Jacaylbaro Posted June 27, 2007 Sidii Looga Xusay 26 Juun Degmooyinka G/Awdal Sida Borama, Saylac iyo Baki Boorama-(QARAN)-Waxaa maanta khayriyada magaalada Borama lagu qabtay xaflada lagu maamuusayay 26 Juun oo ah maalintii gumaysiga ay xornimada ka qaadatay Somaliland sanadkii 1960. Munaasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan iyo masuuliyiinta degmada Borama.Salaadiin,Cuqaal,iyo dadwayne aad u tiro badan waxaase aan ka muuqan munaasibaasi xuska maalinta xornimada Maamulka Gobolka Awdal oo uu ugu horeeya Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige iyadoo aan xitaa la caadyn sabobta keentay inuu ka maqnaado maalintii calanka waana arin dareen gaar ah ku riday dadwaynaha sabobta uu uga maqan yahay ee looga arki waayay khayriyada inuu ka hadlo . Munaasibadan oo si aad ah dadkii ka soo qayb galay ay u qiiraysnaayeen iyo masuuliyiintii ka hadashayba waxaa khudbad dheer oo ka hadlaysay taariikhdii iyo sidii la iskaga riday Heeryadii Gumaysiga sanadkii 1960 xildhibaan Maxamed Maxamuud Garaad waxuuna xusay inay reer Awdal ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee heshiis la saxeexda gumaysigii Ingriiska wakhtigaasi kuna kala saxeexday Saylac, waxaanay ahayd mid dadka reer Awdal ay ahaayeen kuwo diidanaa in Ingiriisku sii joogo Dalka isla markaasina aanu yeelan awood aad u wayn taasina ay ahayd wadaniyad iyo dal jacayl oo ay doonayeen inay heeryada Guamaysiga ay iska jaraan waxuuna xusay in gobolada ee Somaliland ay iyaguna wakhtiyo dambe heshiis la saxeexdeen laakiinse markii xornimadii soo dhawaatay ee 60kii ee xornimadii la gaadhay waxa la isku maandhaafay in gobonimada lagu darsado koonfur oo dalka Somalia ay wada qaataan oo ay sugayeen dadka Somaliland 21 july oo dalka la mideeyo balse Garaad waxuu cadeeyey inuu diidanaaa Gumaysigii Ingiriisku waxaana ay ahayd xisbigii dowlada markaasi hogaaminayay SNL oo uu hormood ka ahaa Alaha u Naxariistee madaxwanahii hore ee Somaliland Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo uu hogaaminayay isla markaana geeyey Koonfurta markii dowladii Soomaaliyeed ay dhalatay ay balanqaadkii iyo waxyaabihii lagu heshiiyay la isku maan dhaafay ayaa Somaliland waxa ay go’aansatay inay Somaliland dib ula soo laabato 1991 isla markaana ay noqoto dowlad madax banaan oo calan gaar ah waxuuna intaa sii raaciyay 16 sano ee dowladnimada Somaliland haysatay waxay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan oo dhinaca siyaasada , dhaqaalaha iyo arimaha bulshadaba leh waxayna suurto galisay inay ka dhacaan doorashooyin Dimoqraadi ah oo Degaan.,iyo doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxwaynaha kuwaasina ay ku dhaceen si nabad galiyo ah . Xildhibaan Garaad waxuu xusay in loo baahan yahay in Maayarka magaalada C/raxmaan SHide Bile oo wax badan ka qabtay degmada mudadii uu xilka loo baahan yahay in garab siiyo waxuuna carabka ku dhuftay in Maayarku keenay Daamurkii wadooyinka magaaladana Laami uu ka dhigayo sidaa awgeed waxuu dadwaynaha ugu baaqay in guri kasta ay bixiyaan 7000shiling si waxqabadka Maayarka Cusub loogu kordhiyo isla markaasina laga qayb qaato Horumarka degmada si dhiiri galin ay ugu noqoto cidii maamul ah ee wax u qabanaysa umada. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Dacar waxuuna ka sheekeeyey in reer Awdal yihiin kuwuu ugu horeeyey ee heshiis kula gala gumaysigii Ingiriiska inaanay haweenay Cadaan ah ku dhali Karin gobolka Awdal,iyo guudahaan dalka Somalilandba waxaana heshiiska ku jiray oo kale sida uu qiray Suldaan Ibraahin inaan qof cadaan ah oo Ajanabi ah aan dalka lagu aasi Karin waxuuna tilmaamay inay taasi ahayd wadaniyada reer Awdal lagu yiqiinay waxaana uu sheegay in Wax- wadaqabsiga iyo Isgaadhsiga horumar lagu gaadhi karo waxaanu farta ku fiiqay marka Dhibaato xaga ilaahay ka timaado ay dhacdo waxaa qaylo dhaan loo sameeyaa Hayadaha gaalada ah oo Gargaar la waydiistaa laakiinse waxuu reer Borama kula dardaarmay in hadii 10Bir la bixiyo marka ay isku tago lacagtaasi ay wax badan qabanayso waxaana halkaasi ka bilownay qaadhaan uu bilaabay nin la yidhaahdo Abiib oo Curyaan ah oo 10bir dhanayd ka dibna halkii lagu uruuuriyay lacag badan oo dad kala duwani kala bixiyeen. Isla markaana qayb wayn ka qaadanaysa laamida dowlada ka samaynayso degmada Borama. Waxaa isla halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal waxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga qayb qaato waxii lagu kordhinayo degaanka ee wax tar u yeelanaya adeegyada Bulshad,laakiinse waxuu bulshada u cadeeyey inay kala bartaan maalinta xornimada Somaliland ay qaadatay ee calanka ee 26 Juun ee sanadkii 1960 iyo markii Xornimadeedii ay dib ugala soo laabtay dowladii Somalia laga taagay oo gooni ay isku taagtay sanadkii 1991 mudadaasina ay qabsatay ama ay hanatay horumar balaadhan oo dhinac walba taabanaya isagoo dadwaynihii halkaa ka soo qayb galay xusuusiyay inay reer Awdal Haystaan Mansabka ugu wayn ee dalka Somaliland oo ah Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu ka soo jeedo G/Awdal sidaa awgeed looga baahan yahay in laga shaqeeyo Midnimada, jiritaanka iyo ka qayb qaadashada horumarka dalka ka socda. Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay Xaawo Rooble Cidheere waxaanay ugu horeyntii hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxwaynaha Jambuuriyada Somaliland iyo Marwadiisa iyadoo u rajaysay in sanadkan sanadkiisa ay horumar iyo barwaaqo ay dalka ku hogaaminayaan ku gaadhaan . Marwo Xaawo waxay u soo jeedisay Raga in Quruxda Borama iyo Maalinta Qayila ay u sameeyeen halka Haweenka u rajaysay 30 maalmood waa la soomaaye maalin qadedeed in ay kaga qayb qaataan wax qabadka ka socda degmada Boraama.taasii dhiiri galin u noqonaysa talaabooyinka horumarineed uu maayarku ka wado degmada Borama laakiinse waxa ay sheegtay in magaaladu ay meel kasta xashiish iyo gudaafad ay tahay laakiinse ay ku dhaliishay haweenku inay ka gaabiyeen kaalintii xaga nadaafada ee lagu yiqiinay iyadoo kula dardaaran tahay sidii magaalada Borama ay u noqon lahayd meel nadiif ah oo quruxbadan. Waxaa ugu dambayntii xafladaasi khayriyada magaalada Borama lagu qabtay ka hadlay maayarka magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile waxuuna sheegay In hadalkii uu odhan lahaaba Salaadiintii , Xildhibaan Garaad iyo Marwo Xaawo Rooble ay u yidhaahdeen balse waxuu hambalyo bogaadin u diray dadwaynaha reer Somaliland gaar ahaan bulshada reer Borama oo uu u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa munaasabadan oo kale ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo. Waxaana munaasabadaasi inay dhacdo suuro galiyay xoghayaha dowlada hoose ee degmada Borama C/rasaaq Cali Cismaan oo Baabuur uu makarafoono ku xidhay wacyi galin ka samaynayeen magaalada Borama kuwaasi oo Heeso ka hadlayay qiiradii gobonimada iyo munaasabada 26 juun kaasoo shalay ilaa xalay ogaysiis iyo wacyi galintaasi ka waday si ay ugu soo baxaan maalintaasi qiimaha iyo qadarinta mudan ee Maalinta Xornimada Somiland laakiinse laakiinse waxaa munaasibaasi ka muuqan Badhasaabka G/Awdal iyadoo lahayn wax ka maqnaysiiyay munaasabadaasi oo kale oo lagu qabtay degmooyinka Saylac ayna ka qayb galeen dadwayne aad u tiro badan iyo ciidanka xeebaha oo salaam ku maray Xarunta degmada Saylac oo uu hadal ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenkaasi degmada Saylac Cismaan Muumin Caare waxuuna ugu baaqay dadka degaankaasi Saylac ku nool inay ka shaqeeyaan Midnimada isla markaana ay ka qayb qaataan horumarka degmada laga wado ee dhinac walba leh isagoo tilmaamay in Iskaashi iyo wax wada qabsi lagu hor marin karo guulna lagu gaadhi karo wax kasta oo la qabanayo. Degmada Baki munaasabadii ka dhacday waxaa ka hadlay Maayarka Degmada Baki Bare Jaamac Yuusuf waxuuna ugu baaqay bulshada in danaha umada meel looga soo wada jeesto si loo adkeeyo jiritaanka iyo qaraninmada Somaliland. Goobihii Gobolka Awdal ee lagu munaasabadahan 26juun si qurux badan oo nabad galyo ay ayay uga dhaceen. qarannews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 27, 2007 Ceerigaabo & Munaasibadda Xuska 26-ka June. Ceerigaabo (Qarannews) Munaasibadda xuska maalinta 26-ka June ayaa maanta waxa lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo. Haddaba munaasibaddan oo ay soo abaabuleen maammulka degmada Ceerigaabo, sidoo kalena ay kasoo qayb galeen madaxda laamaha dawladda heer-gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo, ururrada bulshada rayadka ah, madax-dhaqameedyada beelaha reer-Sanaag, culimaa’udiin, iyo dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay ayaa ugu horrayn munaasibaddan waxa hadal kooban ka jeediyey kusimaha maayorka degmada Ceerigaabo Md.Max’uud Cawed Ducaale (Herdi), isagoo guud ahaan dadweynaha reer-Somaliland, gaar ahaanna bulshada reer-Sanaag ugu hambalyeeyey xuska munaasibaddan maalinta taariikhiga ah, isagoo sidoo kalena taariikh kooban ka siiyey da’yarta maalintan la xusayo ee 26-ka June, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa hadalladiisii ka mid ahaa “26-ka June waa maalintii ugu horraysey ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la saaro, shantii Soomaaliyeed ee xilligaas la isla doonayeyna waxa isu tegey innaga (Somaliland) iyo Koonfur (Somalia), innaga ayaana calankeennii gelbinney oo koonfur geyney innaga oo aan wax shuruud ahna ku xidhin, taasna wixii innakaga dhacay waynu isla ognahay, haseyeeshee si kastaba ha ahaatee waynu lasoo noqonnay, waana in aynu ilaashannaa, waayo inkasta oo aynu nahay dawlad aan la ictiraafin haddana maanta xornimo ayaynu haysannaa”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Reer-Sanaag ama reer-Ceerigaabo ahaan waxaynu nahay dad isku dan ah, isku bulsho keliya ah, isku degaanna ah, sidaas darteed waxan idinku boorrinayaa in aynu isku duubnaanno”. Waxa iyaguna munaasibaddan ka hadlay in badan oo ka mid ah madax-dhaqameedyada beelaha reer-Sanaag, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay taariikhda maalintan la xusayo ee 26-ka June, iyagoo sidoo kalena dadweynaha reer-Sanaag ku boorriyey isku duubnaan iyo in ay gacmaha is qabsadaan, si wada jir ahna u ilaashadaan qarannimada iyo madax-bannaanidoodaba. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo kaddib in muddo ah oo uu ku maqnaa dhinaca Burco xalayto fiidnimadii soo gaadhey magaalada Ceerigaabo ayaa isaguna munaasiibaddan hadal kooban ka jeediyey ayaa isagoo dhammaanba laamaha dawladda iyo dadweynaha kale ee kasoo qayb galayba ugu hambalyeeyey xuskan 26-ka June, sidoo kalena hambalyo guud u diray madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo dhammaanba dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxana hadalladiisii ka mid ahaa “Marka hore anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dadweynaha reer Sanaag waxan hambalyada munaasibaddan 26-ka June u dirayaa madaxweynaha J. Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxanna ilaah uga rajaynayaa sannadkan sannadkiisa in ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo”. Isagoo guddoomiyaha gobolku dhinacanabadgelyada ka hadlayana wuxu yidhi “Iyadoo nabadgelyadu tahay waxa aynu ku nool nahay horumarkana lagu gaadhi karo ayaa beryahan waxa gobolka ka jirey arrimo nabadgelyo xumo ah, taas oo keeni karta dhibaato hor leh oo aan loo baahnayn, gobolkanina waa gobolka ugu dilalka badan gobollada Somaliland waayo sannadkii 2006 January – July waxa ka dhacay 13 dil iyo 3 dhaawacyo culus ah, halka sannadkan 2007 January – June ay ka dheceen 13 dil iyo 1 dhaawac culus ahi, cid kasta oo wax ka qabashada arrimahaas gacan taageero ka geysateyna waan ku hambalyaynayaa, waxadna ogaataan sharcigu inuu yahay kan idin ilaalinaya laakiin qori iyo qabiilka toonni idinma ilaalin karaan, sidaas darteedna waxan idinkula dardaarmayaa in la dhawro nabadgelyada, sharcigana loo hoggaansamo, sidoo kalena ciidammada lagu garab galo hawlaha nabadgelyada, oo dadweynuhu taageero ku siiyo, denbiilahana aan la qarin ama la taageerin”. Ugu danbayn guddoomiyaha gobolka Sanaag isagoo la hadlaya mas’uuliyiinta laamaha dawladda ayuu yidhi “Mas’uuliyiinta dawladdu waa in ay caddaaladda ku shaqeeyaan oo ogaadaan mas’uuliyadda ay dalka iyo dadkooda u hayaan in Ilaahayna ku eegayo, kulana xisaabtami doono”. Dhinaca kalena waxa munaasibaddan xuska 26-ka June isaguna goob jog ka ahaa Dr.Gabboose oo isaga iyo xubno weheliyaa xalayto soo gaadheen magaalada Ceerigaabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 27, 2007 Xuska sanadguurada 47aad ee maalintii calanka somaliland qaadatay oo si weyn looga xusay magaalada Burco hadhwanaag 2007-06-26 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Munaasibad aad loo so agaasimay oo lagu xusayay Sanad guuradi 47aad ee ka soo wargeeta Markii Gobolada Somaliland ay xoriyada ka qaateen Mustacmarkii Ingriiska Sandkii 1960 aya lagu qabtay fagaaraha kheyriyada ee magaalada Burco . Xafladan oo lagu soo bandhigay heeso, majaajilooyin iyo qudbado ayaa waxay ku bilaabantay heeso wadaniya oo luugu talo galay munasibada 26 june Kooxda Walaalaha Togdheer ee Fanka ayaa ku soo ban dhigay intay soctay xafladu heeso iyo Majaajiloyin kal duwan Waxa iyaguna Dadweynaha halkaasi kala hadalay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo adweynaha uga waramay taariikhda 26 June waxana uu yidhi Gudoomiyuhu " maanta waa maalin ciida lakiin dadka yar yar badankoodu ma wada fahansan waxay tahay 26 juune waayo qaar badan baa odhanaya waa maxay Juune-tan na wareerisay" waxa uu intas ku daray Gudoomiyuhu Marki Mustacmarka Ingiriiska ku nidhi na sii xoriyadayada ee uudiiday waa lagu kacay waana lagu khasbay halkan aynu maanta joogno (Khayriyada) waxa loo dhisay raadinta xoriyada waana maalin farxadeed mana ah maalin la ilaabi karo waan taynu ku doodayno ee caalamka u sheegayno Dhaliyaraduna waa inay bartaan oo tas ku doodan" ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Waxa kale oo intaas ku daray Gudoomiyuhu " Maanta waxan idin sheegay Madaxweynihi wuxu jooga Berbera waxa uu dhagax dhigaya Mashaaric badan oo ay kamid yihin Warshadii Sibidhka, Dhuxul dhagax, Wado isku xidhaysa Berbera iyo Ceerigabo oo Guban maraysa iyo Masharic kale cidi samirta ilaahay waxay ku farxaan bu siiya marka in badan baynu samirnay maanta ayaynu gaadhnay guushi dadkan waxaba lag qariya oo aan marki hore laydiin sheegayn hadii laydiin sheegi laha waxa badan ba dhici laha oo cadow badan baynu leenahay oo Idaacadahad ka maqli lahaydeenba qaar leh meeshuba waa Somaliweyn marka sidaas ayaa waxa badan laydinku qariyay lakiin maanta waa xaqiiq" ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Mayer ku xigeenka Burco Md Baashe oo isna Dadweynah u sharaxay qiimaha Maalintani leedahay Waxa kale oo isna halaaksi hadal ka jeediya Gudomiyah Udub ee Gobolka Togdheer Md Ayaanle xafladaha dabaal dega ee munaasibadaha kala duwan ee 26JUNE WAXA KALE OO lagu qabtay magaaloyinka ceerigaabo iyo caynaba Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 27, 2007 Madaxweynekuxigeenka oo dadweynaha Hargeysa kala qaybgalay xuska 26ka June oo lagu qabtay Beerta Xorriyadda Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta hadal u jeediyey dadweyne isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kagala qaybgalay xuska 26ka June, 47-guurada maalintii Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska. Madaxweynekuxigeenku waxa uu ka warramay halgankii loo soo maray gobanimadii luntay iyo kii ka dambeeyey ee dib loogu soo celiyey Somaliland, kaas oo uu xusay in kumanaan qof ay ku dhinteen, hanti la tabcayey laba qarnina ay ku baaba'day. Waxana uu sheegay in aan wax baqdin ah looga qabin Somaliland inay dib u noqoto iyo in uu dego ayuu yidhi Calanka Tawxiidku ku qoran yahay ee Somaliland. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu u digey dadka u dhashay Somaliland ee doonaya inay ka qaybgalaan shirka Muqdisho ee dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waxana uu dadka u soo jeediyey in dhagax lagu dilo ninka Masuul ah – ha noqdo Suldaan ama siyaasie – ee ka qaybgala shirkaas. Sidoo kale, urur-goboleedka IGAD ayuu u soojeediyey in aanay isku daalin arrinta Somalia oo uu sheegay in aanay hagaageyn ilaa la aqoonsado Somaliland. Madaxweynekuxigeenka oo iska reebay ciidamadii iyo tiknikadii gelbin jirtey waxa kadib socod lug ah ku tegey Hudheelka Hadhwanaag, iyada oo ay dhallinyaro badan oo ka raacay Beerta Xorriyaddu ay daba yaacayeen. Madaxweynekuxigeenka oo Hotel Hadhwanaag weriyayayaashu su'aalo ku weydiiyeen waxa uu sheegay in munaasibadda 26ka June caadiyan lagu xuso xaflad habeenimada lagu qabto Madaxtooyada, balse, uu yimi Fagaaraha markii loo sheegay in dhallinyaro fara badani ay isugu timi. Quote Share this post Link to post Share on other sites