Paragon Posted May 22, 2007 Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somalia oo geeriyooday Mogadishu 22, May.07 ( Sh.M.Network) Alaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi goordhaweyd ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somalia Aadan Cabdulle Cismaan sida ay sheegeen ilo caafimaan oo ku sugan Kenya. Aadan Cabdulle Cismaan, Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somalia Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee qabtay xilka madaxtinimada Somalia, bishii June sanadkii 1960 kii markaasi oo ay aheyd xilligii dalka uu xuriyadda ka helay gumeystihii talyaaniga. Alaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa uu ku dhashay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908 dii. 1944 tii waxa uu ku biirey kooxda xurnimo doonka Somalia ee leegada, isagoo ka tirsanaa ilaa u ka qabto xilka madaxtinimada Somalia 1 dii bsihii June sanadkii 1960 kii xilligaasi oo si dumuquraadi ah loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Somalia, waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee African ah oo si dimuquraadi ah lagu doorto, xilkana laga daga si dumuquraadi ah. Waa madaxweynihii 3aad ee soo mara Somalia ee geeriyooday, iyadoo ay horey u geeriyoodeen Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Siyaad Barre. Click here to find shabelle news in english Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted May 22, 2007 We have lost a beacon. May god bless his soul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted May 22, 2007 Ina lilaahi wa in ilayhi raajicuun, Allah yaraxamu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted May 22, 2007 May Allah bless his soul. Alaah ha unaxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 22, 2007 ^^^Amiin. This is strange. WAR DEG DEG: Prof. Dufle oo oo beeniyay geerida madaxweynihii hore ee Soomaaliya. 22. Maj 2007 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland)- Gelinkii hore ee maanta waxaa soo baxday warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nayroobi, warkaas oo ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya hase ahaatee daqiiqado ka hor ayaa Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan sida gaarka ah ugu dhow dhow Aadan Cadde waxaa uu sheegay ineysan geeridaas jirin balse, Aadan Cadde uu ku jiro xanaanada gaarka ah ayna ku xeran yihiin mashiino neefta soo celiya. Dr. Dufle wuxuu diiday wararka ay faafiyeen warbaahinta Soomaaliya balse qiray in waaberigii saakay Aadan Cadde neefta ay ku dhegtay kadibna la geeyay Isbitaal, wixii war ahna ee ka soo baxana dib uu ka soo sheegi doono. Afhayeenka Guddiga dib u heshiisiinta Qaran C/qaadir Maxamuud Walaayo ayaa isagoo ku hadlaya codka Guddoomiyaha dib u heshiisinta Qaran tacsi u diray eheladii iyo umada Soomaaliyeed isagoo ugu tacsiyadeynayey geeri uu sheegay walaayo iney ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, balse beenintan ayaa timid saacado kadib. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted May 22, 2007 Ina lilaahi wa in ilayhi raajicuun, Allah yaraxamu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 22, 2007 Ilaahay Janadii Fardoowso Haka abaal mariyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 22, 2007 Somalia lost a good. Adan Cabdulle reer Beled Weyne isla ahaan jirnay.My grandfather knew him long before he become the leader of free Somalia. He was a good man then,and died a better man now. May Allah bless his soul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted May 22, 2007 Inaa Lilaahi Wa-inaan Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto, Firdowsana gaarsiiyo marxuumka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Pacifist Posted May 22, 2007 I just wanted to let you guys know that this reports are not true and that he is alive. Just some rumor and it was confirmed by family. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted May 22, 2007 Hadduu dhintayna Allaha u naxariisto, hadduu nool yahayna Allaha u naxariisto. Either way! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 23, 2007 Eebba caafimaad wanaagsan oo wacan ha u kordhiyo iyo cilmi dheer wanaagsan ha ugu sii siyaadiyo aabaheen Md. Aaden Cabdille Cismaan -- aamiin, aamiin. U duceeya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted May 23, 2007 Eebba caafimaad wanaagsan oo wacan ha u kordhiyo iyo cilmi dheer wanaagsan ha ugu sii siyaadiyo aabaheen Md. Aaden Cabdille Cismaan -- aamiin, aamiin. Aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 23, 2007 Rabi ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites