General Duke Posted July 21, 2008 Asmara: Kooxda Mucaaradka dawladda ee joogta Asmara oo diiday Ciidamo & Khilaaf cusub oo soo baxaya. 20. juli 2008 Asmara(AllPuntland)- Kooxda Mucaaradka ee dawladda Soomaaliya qeybtooda Saldhiga ay utahay Magaalada Asmara ,ayaa waxa ay diideen heshiiskii dhawaan lugu soo saxiixey Magaalada Sanca ee dalka Yemen. Hogaamiyaha Kooxdaasi oo ah Xasan Daahir Aweys ayaa ku sheegay talaabadii heshiiskaasi mid ka soo horjeeda xeerarka Ururkooda ,isagoo sheegay in aysan marnaba yeeleyn ciidamo caalami ah oo la geeyo Soomaaliya. Xasan Daahir wuxuu sheegay in aysan munaasib aheyn in ciidamo la geeyo dalka Soomaaliya ,ayna tahay waxa kaliya ee udiidan yahay heshiisyadii ugu dambeeyey ee Soomaaliya looga hadlayey. Xasan Daahir ayaa dawladda Mareykanka ugu jira Dadka ay uaqoonsan tahay in ay Xiriir toos ah laleeyihiin Shabakada Al-Qaacida ,wuxuuna sheegay in aysan Soomaaliya ubaahneyn wax ciidan ah ,hadii ay isku tashato. Aweys wuxuu sidoo kale sheegay in aysan habooneyn shirkii maalintii shalay ahayd ka furmay Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ,ee ay soo qabanqaabiyeen garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Diidmadan ay Xasan Daahir Aweys & Kooxdiisu diideen waxyaabihii ay Maxkamaduhu ku heshiiyeen intii ay joogeen Magaalada Sanca ee dalka Yemen ,ayaa dhabar jab ku ah xubnihii kooxdiisa uga qeybgashey wada hadaladaasi oo dhawaan shaaca ka qaaday in ay heshiiskaasi galeen. Talaabadan ka soo baxday Garabka Mucaaradka ee dawladda Soomaaliya ee fadhiisinkiisu yahay Magaalada Asmara ,ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay golaha dhexe ee Isbaheysiga Asmara ku dhawaaqeen ansixinta qodobadii ay lagaleen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 21, 2008 HASSAN DAHIR AWEYS OO DEYRIYEY SHIRKII YEMEN UGU SOO DHAMAADAY SAAXIIBADIISII HORE Isniin July 21 2008 Eritrea - Kadib markii uu shir weyn ugu soo dhamaaday dalka Yemen kooxaha ay kala hogaamiyaan Garabyada Sheikh Shariif iyo Shariif Hassan oo isku garab ah, iyo wadaadka fikirka adag ee Hasaan Dahir Aweys oo isna dhankiisa u taagan, ayaa waxaa soo baxay in heshiiskaa uu garab ka heysto hal dhicin oo keli ah.a Wadaadka Ad Adag ee Hassan Dahir Aweys ayaa heshiiska yemen ku tilmaamay mid aanan nuxur badan laheyn, isla markaana sheegay in uusan heshiiskaa wax badan ka badaleyn fikirkiisa ah "halganka" uu ugu jiro fikirkiisa gaarka ah. Wadaadkan oo inta badan ku dooda in gaalada aanan la dhaweeysan, welina laga dhigan ayaa misna ku doodaya in ciidamada Somalia imaankara ay yihiin oo keliya kuwo Muslim ah oo uu isagu kalsooni ku qabo, maadaama sida uu leeyahay wadamada xaalada Somalia daacada ka ah muslim iyo gaalabo ay yaryihiin. Hassan Dahir Aweys oo aanan ergo dheeri ah kula harain halka uu kusugan yahay ee magaalada Asmara ayaa sheegay in heshiis nabadeed oo Somalia ka dhaca ay ku xiran tahay hadba mowqifka uu garabkiisu ka istaago xaalada dalka haatan ka taagan. Shirweyne ka dhacay isla maalinkii shalay ahaa dalka Djibouti ayaa xubno gaaraya 160 qofood ay ku ansixiyeen heshiiskii Yemen, maadaama ansixintaa ay aheyd mid loo baahan yahay, si shakiga uu abuurayo Xassan Dahir meesha looga saaro. Xaafiiska Waraqabadka Somalia Allidamaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 21, 2008 ^Do u always have nightmares about Xassan Dahir? I wonder what kind of dreams you have. Indhocadde ku cun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2008 ^^^lool. How can I a General worry about a defeated former Prison warden and the likes of Yusuf IndaCade.LOOL. Go cry in your room lad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 22, 2008 ^General? there is difference between dreams and facts. Fact: You think you are general because your adeero thinks he is the president. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2008 ^^^lool and you are a Shiekh because your clan militia use that title.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2008 Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan dalka Eritrea oo Goor dhaw ku dhawaaqay Hogaan Cusub. Asmara,(WNT):-Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Xarunta dalka Eritrea ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi xubnaha Isbahaysiga dib u xureynta ee ku sugan doorteen Hogaan Cusub. Xubnaha Isbahaysiga dib u xureynta ee Ku sugan Asmara ayaa la xaqiijiyay in ay xilalkii ka qaadeen sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo shariif Xasan sheekh Aadan oo iminka Kooramka ugu badan isbahaysiga ku haysta dalka jabuuti. Gudoomiyaha Golaha Fulinta Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya ayaa loo doortay sheekh Xasan Daahir Aweys halka Golaha dhexena Gudoomiye looga dhigay shariif Saalax Ninka lagu Magacaabo. Ma jiraan wali wax Mas'uuliyiin ah oo ka hadlay doorashada Hogaanka Cusub ee Isbahaysiga dib u xureynta garabka ku sugan dalka Eritrea. Doorashada Hogaankaan cusub ee Xubnaha Isbahaysiga ku sugan Asmara ayaa imaanaya xili khilaaf kii ugu xooganaa uu ka dhex jiro Gudaha Isbahaysiga kaasi oo ka dhashay shirkii Jabuuti ka dhacay. Si kastaba Wixii warar ah ee ku soo kordha Mar walba Isha ku Haay www.waayaha.net C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites