Jacaylbaro Posted July 9, 2009 Jaaliyadda GalMudug ee Sweden oo taageertay tilaabada Ahlusunna Wal Jameeca Kulan balaaran oo ay sooqaban qaabiyeen culumaa,udiinka ahlusunna wajamaaca ku abtirsada ee dagaanka galmudug ayaa maantey lagu qabtey magaalada stockhlom ee dalka swedan. isku imaadkaan oo ay ka soo qeyb galeen bulshada qaybeheeda kaladuwan sida Culumaa.udiin,Aqoony ahano,Ganacsato,Oday aal,Dhalinyaro,Hawee n iyo Saxaafada ayaa waxaa si buuxda oo xamaasad iyo farxad leh loogu taageerey isbadalka cusub oo ay qaadeen Culumo owdiinka ahlusuna waljamaaca ee Galmudug kaasoo ay kula wareegeen maamulkii Galmudug si ay u badbaado jiritaanka Galmudug maadaama uu qilaaf soo kala dhex galay hogaanka sare ee Galmudug oo labaduba u dhamaadey xiligii ay mas,uuliyada hayeen. Ugu horayntii waxaa halkaas qudbad qiiro leh ka soo jeediyay SH.Muxyadiin Xassan Ayaanle isagoo aad ugu dheeraaday taariikhdii Islaamka laga soo bilaabo xiligii Nabigeenii Muxamed (SCW) iyo intii ka danbaysay afartii Qulufaa,uraashidiin maamuladii Islaamku sidii ay ahaayeen,wuxuu sheequ ka hadley qilaaf dhacay dabadii go aanka ay qaateen Garsoorka sare oo iyagu ah awoodii la rabey iney keento xal badbaado oo degdega ineey fuliyeen waajibaadkoodii si cadaalada tilaabadaas waxaan dhihi karnaa amaba ay inoola muuqataa tilaabo lagu badbaadiyey Shacabka Galmudug waxaana ku taageereynaa cod buuxa, dhanka kale wuxuu sheequ ka dhawaajiyey culumada Ahlusuna waljamaaca meel kastoo ay joogaan in aysan aheyn xukun doon balse ay u istaageen badbaadada shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay arkeen dad manaxayaal ah oo u taagan dhiiga umadan ka soo daashey colaadaha daba dheeraadey. Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadley Pr.Cumar Cadow oo ka mid ahaa aas aasayaashii maamul goboleedka Galmudug wuxuna sharaxaad dheer ka bixiyey sidii lagu aasaasey mamul goboleedka Galmudug iyo qaabkii loogu fekerey magaca Galmudug,waxaan la murugoodey markii aan maqley qilaafka soo kala dhex galey hogaanka Galmudug waxaana farxad aan la qiyaasi karin igu noqotey markii ay dhageheyga soo gaareen go aankii Garsoorka sare ee culumo owdiinka Ahlusuna waljamaaca run ahaantiina waan ka filaayey in culumadu kaalintooda soo buuxiyaan ayuu hadalkii ku soo koobey. dadkii kale ee munaasabadaas ka hadley ayaa waxaa ka mid ahaa Macalim Siciid Xassan Cabdulaahi Muuse Abtidoon Cabdi Cilmi Dagal Cali Xaashi Maxamed Maxamuud Axmed Madoobe Xassan Cali Faarax Cabdinuur Macali Cabdulqaaadir (Quraan ka adag) guud ahaana wexeey si buuxda u taageereen Go,aanka badbaadada ah oo ay gaareen culimada Garsoorka sare ee Ahlusuna waljamaaca. Ugu dambeyntii munaasabadaas oo si qurux badan loo soo abaabuley waxaa baaq taageero buuxda ah halkaas ka aqriyey Sh. max,ud Cabdi Sabriye oo ahaa xiriiriyaha kulankaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites