Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab attack, then when it gets hot run leaving civilains injured

Recommended Posts

Dagaal culus oo xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdishu iyo kooxda Alshabaab oo lagu aamusiyay madaafiic jawaab ah

 

Posted to the MOL September 22, 2008, 11:22 am

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in dagaalo culus ay xalay iyo saaka ka dhaceen magaalada Muqdishu. Dagaaladaas ayaa bilaamay xalay ka dib markii kooxda alshabaab oo ku dhex dhuumanysa suuqa weyn ee bakaraha ay hoobiyayaal ku soo garaaceen fariisinka ciidamada Ugandha KM4 iyo garoonka diyaaraha Muqdishu.

 

 

Ciimada Ugandha oo kaashanaya kuwa dowlada ayaa iyaguna weerar ku qaaday goobihii uu ka soo dhacayay hoobiyayaashu. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxdii Alshabaab ay ka carareen goobihii ay ka soo ridayeen hoobiyayaasha, waxaase dagaalkaas ka dhashay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee kooxda Alshabaab ay gabaadka ka dhiganayeen.

 

 

Wararka aan helayno ayaa sheegaya inay jiraan ugu yaraan dhimasho gaaraysa 20 iyo dhawaac gaaraya 40. Dhinaca alshabaab ayaa la sheegayaa inay kaga dhinteen dagaalkaas maleeshiyo inkastoo aan laga dhexgaran karayn dadka shacabka ah iyagoo isku dhex qariya dadka shacabka ah.

 

 

Dadka dagan xaafadaha dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday goor danbe oo xalay ah, markii kooxda Alshabaab ay duqeeyeen xarumaha ay dagan yihiin Ciidamada Nabad-ilaalinta ee midowga Afrika, taasoo keentay in ciidamaasi ka jawaabaan weerarkaas oo isdifaacaan.

 

 

Kooxaha Alshabaab ayaa sidoo kale hoobiyayaal ku garaacay garoonka diyaaradaha, kadib markii diyaarad ay lahaayeen ganacsato ay soo fadhiisatay taasoo iska iska-dhagatirtid ku samaysay hanjabaadii kooxda Alshabaab.

 

 

Ciidamada dowlada KMG ayaa madaafiic jawaab celis ah ku garaacay goobihii ay ka so dhacayeen hoobiyayaasha kooxda Alshabaab iyagoo ku aamusiyay oo aysan u suuragalin kooxda Alshabaab inay soo weeraraan diyaaradaas markii ay kacaysay.

 

 

Marar badan ayaa dowladu uga digtay shacabka Muqdishu inaysan ogalaan inay dhexdooda weerar ka soo qaadeen kooxda alshabaab. Waxaase muuqata in kooxda Alshabaab ay cabsi galin ku hayaan shacabka oo aysan suurogal ahayn inay iska saaraan kooxahaas qas wadayaaasha ah.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this