgaga mooso falaadhan haleeshay. Hadaba, malaga ayaabaa cabsida iyo walwalka xad-dhaafka ah ee ka soo wajahday siilaanyo dhinaca itoobiya in lagu waxyeeleeyo oo laysgaga mooso dad muwaadiiniina oo aaan waxba galabasan? Jawaatu waa haa waayo guuldarada ku habsatay sirdoonka soomaaliland ee reernimada lagu magacaabay iyo fashilaaada ku timid wasiirka daakhiliga ee al-shabaab maxaa loogu soo rarayaa Awdal/salal ee xaqiiqo aan jirin looga raadinaya, hadiise xaqiiqo la rabo waxkastaa waa cadyahay oo wax mugdi ku jiraa ma jiro waxkasta waxaa cadeeyay xassan Bosasaaso oo ah sargaalkii hogaaminayay kooxdan falaagada ah kaa soo lagu qabtay dagaal ay isgu haleeleen ciidamada gaar ka ah ee loo yaqaan layu booliska ee ka howlgala deegaanka soomaalida itoobiya markaa xaqiiqo kale oo laraadiyo looma baahna in shacabka la xagxagtana looma baahna. Ugu danbayntii hal waxaan leeyahay Mr siilaanyo ta labaadna waxaan leeyahay Dr gaboose ta sedexaadna waxaan leeyahay shacabwaynaha reer Awdal/Salal Mr. siilaanyo waxaan leeyahay, ilaahay madaxwayne ayuu kaa dhigaye cabsida iyo fulaynimada jooji oo isgu kalsoonoow wadan jira ayaad madaxwayne ka tahaye takale waxaan ku leeyahay hadii aad jeceshay dowladnimada soomaliland inay badbaado hadii aad jeceshahay shacabka Soomaliland inay nabadku seexdaan hadii aad jeceshahay in wadamada jaarka wanaag iyo iskaaashi ina dhexmaro fadlan xilalka ka xayuubi nimanka argagixisada ah ee aaad wasiirada ka dhigatay oo wasiirka daakhligu ugu horeeyo. Mar Kale waxaan kaaga digayaa inaad shacabkaaga ku gafdo adiga oo wadamo kale ka baqaya ama waji kaga raadinaya Dr. Gaboose waxaan leeyahay qofkastaa wuxu ku fiicanyahay inuu ka shaqeeyo wuxuu yaqaano hadii taala waayo sheekadu waxay noqonaysaa ta Manta lagu jiro. Waxaad ka shaqaysaa shaqooyin badan oo aanad aqoon u lahayn, waxaatahay wasiirka daakhiliga soomaliland waxaatahay wakiilka al-shabaab ee soomalliland waxaa tahay wakiilka ONLF iyo shacbiya u fadhiya soomaliland Cajiib!!!!!! Shaqadaadii dakhtarnimo iyo shahaadadaadiina waad tuurtay hadaba waxaan kugu boorinayaaa inaad iscasisho intaanad umada reer soomaliland iyo nafdaadaba galaafan oo aad Doctor nimadaadii iskaga noqoto. Reer Awdal/Salal waxaan leeyahay arintan waxaa la rabaa in la idinku shirqoolo oo danbi ay iyagu lahayeen idinka qoorta la idiin galiyo ujeedada laga leeyahayna waa laba ariimood: 1- waxaa larabaa taliyayaasha ciidanka xeebaha ee ******** in xilalka lagaga qaado arintan isla Markaana la keeno taliyayaal Isaaqa waayo inta markii hore sirdoonka soomaliland ka qariyay in ciidamo ONLF ihi xeebaha ka soo dagayaan ayaa imikana larabaa in la yidhaa waxbaad ka qaban waydeen. 2- in dad aan waxba galabsan iyo baabuur la afduubay la yidhaahdo xidhiidh ayay lala haayeen jabhadii meesha ka soo degtay oo itoobiyo la isgaga masloxo wajina lagaga raadsado. Hadaba, waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ogaatan oo aad ka tashataan dowladan yar ee sumaysani waxay ku hamiyayso iyo jalaafooyinka farsamaysan ee ay la gaadayso bulshadan aqoont iyo aqliga iyo nabada u saaxiibka ah ee ilaahay daganaanta iyo sharafta ku manaystay. WABILAAHI TOWFIIQ Ahmed Mohamed - Sweden Quote Share this post Link to post Share on other sites