Sign in to follow this  
General Duke

Pro courts website: millitia defect to A/qaybdeed..

Recommended Posts

Ciidamo gaaray 20 ka tirsanaa ciidanka maxkamadaha ee ku sugan deegaanka Galin-soon ee gobolada dhexe ee Soomaaliya, ayaa la sheegay in iyaga iyo hubkooda ay u baxsadeen dhinaca ay joogaan ciidamada Col. Cabdi Qayb-diid.

 

Hobyonet. Muqdisho. Sabti,Okt 14,2006

 

 

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bandiiradley, ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyey ciidamo beel ahaan ka soo jeeda deegaankaas, oo shalay ka baxsaday ciidamada maxkamadada ee jooga Galinsoor.

 

 

Ciidamadaan, oo tiradooda kor u dhaafaya 20 qof, ayaa waxaa la sheegay in markii ay baxsanayeen ay wateen gari Cabdi Bile, balse ay dhex kaga tageen kadib markii uu god wado qarda jeex ah ku yaala uuk u dhacay.

 

 

Ciidamada Maxkamadaha oo doonayey in ay ciidamadaasi soo qabtaan, ayaa waxaa u suuragashay in ay soo helaan gaarigii oo meel god ah ku jira.

 

 

Ciidamada goostay, ayaa la sheegay in ay horey u qaateen ilaa 5 qoryahay loo yaqaano dabajeexyada iyo qoryo kale oo fudud.

 

 

Dhinaca Afhayeenka maxkamadda Al-furqaan Sh. Max'ud Axmed Jimcaale (Caga-weyne), ayaa sheegay in ciidamada Cabdi Qayb-diid ay u soo dhawaadeen deegaanka Galinsoor ee saldhigga u ah ciidamada maxkamadaha, isagoo ku eedeeyey in ay Cabdi Qayb-diid uu doonayo in uu dagaal kiciyo.

 

Afhayeenka, ayaa sheegay in ciidamada maxkamadaha ay diyaar weyn ku jiraan, iyagoo la socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Cabdi-qaybdiid oo ay weheliyaan ciidamo Punt-land ah sida uu sheegay afhayeenka

 

 

 

 

Maslax Osmaan

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleshiyo Ka soo fakatay Maxkamadaha oo ku soo Biiray Cabdi Qaybdiid.

Posted on Sunday, October 15 @ 04:31:32 PDT by muuse

 

 

{Gaalkacyo}15-10-06 Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gareen maleshiyo ka soo fakatay Maxkamadaha kaddib Marki..............

 

Maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Maxakamadaha islaamiga ee ku sugnaa deegaanka Gelinsoor ee gobalka Galgaduud ayaa kasoo goostay.

 

Maleeshiyadan oo tiradoodu gaaraysay sodomeeyo ayaa ayaga oo wata qoryahoodii ay kala soo fakadeen Maxakamadaha waxayna soo gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

 

Maleeshiyadan oo saxaafadu su'aalo dhowra ku waydiiyeen oo la xiriirta ******adooda ragaani kasoo goostay Maleeshiyaadka Maxakamadaha ayaa waxaa ka muuqatay diif aad u daran taasoo ay sheegeen inay sabab utahay habka ay ula macaamileen madaxda Maxakamadahu.

 

Ciidamadaan ayaa sheegay in ay ku khaldanaayeen go'aankii ay markii hore uga mid noqdeen maleeshiyaadka Maxkamadaha waxayna sheegeen in ay haatan ******** in maxakamaduhu yihiin mashruuc uu wato qabiil, waa say hadalka u dhigeenee.

 

Mar la waydiiyey sodomeeyadan nin ee kasoo goostay maxakamadaha inay arintani tahay mid xeeladeed oo ay wadaan maxakamaduhu islamarkaana ay ayagu qudhooda loo soo diray xog iyo basaasnimo ayey si wayn gaashaanka ugu dhufteen.

 

Ciidamadan ayaa ugu dambayn sheegay inay ku biirayaan ciidamada Col.Cabdiqaybdiid oo ku sugan deegaanka Bandiiradley waxayna sheegeen inay ladagaalami doonaan ciidamada maxakamadaha ee ay ka soo goosteen.

 

Rabiile Cabdi Kariin Gabanow Radio Nugaal Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this