Sign in to follow this  
Fiqikhayre

GaalkacyoDelegation of Speaker of Parliament of PL have meetings in Pres Headquarters

Recommended Posts

P U N T L A N D:

Doorasho, 2009

 

Falcelis

Dhegayste Wafdiga uu hoggaaminayo Afhayeenka baarlmaanka Puntland oo kulan ku yeeshey xarunta madaxtooyada ee Galkacyo.

 

 

Galkacyo, July 08 | Waxaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo kulamo ku aaddan xaaladaha ka jira gobolka Mudug ka yeeshey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

 

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta ee DG Puntland Warsame Cabdi Shirwac, Wasiirka Caafimaadka Dr Bashiir Cali Biixi iyo qaar ka tirsan Wasiir ku xigeenno ka soo jeeda deegaannada Puntland iyo waliba xildhibaannada golaha wakiillada u matala gobolka Mudug.

 

Waxaana maanta ay ku kulmeen wafdiga xarunta Madaxtooyada iyaga oo ka wada hadley sida ay u waajihi doonaan xaaladaha ka taagan gobolka iyo sida loo dar dar gelinayo hawlaha amni ee gobolka.

 

Kaddib kulankooda ayaa Dr Bashiir Cali Biixi oo ka mid ah Wafdiga waxaa uu ka warbixiyey ujeeddada socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegey in ay u yimaadeen gobolka socdaal shaqo isaga oo sheegey in safarradii hore uu ka duwan yahay safarkaan, waxaa uu sheegey in ay u kuur galayaan ammaanka gobolka, arrinta kale ee ay sidoo kale u yimaadeen gobolka Mudug ayaa sidoo kale waxaa uu ku sheegey in ay tahay sidii laysugu soo dhaweyn lahaa maamulka iyo shacabka.

 

Waxaa sidoo kale uu sheegey in ay u yimaadeen gobolka jaan-goynta ciidamada oo deegaannada kale ee Puntland laga hirgeliyey iyada oo gobolka Mudugna ay ka codsadeen maamulka sare in tiro ahaan la kordhiyo ciidamada ka qeyb qaadanayo sugitaanka amniga.

 

 

Wafdiga uu xilligan hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa ay isugu jiraan Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Xil dhibaanno ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana ay kulammo ku aaddan arrimaha nabad gelyada iyo maamulkaba ay kala yeesheen maamulka gobolka iyo qaar ka tirsan Bulshada gobolka Mudug iyada oo loo soo jeediyey talooyin ku aaddan sixidda hawlaha amni iyo kan maamul ee xilligan.

 

 

Waxaana ay ku sii sugnaanayaan maalmaha soo socda magaalada Gaalkacyo iyaga oo kulammo kalena la sii yeelanaya maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgaradka gobolka.

 

 

Inkasta oo wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Puntland ay yimaadeen horraantii sanadkaan, waxaana magaalada Gaalkacyo laga dareemayey dhawrkii beri ee la soo dhaafey hawl gallo lagu sugayo amniga iyada oo laga fiiqayey gawaariada ay ku qafilan yihiin bacaha Beersoolka.

 

C/Fataax Cumar Geeddi.

Idaacadda Daljir.

 

zXirsiGalkacyo.jpg

 

zXirsiGalkacyo.jpg

 

zXirsiGalkacyo.jpg

 

zXirsiGalkacyo.jpg

 

zXirsiGalkacyo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Garowe Online

 

Somalia: Speaker leads Puntland delegation to Galkayo

7 Jul 7, 2009 - 7:25:43 PM

 

GALKAYO, Somalia July 7 (Garowe Online) - The parliament Speaker in Somalia's semiautonomous State of Puntland led a government delegation to the city of Galkayo Monday, Radio Garowe reports.

 

Abdirashid Mohamed Hersi, Speaker of the Puntland Parliament, led a delegation that included Health Minister Dr. Bashir Ali Bihi, Information Minister Warsame Shirwa "Sefta Bananka," and Women's Affairs Minister, Ms. Asha Ghelle.

 

The delegation also included a number of vice ministers and members of the Puntland parliament.

 

On Tuesday, the delegation held extensive talks with regional and district officials in Galkayo, capital of Mudug region. Galkayo connects the stable regions in Puntland to the war-torn regions of south-central Somalia.

 

In recent months, the town has been the scene of violent attacks among local clans and militiamen have staged attacks on government outposts, including the prison.

 

Speaker Hersi's delegation has not addressed the media or held any public events yet. But sources close to the meetings in Galkayo said the discussions were centered on improving security and local governance structures.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this