Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Help the Somalia Journalists

Recommended Posts

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Suxufiyiin Ka Soo Qaxay Dalka Somaliya

 

 

“Dhibaatadii Muqdisho aanu uga nimid , waa hanjabaado ku saabsan in nala dilay” Muna Xasan

 

Hargeysa (Qaran)- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA , Mustafe

Cabdi Ciise [shiine] , ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiiyay Afar suxufi oo ka

soo qaxay dagaalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho , kuwaasi oo

Muddo laba toddobaad ah ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Afartan Suxufi oo ka shaqayn jiray Telefishanada Horn Afrik iyo Shabeelle waxay

kala yihiin Muna Xasan Cajab , Maxamed Cali , Maxamed Cismaan iyo C/rashiid,

waxaanay Magaalada Muqdisho ka soo qaxeen markii loogu hanjabay in la khaarajin

doono , iyadoo fariimahaasi loo soo mariyay Telefoonada gacanta.

Xaflada Suxufiyiintaas lagu gudoonsiiyay deeq Lacageed , oo dhamayd 800 Euro oo u

dhiganta 1120 Doollar, oo ay ugu deeqeen Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda lahayn ,

ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxana ka soo qayb galay Agaasimaha

guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Jaamac Hilaac , Madaxda Ururka SOLJA iyo

Suxufiyiin.

 

Gudoomiyaha SOLJA Mustafe Shiine oo xafladaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa

aan saxaafada idiinku yeedhay in Weriyayaal inala mid ahi oo ka yimid dalka

aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo ka mid ahaa Weriyayaashii ka firxaday cadaadiska

iyo dilalka lagula kacayo Weriyayaasha dalka Soomaaliya , oo hada qaxoonti ku

ah dalalka Kenya , Ugandha iyo Somaliland, waxa wadanka xilligan ku sugan Afar

suxufi oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka Soomaaliya’’.

 

Gudoomiyuhu isagoo hadlayay qaabkii deeqdaasi ku timid , waxa uu yidhi “Markii

suxufiyiintani Somaliland yimaadeen , waxay la soo xidhiidheen anaga (SOLJA), ka

dibna aanu ka hawl galay sidii suxufiyiintan aanu u dejin lahayn, oo loogula

xidhiidhi lahaa Bulshada caalamka, si ay dal saddexaad oo ay si Nabad gelyo ah

oo ay ku noolaan karaan kana shaqaystaan loogu helo , markaa waxa aanu codsiyo u

qornayd Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya badbaadada suxufiyiinta , sida

Ururka Weriyayaasha aan xuduuda lahayn (RSF), guddida Difaacda Suxufiyiinta

(CPJ), NED iyo ururo kale oo aan u sheegnay in Suxufiyiin ah oo ka soo firxaday

dagaalada Soomaaliya ay joogaan Somaliland, una baahan yihiin in la gaan qabto ,

waxana arrintaas ka soo jawaabay ururka Weriyayaasha aan xuduuda lahayn , kuwaasi

oo u soo diray 800 oo Euro’’.

Mustafe Cabdi Ciise [shiine] , waxa kale oo uu intaasi ku daray in ururka difaaca

Xuquuqda Aadamaha oo fadhigiisu yahay Uganda , oo uu xusay in ururkooda SOLJA

xubin ka yahay ay afartaas suxufi ee ka soo qaxay Soomaaliya u soo direen

Foomam , la doonayo in marka ay buuxiyaan loo qaado dalkii ay jecel yihiin in

ay ku noolaadaan.

 

“Waxa Suxufiyiintaas la waydiiyay inay Foomamka ku soo qoraan dalalka Uganda iyo

kenay , ka ay jecel yihiin ama ay Somaliland joogi karaan, laakiin anagu (SOLJA)

aanu u aragnay inay u fiican tahay in lagu biiriyo Weriyayaasha kale ee jooga

Yuganda , oo dhamaantood , xataa kuwa Kenya jooga Yuganda la isugu geeyo ,

maadaama oo ururka Foomamka u soo diray fadhigiisu yahay Uganda’’ ayuu yidhi

Gudoomiyaha Ururka SOLJA.

 

Mustafe Shiine oo ka hadlayay siyaasada xukuumada Somaliland ee ku wajahan

dhinaca Soomaaliya, waxa uu yidhi “Waxa aan idiin sheegayaa siyaasada xukuumada

Somaliland ay ku dhisan tahay in dadkan aynu walaalaha nahay Soomaaliya ee

dhibaataddu haysato ay Somaliland ku noolaan karaan , haddii aanay wax yeelayn

Nabad gelyada dalka iyo kan dalalka Jaarka ah, arrintaas iyo kan dalalka jaarka

ah , arrintaas ayay suxufiyiintaasi ka faa’iidaysteen inay halkan ku noolaadaan

, iyagoo aan Nabad gelyada Somaliland dhibaato ku ahayn , iyagoo naftoodii

Soomaaliya kala soo cararay ka dib markii hanjabaado iyo handadaad badan ka

heleen dadka halista ku ah Nabada dalkaas’’.

 

 

Gudoomiyaha SOLJA , waxa uu carabka ku dhuftay Weriyayaasha caanka ah , gaar

ahaan kuwa ka shaqeeya telefishanada Muqdisho , aanay xilligan ku noolaan

Karin dalka Soomaaliya ee dagaaladu ka holcayaan, waxana uu u mahad celiyay

Ururka RSF, deeqdaasi bixiyay iyo Xoghayaha guud Ururka Suxufiyiinta Geeska

Afrika Cumar Faaruuq oo lacagtaas la soo mariyay.

Muna Xasan oo ku hadlaysay magaca Suxufiyiinta deeqdaas la gudoonsiiyay ayaa u

mahad naqday ururka SOLJA iyo Xukuumada Somaliland, waxana ay sheegtay in si

fiican loola dhaqmay wax dhibaato ahna aanay kala kulmin.

Muna Xasan oo iftiiminaysay asbaabihii ay u yimaadeen Somaliland , waxa ay tidhi

“Waxa aanu Somaliland u nimid markii aanu ka soo cararay Muqdisho , waxa

aanu ogayn in aanu si nabad gelyo ah ugu noolaan karno, taariikhda ayay

Somaliland u geli doontaa, sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen’’.

“Dhibaatadii Muqdisho aanu uga nimid , waa hanjabaado ku saabsan in nala dilayo

, iyadoo telefoonada Mobile-da ah , cid aan la garanayni nooga soo hanjabi

jirtay oo nalagu odhan jiray ku taamili qaata saaxiibadiinii (Suxufiyiintii)

idinla shaqayn jiray ee la khaarajiyay’’ ayay tidhi Muna oo Tafaasiil ka

bixisay duruufihii ka keenay dalkoodii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this