Jumatatu Posted November 27, 2005 Xulka Qaranka Soomaaliya oo 2-1 uga adkaaday xulka dalka Jabuuti. Kigali. Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyey oo ay la ciyaareen xulka dalka Jabuuti tartanka bariga iyo bartamaha Africa ayaa maanta guushii ugu horeysay ka soo hooyey Ciyaarta labada dal ayaa ka dhacday maanta dalka Ruwanda magaalo madaxdiisa Kigali. Soomaaliya oo ku jirtay Group-ka B ayey waxa ay isku Group yihiin wadamada Jabuuri ,Suudaan,Uganda iyo Itoobiya. Ciyaartii galabta ee Soomaalida la ciyaartay Jabuuti ayaa dhamaadka qeybti hore ee ciyaarta waxaa goolkii ugu horeeyey la hormaray xulka Soomaaliya waxaana u dhaliyey ciyaaryahan C/kariim C/laahi oo ka mid ah Ciyaartoydii dalka dibadiisa laga keenay si ay uga saftaan xulka Soomaaliya. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhaamatay l iyo 0 Markii leysku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wadanka Jabuuti waxaa u suura galay in ay helaan goolkii Bareejada Gabagabadii Ciyaarta ayaa waxaa Goolkii guusha u dhaliyey dhalinta ku ciyareysay magaca Soomaaliya Maxamed Nuur Shaarkey oo asagu ah weeraryahanka xiliyadii danbe ee Qaranka Soomaaliya . Xulka Soomaaliya oo lagu yaqaano badinta ciyaarta hore ayaa looga fadhiyaa bal in ay sanadkaan yimadaan wareega labaad ee Ciyaaraha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jumatatu Posted November 27, 2005 Cayaartooy Soomaaliyeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 27, 2005 Waxaan u hambalyaynayaa Xulka Soomaaliyeed, tababareyaashooda iyo maamulka kubadda Cagta ee Soomaliyeedba. Waxay u egtahay in Soomaaliya ay ku soo noqotay khariidadda ciyaaraha kubadda cagta ee adduunka. Tabaabushe wanaagsan ayey ahayd runtii in dhallinyaro xirfad sare leh laga wado dibedaha. Waxaan sugi la'ahay in Itoobiya iyo Uganda sidaas loo waro!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites