Jacaylbaro Posted October 11, 2007 gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka. hadhwanaag 2007-10-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Guddi Farsamo oo ka kooban Todoba Xubnood oo ay si Wada jira u soo Xuleen Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID, iyo UDUB] iyo Wasaarada arrimaha Gudaha, oo hawsha loo igmaday ay tahay Sugida Jinsiyada iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ayaa maanta kulankoodi Ugu Horeeyey ku yeeshay Xarunta Guddida Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa. Todobadan Xubnood oo laba ka mid ahi ay soo magacaabeen Gudida doorashooyinku waxay kala ahaayeen Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ah Gudoomiyaha Gudidan Farsamo ee Sugida Jinsiyadaha iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, isla markaana ah Gudoomiye Ku-xigeenka Komiishanka Doorashooyinka, Maxamed Ismaaciil oo ka ah Xubin ka mid ah Guddida Doorashooyinka, labada Xubnood ee ay Wasaarada arrimaha Guduhu Waxay kala yihiin, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arriaha Gudaha Axmed Jaanbiir Kaahin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Jaamac Colow, halka Sadexda Xubnood ee ay soo magacaabeen Axsaabta Qaranku ay kala yihiin. Guddoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, Axmed Maxamed Buubaa xubin ka socotay Xisbiga UCID iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ka socday Xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha Gudida Farsamo ee Sugida jinsiyada iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Xirsi Xaaji Cali Xasan. oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay todobadooda Xubnood hawsha loo igmaday ay tahay hogaaminta hawsha diwaan-gelinta [Registration] iyo sugista jinsiyadaha Jamhuuriyada Somaliland. “Waxaanu maanta bilownay sidii loo bilaabi lahaa hawshii Diwaan-gelinta [Registration] oo ay isla qaateen Xisbiyada Qaranku”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida Farsamo ee Sugida jinsiyada iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Xirsi Xaaji Cali Xasan. Guddoomiyaha Gudida Farsamo ee Sugida Jinsiyada iyo Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Xisri Xaaji Xasan, isla markaana ah Gudoomiye Ku-xigeenka Gudida Doorashooyinka Qaranku waxa uu sheegay inay gudidu ka kooban tahay todoba xubnood oo ay laba Xubnood ka socdaan Komiishanka Doorashooyinka halka, laba Xubnoodna Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo halka ay Sadex Xubood ka socdaan Sadex Xisbi Qaran. “Todobadan Xubnood oo hogaamin-doona diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Qaranka ayey hawsheedi bilaabantay, wixii imika ka danbeeyana hawshii looga gudbidoono guda-galkeedi, tii shaqaalihii iyo Goboladii qalabkii loo baahnaa iyo wixii kale ee farsamo iyo tigniko loo baahnaa” ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali. Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu Iclaamiyey in maalinta beri ah la qabandoono Munaasibad Qaran oo ay Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID iyo KULMIYE] ku Saxeexi-doonaan xiliga ay dhicidoonaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Golayaasha Deegaanka iyo weliba wakhtiga la geba-gabeyndoono. Diwaan-gelinta iyo Sugida Jinsiyada, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalilanad Md. Axmed Jaanbiir Suldaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa sheegay inay dhamaadeen arrimihii aadka looga war-warayey. “Waxaan Illahay ugu mahad-naqaynaa maanta inay Wax waliba arrimihii aadka looga war-warayey ay wada dhamaadeen, hawshiina guddidii farsamo ee qabanaysay ay halkan isugu yimaadeen, oo ay bilaabeen sidii Hawsha loo qabanayey.” Ayuu yidhi. “Waxkhti dalka iyo dadka laga lumiyaa meesha ma taalo” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku. Guddoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Axsaab ahaan loogu yeedhay inay bahasha Gunta ku jiraan, isla markaana ay la ogaadaan meesha ay isku soo dhawaynta iyo Hawshu mareyso. “Waxa imika nooyaala hawl-shaxeed ah maalinta ay diwaan-gelintu dhacayso iyo halka ay ku dhamaanayso, in-taana goob-joog ayaanu ka ahaanaynaa iyo wixii duruufo naga hor-yimaadaa si hagar la’aana ayaanu ula shaqeynaynaa