Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Governor of Mogadishu welcomed a federal plan of reshuffling governors

Recommended Posts

This possible reshuffling includes the post held by the governor of Mogadishu, Mohamed Dhere. He welcomed the idea as something that he will set an example for others to follow just like the former Prime Minister , Ghedi.

 

---------------------

 

Maxamed Dheere: "Maamul Federali ah ayaa i badali kara"

4 May 4, 2008 - 4:48:51 AM

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb [Max'ed Dheere] oo ka jawaabayay hadal kasoo baxay Wasiir ka tirsan DF oo sheegayay in la badalayo maamulllada Gobollada dalka qaarkood uuna ka mid yahay kan Banaadir, ayaa daboolka ka qaaday in maamulka gobolka lagu badalayo qaab Federaali ah.

 

Max'ed Dheere, ayaa u sheegay saxaafadda Muqdisho in isagu uu ku faraxayo haddii laga qaado xilka uu u hayo DF, uuna soo dhaweynayo cid walba oo lagu badalao xilkiisa.

 

Gudomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay in qorshayaal Federaali ah la doonayo in lagu badalo maamullada gobollada dalka qaarkood ka jira, uuna maamulkiisu ka mid yahay, wuxuuse xusay in qorshahaas uu yahay mid waddada ku soo jira, lana sugayo in marka la dhameystiro loo gubiyo Barlamanka Somalia si looga ansixiyo qorshahaan.

 

"Inkastoo haddii xukunka la iga qaado aan meelo kale u socdo, haddana waxaan ku kalsoonahay haddii aan xilka qabashadiisa isku soo taago in la i soo dooranayo, waayo dadku waa dadkeygii gobolkuna waa gobolkeyga" ayuu yiri Maxamed Dheere oo ku tilmaamay hadalka Wasiirka Warfaafinta ee ku aadan isbadallada lagu samaynayo maamullada gobollada dalka inuu ka hordhacay.

 

Wasiirka Wafaafinta, dhallinyarada iyo Isboortiga Somalia Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo shalay ka qaybgalay xaflad lagu maamuusayay maalinta saxaafadda Dunida ayaa sheegay in Dowladdu ay waddo qorshayaal ay ku badalayso maamullada gobollada dalka ka jira, ayna dadku soo dooran doonaan cidda maamulaysa.

 

Hadalkaan ayay saxaafaddu u rogtay in laga yaabo in la badalo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuse Wasiirku sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ay ka mid noqon doonaan kuwa dooran-doona cidda maamulaysa, loogana baahan yahay inay arrintaas si taxadar-leh u soo dhaweeyaan.

 

"Talada uu Axmed C/salaan ku leeyahay maamulka Gobolka Banaadir, waxay la mid tahay midda ay ku leyihiin Wasiirrada ka yimid Gobollada kale ee dalka, sida Wasiirka *******, Wasiirka Digil iyo Mirifle iyo kuwa kale, waayo wuxuu ka yimid Gobollada dhexe, waxaana looga bahaan yahay inuu halkaas maamul kasoo dhiso" ayuu yiri Maxamed Dheere oo u muuqday mid ka carooday hadalka Wasiirka wafaafinta.

 

Sidoo kale, Max'ed Dheere, wuxuu xusay in qorshahan lagu wado in lagu badalo maamullada dalka lana soo dooranayo ay billowday xukumaddii Prof. Geedi dhawaanna lagu wado inay soo gabagabowdo.

 

Maamullada Gobollada dalka ka jira ayaa waxay ahaayeen kuwo ay magacaabi jireen madaxda Dowladda dhexe ee Somalia, haddiise uu hirgalo qorshahan cusub waxay noqnaysaa mid fursad ay ugu helayaan Shacabku inay doortaan hogaan ay ku kalsoon yihiin.

 

Source: Garowe-Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this