Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: peace between two clans is concluded

Recommended Posts

Heshiis la dhax dhigay beelihii ku dagaalamay deegaanka irdhays ee G/Bari

 

Kulankan oo dhinacyo badan kasoo qaybgaleen ayaa lagu qabtay xarunta gobolka bari ee magaalada boosaaso.kulanka heshiiska oo hordhac ah ayaa waxa uu ku salaysnaa go,aan laga soo saaray ama laga gaaray beelihii isku haystay lahaanshaha deegaanka igdhays oo ka tirsan degmada ufayn gobolka bari .

 

Kulankan ayaa ahaa kulan sadax geesood oo marka laga reebo isimo iyo waxgarad ka kala socday labada beelood ee isku haystay deegaankaas ay wehelinayeen labo dhinac oo kala ahaa masuuliyiin ka socota maamulka puntland iyo waliba culama owdiin loo xilsaaray heshiiska labadaasi beelood kuwaasoo sida lasheegay ku xukumi doona shareecada islaamka.

 

Kulankan ayaa si wayn laysugu afgartay kaasoo ay go,aan ku gaareen dhinacyadii kasoo qayb galay go,aankaasoo lagu burburinayo dhismihii iyo barkadii laga dhisay deegaankaas iyadoo qarashkii ku baxayna ay bixinayso maamulka puntland waxaa kaloo lagu go,aamiyay in beeshii dhisatay goobtaas loo qoondeeyey deegaan ahaan meel dhowr kiiloomitir u jirta halkaas sidaas waxaa sbc international u xaqiijiyay suldaan cabdulaahi faarax oo ka mid ahaa isimadii kulankaas ka qayb qaatay.

 

Sudaan cabdulaahi ayaanu waydiinay in goaankaas ay wada aqbaleen labada beelood iyo in kale waxa uu ku jawaabay haa.

 

Waa labo beelood oo walaalo ah daris ah ood wadaag ah waana xal ay ku qanci karaan .

 

Ugu danbayntii waxaa kulankaasi lagu goaamiyay in wixii xurguf iyo turxaan ah loola noqdo sharciga islaanka kaasoo culamadu ay sheegeen in wax ka wayn aysan jirin.

 

Isku soo wada duuboo deegaanka igdhays ee gobolka bari ayaa maalmihii lasoo dhaafay daganayd ka dib markii labo beelood oo wada degan gobolka bari ay diriri ku dhax martay deegaankaas kaasoo ku salaysnaa dhul deegaan ah.

 

Maxamed Cali iimaan

SBCINternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this