General Duke Posted July 3, 2007 Oslo was the place to be it seems. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 3, 2007 1 Lulyo Helsinki Finland Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1.7.2007 waxaa magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ka dhacay xaflad lagu maamuusayey maalinta xornimada dalka soomaaliyeed. Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1.7.2007 waxaa magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ka dhacay xaflad lagu maamuusayey maalinta xornimada dalka soomaaliyeed. Waxaa munaasabadaas ka soo qayb galay dadweyne soomaaliyeed oo aad u fara badan,dadkaas oo ay ka mid ahaayeen aqoonyahano,odoyaal,dhalinyaro iyo haweenba.Dadka meesh isugu yimi oo ka muuqatay farxad iyo raynrayn wadaninimo, wadajir iyo soomaali iney midowodo ayeey isugu tahniyadeeynayeen. Waxaa kaloo munaasabdan ka soo qaybgalay marti sharaf ajnabi ah kuwaasoo xiiseeya midnimada ummada soomaaliyeed.Waxaa Xaflada ka soo qaybgalay safiirka Dowlada ku meelgaarka ah u fadhiya dalka Finland mudane Cali Qasim Maxamed.Safiira oo xafalada furaya wuxuu u mahad celiyey dadkii xafalada soo qabanqaabiyey iyo dadkii ka soo qaybgal,wuxuu Mudane Cali Qassim Maxamed ummada soomaaliyeed meel kasto oo ay joogto u rajeeyey ineey u midowdo soo celinta kala danbeynta iyo qaranimadii soomaaliyeed. Waxaa munaasabada khudbad dheer oo taariikhda xornimada soomaaliyeed ka jeediyey Aqoonyahay,oday soomaaliyeed Mudane Cabdisalaan Faahiye. Waxaa xaflada waxaa xiriiriye ka ahaa Mudane Yasin Abdi Raage iyo Neo Lilian oo u dhalatay dalka Singabuur waxayna u sharaxaysay martisharafta ajanibiga ah ee ka soo qayabgashay xaflada luuqada ingiriiska. Safiir Ali Qassim Maxamed wuxuu ummada reer Finland iyo kuwa aduunka ku noolba ka codsaday in aan ummada soomaliyeed u ducayno inuu ilaahay u gargaaro ayaga ay isu gargaaraan. Jama Abcdulqadir ( Camow) somembassy@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 3, 2007 The elders remember Quote Share this post Link to post Share on other sites