Sign in to follow this  
General Duke

Asmara: Eritrean coffee meeting, led by Xasan Dahir

Recommended Posts

Asmara: Shirka Asmara oo maanta ay isku barteen rag isku mowqif ah oo kala aragti duwan “Warbixin khaas ah”

6. September 2007

 

Asmara(AllPuntland)- Shir loogu magic daray shirweynaha xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeyaashii Maxakiimtii laga awood roonaaday, kooxda Baarlamaanka xorta la maga baxay iyo aqoonyahano qurbo joog ah iyo xubno iskood isaga socday.

 

Ugu horeyntii iyadoo la isku qabtay cidda hoggaamineysa shirka ayaa xalin kadib la isku raacay oo loo doortay Dr. Cumar Iimaan Abuubar oo horay u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Shuuradii la eryay kaasoo ugu horeyn sheegay in shirkani uu yahay mid ka dhashay shir ay horay wadaada ugu yeesheen magaalada Doxa ee dalka Qadar isla markaana uu yahay mid natiijadiisa laga filayo waxa uu ku tilmaamay xoreynta Soomaaliya waayo ayuu yiri shacbiga Soomaaliyeed waxay sugayaan dalka la heysto sida uu hadalka u dhigay.

 

Sheekh Shariif Sh. Axmed Guddoomiyihii Midowgii Maxkamaddaha ee xadka ka tallaabay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu xasuuq ka dhacay kaasoo dowladda Federaalka ku eedeeyay iney u baneysay Itoobiya oo lala xisaabtami doono dhibaato uu sheegay in dalka gaar ahaan Muqdisho ay ka dhacday.

 

Shariif Xasan Sh. Aadan Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro dhib ka taagan gudaha Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Itoobiya wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in Soomaalida loo daayo iney iyadu maamul dhisato.

 

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ku hadlayey bulshada rayidka ayaa sheegay in howsha ay maxkamadduhu qabteen uu ku tilmaamay mid wanaagsan mudadii ay maamulayeen qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, isagoo rabitaankiisa ku sheegay in shirkani ay taageersan yihiin Soomaalida.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku hadlayey aqoonyahanka dibada u qaxay ayaa sheegay inuu heysto Baasaboor Britian ah uuna ka seexan karin xadgudub uu sheegay in lagu haayo dadka Muqdisho, wuxuuna dalka Ugandha ku eedeeyay in ay ka soo duulu jireen diyaaraddihii lagula diriray xiligii Maxkamaddaha balse Tarsan oo horay xubin firfircoon ugu ahaa maxkamadihii burburay wakiilna ugu ahaa dalalka Midowga Yurub.

 

Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo isna halkaa ka hadlay ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka cafiyaan hadalkii ahaa in la isku furi doono xuduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya hal baasaboorna yeelan doonaan balse Xuseen Caydiid uma cadda inuu shalay qaldanaa maantana uu saxan yahay ayna dhici karto isbadal siyaasadeed cusub oo uu hadana cafis ku weydiisto.

 

Gabagabadii shirkaasi intii ka hadashay waxaa ay ka mideysnaayeen naceyb gaamuray oo ay u qabaan dowladda Federaalka ah iyo dalalka deriska ee Soomaaliya gacanta ka siiyay soo celinta amaanka kuwaaasoo ku baaqay in la sii wado dagaalada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho kaasoo dhibaatadiisa ay iyagu, xasaaskooda iyo caruurtoodaba ay dibada ka joogaan oo ay saameyneyso shacbiga Soomaaliyeed oo dhibaato inteeda leh ay ku hayaan kooxaha nabad diidka, balse shirka maanta ayaa ahaa mid ay isku baranayeen rag horay warbaahinta isaga bartay oo maanta aragti ahaan isu horyimid xili uu madasha fadhiyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo beesha caalamka ay u aqoonsan tahay inuu ka mid yahay argagixisada caalamiga ah, waxaana la sugayaa cida ku guuleysata aragtiyada aqoonyahanada oo ah Dimoqraadi, Baarlamaanka xorta oo ah Dastuurka yaala iyo wadaadada oo raba ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this