Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Beesha Abdikasim Salaad Hassan oo lagu wado in ay Addis Meles kula kulmaan

Recommended Posts

Beesha Abdiqasim iyo Tigree-ga Ethiopia oo kulmaya.

 

Mogadishu - Beesha Abdikasim Sald Hassan, oo ka mid ah Beelaha ugu waaweyn Soomaalida iyo Beelaha Tigreega Ethiopia, ee taladada wadankaasi haya, ayaa la qorsheynayaa in ay kullamo muhiim ah ku yeeshaan Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ethiopia Siyum Masfin, oo marti-qaadka kullankani fidiyey, ayaa lagu wadaa labada dhinac ay kulamadooda si wen iskula meel dhigaan marxaladda uu haatan dalku marayo iyo sidii ay Beesha Abdikasim Salaad Hassan taageero balaaran u siin laheyd Dowladda meel ku gaarka ee Ethiopian-ku si dabar-ka riix ah ku keeneen caasimadda.

 

Beesha Abdikasim Salaad Hassan, ayaa kullan ay siyaasiyiinta, wax-garadka iyo culumaa’udiinkoodaba ku qaateen Muqdisho, waxaa ay si cad ugu shaacisay inaysan marnaba la shaqayn doonin C/laahi Yuusuf maadaama uu horay u diiday inuu la shaqeeyo Xukuumadii Dr. C/qaasim Salaad Xasan iyo maamuladii kale intaba.

 

Lama shaacin xilliga rasmi ah ee uu kullanku qabsoomayo, iyadoona Magaalada Adis-Ababa lagu casuumay ilaa 14-Xubnood oo isugu jira Culamaa’udiin, Siyaasiyiin, waxgarad, Odayaal, Aqoonyahano, ka tirsan Beesha Abdikasim Salaad Hassan, oo sida uu qorshuhu yahay ay is hor fariisan doonaan mas’uuliyiin ka socota Beesha tigree e Ethiopia.

 

Tigreega, ayaa waxaa hogaamiya Meles Zenawi, oo si weyn uga celceliya in Beesha AbdiKasim Salaad Hassan ay tahay Argagixiso maadaama ay iyadu laheyd fikradii unkida Maxkamadaha Islaamka Somalia

Baidoa.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoog dhalaan soo galay maaro looma helo. Waxaan iga tallo ah in beesha Cabdiqasim Salaad Hassan Somalida wax la qabsadaan oo ay xubin beelaha Somali kamida noqdaan, oo aysan isu arag isha, afka, iyo adinka kaliya oo ay somalida leedahay. Waxaa hubaal ah in beeshan oo cudidoodu kaamilantay Markii uu Abdikasim Salaad Hassan noqday Madaxweynihii Dowladii Carta, wax qabadkoodina mashii ugu saraysay gaaray markii ay Shaardiimeed gashadeen oo dibad iyo kudaba mar qua la wada maqlay. Kuma xumo beel tiradeedu gaaraysa ilaa laba boqol oo kun in ay Somalia influence saasa ku yeelato. Su'aasha taalo waxaa weeye hadii beelkasta oo Somaaliyeed oo ay cududeedu kaamilanto sidaas iyo si ka daran yeelayso maxaa noo caaqiba ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this