Komiishanka Doorashooyinka iyo Wasaarada arrimaha Gudaha oo hawshaa sida wada jira u Wada” ayuu yidhi Cumar Faarax. Cumar Jaamac Faarax waxa uu tilmaamay inay rajeynayaan inuu Illaahay ku asturo hawashan loo igmaday, isla markaana ay wakhtigii loogu tala-galay ay ku dhamaato.. Waxa kale oo uu xusay haddii ay hawshu intaa ku dhamaanweydo inay Xubnahooda oo isku dhan inay goob-joog ka ahaan-doonan oo ay Xasaasiyadii iyo waxaasi sidaa noqon-maayaan ay halkaas kaga hadhi doonaan. “Anagu Waxaanu u joognaa inaan Sadexdayada Xisbi [KULMIYE, UCID iyo UDUB] qancino hawshu halka maalinba halka mareyso” ayuu yidhi Cumar isaga oo sharaxaad ka bixinayey Waxay sadexdooda Xubnood ee ka socday Xisbiyadu ay qabandoonaan. Mar la weydiiyey Su’aal ahayd, Waxay Axsaabta qaranku dhawaan ku heshiiyeen in Wakhti dheeraada lagu daro Doorashooyinka soo socda, Sababta dib loogu dhigayna labada Doorasho ee fooda inagu soo hayey ay tahay iyada oo aan Diwaan-gelintii la sameyn, mudadaasi aadku darteen ma laga gaadhsiin karaa inay dalka oo dhan ka dhacdo Diwaangelin? Waxa uu Ku Jawaabay Xirsi Xaaji Cali oo uu yidhi “ Wakhtiga diwaan-gelinta loogu tala-galay Haa, oo Waa laga gaadhsiin karaa, haddii laga gaadhsiin waayana waxa isaga imandoona Xisbiyada Qaranka iyo Komiishanka Doorashooyinka, Laakiin waa wakhtigii lagu sameeyey Daraasada ee inta badan laga fikiray ” “Kharashka loogu tala-galay hawshaa in lagu fuliyo waxa balanqaadyo ka jiraan deeq bixiyayaasha oo aanu kula kulanay haddii aanu nahay Komiishanka Adis ababa, waxaana Diyaar u ah oo door muhiima ka qaadanaysa Xukuummada Somaliland oo balanqaaday inay fuliso hawshan, iyada oo kaashanaysa Deeq-bixiyayaasha” ayuu ku jawaabay Xiris Xaaji Cali Xasan oo ka jawaabayey Su’al ahayd, Bal inay Guddidan Farsamo ee inay hayaan kharashkii iyo agabkii loogu tala-galay in hawshaa lagu fuliyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 11, 2007 Komishinka Oo Guddi Gaar Ah U Magacaabay Hawsha Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Hargeysa(Qaran)- Komishinka doorashooyinka Somaliland,ayaa maanta gudi gaar ah u magacaabay hawsha diwaangelinta codbixiyeyaasha,oo lagu wado in dalka oo dhan laga sameeyo ka hor,doorashooyinka golayaasha deegaanka. Guddidan,oo ka kooban todoba Xubnood waxa ay isugu jiraan Komishinka doorashooyinka Qaranka,Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Xisbiyada dalka,waxana gudoomiye u ah Gudoomiye Ku Xigeenka Komishinka Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Gudoomiyaha Gudidan Mudane Xirsi Cali,oo maanta saxaafada ugu waramayay xarunta Komishinka,ayaa sheegay in hawshii diwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolada dalka laga sameyn doono,waxana uu ytidhi “Waxa aan idiin sheegayaa in arrintii diwaangelinta codbixiyeyaasha ay ay isla ogolaadeen Xisbiyada qaranku,isla markaana Habeen dambe.Xaflad balaadhan oo lagu qabanayo huteelka Maansoor,ay si wada jir ah Xisbiyada qaranku u saxeexi doonaan wakhtiga ay socon doonto diwaangelintu iyo in si cad loo shaaciyo wakhtiga yare ee dib loo dhigay doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada”. Gudoomiye Ku-Xigeenka komishinku, waxa uu shirkaasi Jaraa’id kaga dhawaaqay magacyada todobada Xubnood ee ka hawlgeli doona diwaangelinta codbixiyeyaasha kuwaasi oo kala ahaa sedan:- 1- Xirsi Cali X.Xasan- oo ka socda Komishinka Gudoomiye 2- Maxamed Ismaaciil-oo ka socda komishinka –Xubin. 3- -Wasiir Kuxigeenka wasaarada arrimaha Gudaha Axmed jaambiir Kaahin-xubin 4- Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha gudaha Maxamed Jaamac Colaw-xubin 5- Xuseen Axmed Caydiid- Xubin Kulmiye 6- Cumar jaamac Faarax –Xubin UDUB 7- Axmed maxamed Maxamuud[buubaa] xubin UCID Dhinaca kale,waxa habeen dambe ay axsaabta qaranka iyo Komishinku si wada jir ah qalinka ugu duugi doonaan heshiis dhawaan ay ku gaadheen in muddo bilo ah dib loo dhigo wakhtigii doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo madaxtooyada. Doorashada Golayaasha deegaanka waxa dib loogu riixay 1-da bisha July ee 2008,halka doorashada madaxtooyadana loo mudeeyay 31-ka bisha August ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2008. Cumar Maxamed Faarax Qarannews/Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites