Sign in to follow this  
Jacaylbaro

European Parliament Welcome a Delegation from Somaliland Parliament

Recommended Posts

Sweden-(HWN)-Salaasadii 23/12/2010 waxa xarunta baarlamaannka Yurub ee magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska si lixaad leh loogu soo dhaweeyey wafdigii ka socday baarlamaanka Somaliland ee uu hogaaminayey Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uuna wehelinayey Md Cabdilcasiis Maxamed Samaale. Waxa kale oo wehelinayey wafdiga.

 

Md Cumar Yusuf Xuseen ergayga JSL ee dalka Jarmalka iyo dalalka Yurubta bari iyo Muxyadiin Axmed A Gaboose, Wakiilka Somaliland ee dalka Talyaaniga.

 

Wafdiga Baarlamaanka Somaliland waxa lagu soo dhaweeyey qado marti sharaf ah, ka dibna waxa lagu soo dhaweeyey qol ka mid ah qololka shirarka ee baarlamaanka Europr oo ay goob joog ka ahaayeen Gudiddda Arrimaha Dibedda ee Baarlaanka Yurub iyo mudanyaal kale oo u yimi inay dhegeystaan warbixinta wafdiga iyo inay su,aalo wediiyaan.

 

Wafdiga waxa qolka shirarka ku soo dhaweeyey waaxda Protocol-ka iyo Mudane Fiorella PROVERA, Vice Chairman of the Committee on Foreign Affairs oo madaxweyne Cigaal (AHUN) ku maamuusay baasaaborka Somaliland welina sita. Fadhiga waxa ka soo qayb galay in ka badan labaatan (20) Mudane. waxa aad uga dhex muuqday mudane u dhashay dalka Ingiriiska oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee CONSERVATIVE-KA magaciisana la yidhaa DR CHARLES TANNOCK (MEP).

 

Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan Somaliland oo ka hadlaysa taariikhda halgankii, dib ula soo noqoshada xoriyadda, nabadeynta iyo dib u dhiska, dimqiraadiyadda iyo maamula wanaaga iyo kaalmada Somaliland uga baahan tahay bulshada caalamka iyo aqoonsiga Somaliland.

 

Mudanaayaashu waxay wafdiga waydiiyeen su,aalo badan kuwaas oo sii shaafiya looga wada jawaabay.

 

Kulanka waxa laga qaaday documenta muuqaal ah iyo mid qoraal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this