General Duke Posted May 24, 2009 Qasaaraha ka dhashay Madaafiic galabta la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho oo isa soo taraya. Iyadoo wali dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ayaa hadana waxaa maalin kasta caado noqotay inay is weydaarsadaan Madaafiic, taasoo qasaaraha ugu badan ka soo gaara dad rayid ah. Madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac oo qaarkood lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartau. Xoogaga Mucaaradka ayaa galabta casir liiqii waxay Madaafiic Hoobiyeyaal ay ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood gudbay, waxaana ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Xamar Weyne. Inta la hubo hal ruux ayaa ku dhintay hoobiyeyaasha, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasoo ku dhacay Xaafado ka tirsan Xamar Weyne, sida ay soo sheegeen dadka deegaanka, Sidoo kale Madaafiic kale oo jawaab aheyd oo laga riday Madaxtooyada ayaa ku habsaday xaafado ka tirsan Wardhiigley iyo Yaaqshiid, taasoo iyana sababta qasaare soo gaaray dad rayid ah. Xaafada Suuq Bacaad ayaa ku dhacday dhowr Madaafiic jawaabo ahaa oo laga soo ridayay Madaxtooyada, taasoo iyana sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawac labo kale oo aad u liitay. Madaafiicda inta badan ay is weydaarsadaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sababa qasaaro soo gaara dad rayid ah, waxaana madaafiicdan ay yihiin kuwo dadka rayidka ah ugu taga guryahooda, iyagoo war moog ah. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2009 Muqdisho:Madaafic xoogan oo ku socota xarunta madaxtooyada iyo jawaabo kulul oo Amisom ka imaanaya 24. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Madaafic xoogan aya ku socota xiligaan xarunta madaxtooyada madaxweyne Shariif Sh.Axmed , waxaana madaaficdaas ay ku dhacayaan gudaha iyo banaanka xarunta. Madaaficdaan oo u soo dhaceysa si aan kala joogsi lahayn ayaa waxaa ay ka soo dhaceysa meelaha ay joogaan xoogaga mucaaradsan dawlada. Ciidamada Amisom ayaa bixinaya jawaabo madaafic ah oo ay ku qaraacayaan dhufeysyada mucaaradka iyo xaafado ay dad rayid ah daganyihiin sida xaafadaha Xamar Jadiid , Cali Kamiin , Carafaat iyo Xamar bile, Lama oga khasaaraha ka dhashay madaaficdan la isku dhaafsanayo hawada Muqdsiho , waxaase khasaaraha mar walbaa uu soo gaara dadka rayidka ah. Tan iyo marki ay dagaalada ka qarxeen Muqdisho bartamaha bishan aan ku jirno waxaa caadi ahaa galab walbaa weerarada madaafic ee ay labada dhinac isku sagootiyaan kuwaas oo lala eegto madaxtooyada iyo fadhiyada mucaaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland WAR LA XIRIIRA Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 24, 2009 Duqeymo gaystay khasaarooyin kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho. Muqdisho,(WNT):-Duqe ymo xoogan ayaa galabta gabal dhicii ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kaasi oo gaystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Duqeymahaan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada dowlada,Kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha ka dagaalama Magaalada Muqdisho. Duqeymaha ayaa yimid kadib markii Madaafiic dhowr ah lala beegsaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia taasi oo keentay in jawaabo xoogan xarunta ka soo baxaan. Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku geeriyootay xaafada suuq bacaad ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku dhacay Madfac jawaab ah ee ka soo baxay Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray tiro dad rayid ah oo iminka dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaalada Muqdisho. Ma aha markii ugu horeysay oo duqeymo Muqdisho isku waydaarsadaan Ciidamada AMISOM,Kuwa dowlada iyo Kooxaha ka horjeeda kaasi oo khasaare ka soo gaara dadka Rayidka ah. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites