Suldaanka Posted September 24, 2005 First patch of International Observers are to arrive in Hargeisa today ahead of the thursday parliamentary elections. The 12 member team from South Africa will be accompanied by a team of journalists from South Africa's CABC Tv. ----- 12 Goob Joogayaal Caalami ah oo Galabta ka soo Degi doona Madaarka Magaalada Hargeysa Hargeysa (Halganews) 12 goob joogayaal caalami ah oo ka qayb qaadanaya doorashada baarlamaanka ee dalka ka dhici doonta 29 bishan ayaa la filayaa in ay galabta ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Mr. Iqbaal Jazbhay oo shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ku sheegay in 12 goob joogayaasha ah ay Somaliland u imanayaan arrinta doorashada golaha wakiilada, waxana uu intaasi ku daray in Telefiishanka Caalamiga ah ee la yidhaahdo CABC ee laga leeyahay dalka South Africa isaguna uu ka qayb qaadan doono baahinta doorashada Baarlamaanka, taas oo uu sheegay Mr. Jazbhay in Somaliland fursad weyn u tahay in laga daawado caalamka meelo badan oo ka mid ah. Mr. Jazbhay mar wax laga waydiiyay arrinta Argagaxisada waxa uu sheegay in Somaliland guul weyn ay u tahay qabashada iyo la dagaalanka Argagaxisad, maadama ay warbaahinta caalamku imanayaan, waxana uuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan falalkii fashilmay ee Argagaxisada xata kuwa hada gacanta lagu dhigay, Somalilandna ay u tahay arrin muctarif ah. Safiirka u fadhiya Somaliland Koonfur Afrika isaga oo ka waramaya xidhiidhka Somaliland iyo Koonfur Afrika waxa uu sheegay in uu sii xoogaystay labadii sanno ee ugu dambayay iyadoo haatana uu wadamada Somaliland, Itoobiyo, Jabuuti iyo Koonfur Afrika ay ku soo biirtay ayuu yidhi dalka Nigeria. Dhinaca kale Masuuliyiin ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kula kulmay xarunta ciidamada Birmadka ee magaalada Hargeysa in ka badan kun askari oo ah ciidamada ka howlgalaya doorashada golaha wakiilada gaar ahaan gobolka Hargeysa. Waxay Saraakiishka Komishanka ciidamadaasi uga warameen muhiimada doorashada iyo kaalinta ciidan ahaan ay ku leeyihiin, waxanay halkaasi ay uga akhriyeen qodobada mihiimka ah ee ay ku soconayaan xiligaasi ama ay ku shaqaynayaan. Xubnaha Komishanka ka socday ka hor waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska JSL Maxamed Cige Cilmi oo ka waramay xilka iyo waajibaadka culus ee ciidanka ka saaran doorashada golaha wakiilada gaar ahaana sugida Dhinaca Amaanka. Abdifatah Hassan, Hargeisa Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted September 24, 2005 A swedish team who are part of the international observers left Sweden for Somaliland on 23/09. ------ Waxa kusii qulqulaya dalka Somaliland Wafdiyadii ka qayb geli lahaa doorashooyinka Waxana shalay oo ay bishu ahayd 23/09-2005 ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Copenhegan, wafdi Iswidhish ah oo uu hogaaminayo Mudne ka tirsan gollaha deegaanka ee Vaxjo, lagana soo doorto xisbiga BIDIXDA, Mudne Örjan Mossberg (v) , Mudane Orjan oo ah ruugcadaa siyaasi ah waxa ka mid ahaa wafdiga Marwo Afrah Kahin oo iyaduna ka mid ah xisbiga Bidixda ee dalka Iswidhin. Kolkii uu warkaasi na soo gaadhay ayaa Qarannews la xidhiidhay wakiilka Jamhuuriyada Somaliland ee Iswidhen Mudane Hussein Wadadyare,waana uu noo xaqiijiyey warkaas waxa kale oo uu noogu daray in ay isla berito u dhoofayaan wafdi kale oo ka tirsan xisbiga Liberalka ee dalka Iswidhen, waxana dhamaantood qolada baxday iyo qolada bixi doonta Berito ay ka mid noqonayaan goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka qayb qaadanaya doorshada Gollaha Wakiilada ee Somaliland oo dhici doonta Haddii Ilaahay Idmo 29/09-2005. Mudane Hussein isaga oo ka faaiideysanaya fursadan Qarannews oo ah Mareegta loogu akhriska badan yahay mareegaha Somaliland, waxa uu habalyo u dirayaa dhamaan ciidamada aminga iyo xukuumada Somaliland oo si geesimo leh u jebiyey cadowgii isku dayayey inay inaga khalkhaliyaan doorashooyinka, waxana uu ugu baaqay shacabka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridkuba in ay is garab taagan xukuumada si looga guuleysto cadowga, sidoo kale waxa uu ka codsaday shacabka Somaliland in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga una gudbiyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan, waana in aanay shacabka reer Somaliland qarinin dhib wadayaasha. Waxana uu Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden u diray mahadnaq, isagoo uga mahad celinaya sidii ay isu garab taageen mudadii uu ku jiray hawsha goobjoogayaasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted September 26, 2005 Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa ee Ugu Badnaa oo Somaliland u Yimid Doorahsada Golaha Wakiilada Ugu yaraan 72 goob jooge oo ka kala yimi afarta qaaradood ee adduunka ayaa soo gaadhay doorashoyinka golaha wakiilada ee la qabanayo 29-ka September, 2005. Goob joogayaashani wadamada ay ka yimaadeen waxa ka mid ah Koonfur Afrika, USA, Britain, Zimbabwe, Sweden, Finland,, Canada, Australia iyo Machadka caalamiga ah ee IRI. Goob joogayaashan oo ah kuwii ugu badnaa ee Somaliland doorashadeeda yimaada waxa ay la socon doonaan sida ay doorashadu uga dhacayso Somaliland. Goob joogayaashani waxay ay shalay kulana ay kaga waraysanayana arrimahaa doorashada iyo ololaha loogu diyaari garoobayo doorashooyinka kula yeesheen Hargeysa warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland. Kulankan dhex maray goob joogayasha caalamiga ah iyo warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland waxa ugu horeyn hadalkan ku furey Mr. Steve Kibble oo ka mid ah goob joogayaasha ka yimi Britain, waxaanu yidhi "Waxaanu ku faraxsannahay inaanu halkan joogno oo aanu ka qayb galno hawlaha geedi socodka hanaanka dimuqraadiyada ee Somaliland. Waxa nagu jira kooxo caawinaya hawlahayaga iyo la kulanka dadkaba aanu doonaynaba. Waxaanu imika ka kooban nahay laba iyo todobaatan goob jooge oo ay ka mid yihiin kooxo ka kala socda Machadka Caalamiga ah ee IRI, Koonfur Afrika, Zimbabwe, Norway, Sweden, Holland, Finland, Canada iyo Australia, waxaananu ku mashquulsanahay isu diyaarinta hawlahayga, waxaananu rajaynaynaa inaanu 27-ka u kala baxno goobaha doorashada, gaar ahaana meelaha miyiga ah si anuu la socono doorashada, isla markaana aanu markhaati uga ahaano doorashada Somaliland siday u dhacayso, waxaananu rajaynayna inay u dhacdo si xor ah, xalaal ah, oo nabadgelyo ah. Waxaananu u mahadnqaynaa dadka reer Somaliland, dawladda Somaliland inaanu kala qaybgalno doorahsadoodan taariikhiga ah. Intaa ka dib ayey goob joogayashu weydiiyeen weriyayaashii ka qayb galay kulankan su'aalo la xidhiidha doorashada iyo arrimaheeda, su'aalahaasi oo ay saxaafadu u wakiilatay inuu uga jawaabo Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay u dhaceen sidan. S. Weriyayaasha halkan isugu yimi dumar kama dhex muuqdaan, waa maxay sababtu? J. Run ahaantii dumarka xarumaha warbaahinta ee jiraa ma awoodi karaan waxyaabaha ay dumarku u baahan yihiin. Kumana shaqayn karaan duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha ragga ahi, oo ay ka mid tahay inay meelo faalal ah oo ay ku shaqeeyan, taasoo aanay awoodi karin xarumaha warbaahineed ee imika jiraa, iyo iyada oo aanu dhaqanka dadkayga laf ahaantiisa aanu shaqada weriyenimad dumarka ku dhiirigelinayn. Hase yeeshee qoraan oo ay tabaruc ugu soo gudbiyaan mawduucyada kala duwan ee aragtidooda, kuwaas oo isugu jira siyaasada iyo arrimaha bulashadaba. Haddase waanu tababaraynaa waana qodobo muhiim ah oo ay tahay in dumarku ka dhex muuqdaan saaxada warbaahinta. S. Waa maxay wax yaabaha ay xisbiyadu soo bandhigaan ee ay doonayaan in lagu doorto? J. Waxaanu leenahay xeer anshax mirneed oo ay saxeexeen saddexda xisbi ee dalka ka jiraaba. Waxa kaloo jira xeer kale oo anshaxa marineed oo warbaahintuna saxeexday, kaas oo khuseeya ololaha doorashada, waxaana filayaa inaanay ilaa hadda wax dhibaato ahi jirin, iyada oo cid waliba dhinaceeda ka dhawrayso xeerarkaa anshax marineed, laakiin waxa jiray cabashooyin isa soo tarayey oo ka imanayay axsaabta mucaaradka ah oo ay ku sheegayaan inaanay xukuuumadu sharciga ku dhaqmayn, laakiin dhamaantood waxay iska ahaayeen waxyaabo yar yar oo aanay ahayn in cod dheer lagu sheego. Has yeeshee anigu waxaan ka socdaa shabakada warbaahinta Haatuf Media Network oo so saarta saddex jariidadood, iyada oo mid ka mid ah jariidadahaasi sugayso in xukuumaddu maxkamad ku soo taagto war ay baahisay. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xisbiyadu ku ololeeyaan waxa ka mida shaqo la'aanta, dhaqaalaha iwm, iyadoo ay xisbiyada mucaaradku ku eedaynayaan xukuumada musuq maasuq, iyaga oo sheega inay arrimaha wax ka qaban doonaan haddii la doorto iyaga, halka xisbiga xukuumaduna kaga ololaynayo waxaanu leenahay waayo aragnimo ku filan oo aanu arrimahaa wax kaga qaban karno, laakiin mucaaridku malaha waayo aragnimo, isla markaana wax ka qabashada arimahani way ku adkaan doontaa, waana arrimahaa waxyaabaha ay xisbiyadu ku ololeeyaan. Laakiin xisbiyadu malaha barnaamijiyo siyaasadeed oo ay ku kala duwan yihiin marka laga reebo inuu midna awooda ku fadhiyo, midna doonayo inuu qabsado. Sido kale waxa ka mid ah waxyaabaha ay xisbiyadu ololahooda ku sheegaan, arrinta aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland, taasi oo ay saddexda xisbiba isaga aragti yihiin. S. Ma jiraan cabashooyin idinkaga yimaada wararka qortaan xaga Musharaxiinta oo ay qaarkood ka cawdaan xagga sawirada aad ka baahisaan? J. Xaqiiqdii ma raali gelin karo siyaasiyiinta, laakiin waxaanu isku daynaa inaanu siino fursado isku mid ah, taas oo ah wixii aanu ku heshiinay dhexdayada, mararka qaarkood waxa laga yaabaa inay ka hadlaan inta warka laga qoray le'eeg yahay, gaar ahaan sawirada, waxaana suurto