Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Abdi Xabsade facilitating the Mugging 2.0

Recommended Posts

Olole Xoogan Oo Lagu Doonayo In Madaxweyne Rayaale Muddada Loogu Kordhiyo Oo Ka Dhex Socda Golaha Guurtida

 

Hargeysa, September 10, 2009 (Haatuf) - Olole xoogan oo lagu doonayo in Madaxweyne Rayaale muddada xillka loogu kordhiyo ayaa toddobaadkan si weyn looga dareemay golaha Guurtida dhexdiisa.Ololahani waxa uu si cad u soo shaac baxay kadib markii Komishanka Doorashooyinku 6/9/2009 ay soo saareen, go’aan ay ku sheegeen in doorashadii Madaxtooyadu aanay ku qabsoomeyn 27-ka September 2009, balse ay dib uga dhacayso taariikhdaas, sheegeena in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada siyaasada aan ilaa hadda xal loo helin, balse ay socdaan hawlo dhex-dhexaadin ah oo lagu doonayo xalinta khilaafaadka, loona baahan yahay in la sugo ilaa inta heshiis laga wada gaadhayo arrimaha khilaafku ka taagan yahay.

 

Ololahan muddo kordhinta guurtida laga dhex wado waxa si weyn uga dhex muuqda wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, oo todobaadkan gurigiisa shirar ugu qabanayay xubno ka tirsan golaha guurtida.

 

Siciid Sulub oo hadda lagu tilmaamo ninka ugu dhow-dhow Madaxweyne Rayaale ayaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada oo toddobaadkii hore soo jeediyey in dalka lagu soo rogo xukun deg-deg ah xabsigana loo taxaabo madaxda xisbiyada mucaaradka. Hase yeeshee waxa la sheegay inay soo jeedintaasi ka hor yimaadeen koox wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale, taas oo la sheegay inuu ku dooday in arrimahaasi ay sii xoojin doonaan xaalada siyaasadeed ee cakiran ee hadda taagan.

 

Waxa kale oo muuqata in ololahan lagu doonayo in Madaxweynaha muddada loogu kordhinayo uu ka qayb qaadanayo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, iyadoo la sheegay in xildhibaaanada kasoo jeeday gobolka Sool iyo Buuhoodle oo intooda badani ka mid ahaa mudanayaashii ka codeeyay go’aankii muddo kordhinta Madaxweyne Rayaale ee u dambeeyay, taas oo toddobaadkan ay la kulmeen Madaxweynaha. Arrintaas oo uu kasoo shaqeeyay Xaabsade.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa muddo kordhintii u dambeysay ee golaha Guurtidu u sameeyay 28-kii March 2009, waxana la filayaa in Madaxweyne Rayaale uu toddobaadka soo socda horaantiisa Golaha Guurtida usoo gudbin doono qoraal uu ku codsanayo muddo kordhin kale.

 

Sida la ogyahay Golaha Guurtida ayaa awood u leh inuu muddada uu u kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa haddii ay duruufo ammaan darro iyo masiibooyin dabiici ah ay u suurtoobi waayaan in doorashadii lagu dooran lahaa labadaa masuul ay qabsoomi weydo.

 

Muddo kordhintii ugu dambeysay ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu si weyn ugu kala qaybsameen, kaas oo ay 42 mudane cod gacan taag ah ku ansixiyeen halka ay 35 mudane kaga codeeyeen in wax muddo kordhin ah loo sameeyo hal mudanena uu ka aamusay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa kale oo muuqata in ololahan lagu doonayo in Madaxweynaha muddada loogu kordhinayo uu ka qayb qaadanayo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, iyadoo la sheegay in xildhibaaanada kasoo jeeday gobolka Sool iyo Buuhoodle oo intooda badani ka mid ahaa mudanayaashii ka codeeyay go’aankii muddo kordhinta Madaxweyne Rayaale ee u dambeeyay, taas oo toddobaadkan ay la kulmeen Madaxweynaha. Arrintaas oo uu kasoo shaqeeyay Xaabsade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well xaabsade is part of udub party he will do everthing what is good for his party

The same reason why Fuad adan cade is FOr kulmiye and against riyeeles Muddo kordhiing

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

xabsade is a man who understands the interests of the people of las anod. They got hospitals,toilets, clean water, round the clock security,stable currency, strong local government.

 

WIN WIN !!!

 

XABSADE...GOOD MAN !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this