gal inay yidhahdaan sawirkayagu ma qurux badna iwm. Laakiin anagu waa in aanu qadno sawiro macno u samaynaay akhristayaasha, balse ay mararka qaarkood yidhaahdaan waa sidaas sawiiiirkani, ilaa haddase ma jiraan wax dhibaato ah oo weyn oo aanu la kalanay. Waxaanad moodaa in mucaaradku ay kaga firfircoon yihiin xagga warbaahinta xisbiga talada haya, oo xisbiga talada hayaa kuma badna. Waxaase jirta hal dhibaato oo weyn oo shalay dhacday, taas oo ahayd shir jara'aid oo uu qabtay Madaxweynuhu, iyada oo markii ugu horeysay aanay ka qayb gelin shirkaas jaraa'id waraahinta madaxa banaani. Taas oo aanu iska aragnay oo aanu maanta shir jara'aid oo aanu qabanay aanu ku sheegnay inaanaan qorin wararka dawladda ilaa inta raali gelin lagana siinayo ama aan la noo sheegin sababta la noogu diiday shirkaasi jaraa'id. Taas oo aan ahayn wax wanaagsan, wakhtigan doorashada lagu jiro. laakiin markii ay dawladu qaaday talaabadan, isla markaana ay faah faahin ka bixin weyday, waxaananu doonaynaa in arintani ay xukuumadu ka hadasho, isla markaana ay na siiso damaanad ah inaanay tani dib u dhicin. Wadanka Somaliland waa wadan ay saxaafadu xor tahay, inkasta oo ay jiraan meel ka dhacyo ay xukuumadu mararka qaar kula kacdo saxaafada, laakiin waxaad moodaa inay xukuumadu mar marba ku dambaysa ay dul qaad u soo yeelanaysay waxyaabaha ay jaraa'idku ka qorayaan, iyada oo saxaafada lafteedu intaa koraysay oo ay yeelanaysay khibrad iyo aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha midnadooda saxaafadeed. Laakiin aad ayaan ugu duwanahay warbaahinta dalalka aanu jaarka nahay sida Itoobiya, Eritrea Djibouti iyo Sudan oo aanu aad uga wanaagsanahay, laakiin maba doonayno in lana barbardhigo wadamada. Ololaha waxa aanu yeelanay khibrada badan, marka loo eego doorashooyinka hore. Iyada oo ay doorashadani ka duwan tahay kuwii hore oo ay ka qayb galayaan in ka badan 246 musharax S. Ma sii saadalin kartaa doorashada? J. Ma lihin awood aanu ku sii sadalin karno, isla markaana aanu ku gaadhi karno dhamaan goobaha cod bixinta oo dhan, hase yeeshee doorashadan waxa loogu dhawaaqi doonaa heer gobol, halkii ay doorashoyinkii hore ka ahaayeen inay natiijada doorashada ku meel gaadhka ah ku dhaawaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kali ah. Laakiin doorashadan waxa loogu dhawaaqi doona heer gobol, iyada oo Komishanka gobolka laga heli karo natiijada, waxaana meelaha noo jooga weriyayaal badan, waxaananu doorashadan ku kordhinaynaa hawl wadeeno kale oo aanu u dirno oo aanu tababaranay. Waxaananu rajaynaynaa inaanu doorashadan ka soo warano meelo aan weligood wararka laga soo qaadin ee fog fog. S. Ka warama mawduucan aad shirka jaraa'id ka qabateen sidee buu saamayn u yeelan doonaa? J. Ma filayno inay dawladddu naga aamusto, maadama aanu nahay xarumaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Waxaananau doonaynaa oo keliya inaanu arrintaa kaga jawaaabno. Dawlada waa war dhaliye weyn, sidaas dartreed kama maarano, sidoo kale dawladuna way noo baahan tahay oo nagama maaranto, Laakiin kolay waxa loo heli doonaa xal, balse taasi waa wixii dhacay. Mana filayo inaanu ku jirno xaalad iska horimaad anaga iyo xukuumada noo dhexeeya Xigasho Haatuf Quote Share this post Link to post Share on other sites