Sign in to follow this  
Juje

Maxamed Dhere cocks-up!

Recommended Posts

Juje   

maxameddherebg7.jpg

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Odayaasha Beelaha USC ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho

 

Isniin, August 20, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta saxaafadda kula hadlayay xarunta Taliska Booliiska ayaa sheegay in qaraxyada iy dagaallada ka jira Muqdisho ay ka dambeeyaan Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye oo ka tirsan Golaha dhaqanka iyo midnimada ******.

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in odayashaas ay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan Muqdisho loona baahan yahay inay faraha kala baxaan arrimaha Muqdisho, haddii kale ay dhibaatada jirta guryahooda ugu imaan doonto, waa sida uu hadalka u yiriye.

 

 

 

“Odayaasha ****** kuwa sheeganaya ayaa ka dambeeya dhibka ka jira Muqdisho, waayo waxay inta badan dabada ka wadaan dhibaato ka dhacda Caasimadda, waana uga digaynaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo hadalkiisa ay caro ka muuqato.

 

 

 

Maxamed Dheere ayaa ku eedeyay odayaashaan inay ka dambeeyaan weerarkii lagu qaaday xaafadda Shibis, markii uu furmay shirka Qaran, ayna ku dileen 5-carruur ah, sidoo kalena ay ka dambeeyeen qarax lagu dilay 5-haween ah oo ka shaqeynayay Nadaafadda gobolka Banaadir.

 

 

 

“Ha ogaadaan Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad, haddii ay ka waantoobi waayaan waxa ay faraha kula jiraan in ay la kulmi doonaan ciqaab adag, sidoo kalena ay dalka ka carari doonaan, iyagoo laabta ku heynaya in kuwa gadaal ka riixaya ay yihiin kuwa ka soo hadlaya dalka Eritrea iyo meelo ka dhaadheer” ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

 

 

Guddomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Maxamed Dheere ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo markaas isku duubnaa inay ka dambeeyaan dhibaatada ka jirta Muqdisho, waxayna dhowrkaas jeer oo hore sheegeen odayaashu in aysan ka dambeynin, iyadoo haatanna aan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan eedeynta uu u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

“Haddii ruux ka mid ah 119-ka xubnood ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha USC uu dhereg u dhinto waxaa mas’uul ka ah Maxamed Dheere”

 

xaad2.JPG

 

Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha USC Maxamed Xasan Xaad ayaa si kulul uga jawaabay eedeeymo iyo hadalo kala duwan oo maalintii shalay ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ahaa in qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan duqeyda dhaqanka ee USC, waxaana Mr. Xaad uu hadalkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado oo aan qaban iyaga isla markaana ay tahay in Maxamed dheere uu raali gelin buuxda ka bixiyo.

 

Xaad ayaa intaa ku daray in guddiga golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha USC aanu aheyn mid siyaasadeed balse uu yahay gola nabadeed oo ka shaqeeya dib u heshiisiinta isla markaana farta ku fiiqa xad gudubyada kala duwan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho “Anagu Asmara tegi meyno mana socono, Maxamed dheerena magaalada isaga ma laha, i soo raaca haddii kale waa kula diriraa ma soconeyso, xiligii caga jugleyntana waaba laga soo gudbay, waxaana nahay dad xor ah oo fikirkooda aan la gabaneynin, haddii qaabka dowladda wax u wado aan dhaliil u soo jeedinana macnaheedu maahan in aan Asmara la heysano, anaguba dhaliil waa naloo soo jeedin karaa ilaa xad kaakiin hanjabaad meesha kuma jirto boosna ugama banaana” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

 

Beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeedba waxaan u sheegeynaa in Maxamed dheere uu inoo hanjabay, Haddii ruux ka mid ah 119-ka xubnood ee golaha dhaqanka iyo midnimada B/USC uu dhereg u dhintana waxaa mas’uul ka ah Maxamed Dheere isaga ayaana loo raacanayaa” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo dhinaca kale nasiib daro aan horey loo arag ku tilmaamay in Maxamed Dheere oo sheeganaya mas’uuliyad dowladeed uu argagaxiso ku sheego shacab Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mid fool xun oo taariikhdu ay xusi doonto.

 

Ugaaska Beesha Dayniile oo markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan shirka dib u heshiisiinta Qaran iyo colaadaha ka aloosan gobolada dhexe

 

Ugaaska beesha Dayniile Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ku tilmaamay dagaalada deegaano Wabxo iyo Maxaas ku dhexmaraya labada beelood ee Dayniile iyo Hiiraan mid nasiib daro ah oo aan loo baahneyn, isagoo beelahaasina ku tilmaamay iney ahaayeen ilaa hadadna yihiin kuwo deris iyo walaalaba ah oo deegaanada si nabdoon ugu wada noolaan jiray.

 

Ugaaska ayaa intaa ku daray iney haatan ku howlan yihiin sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya, iyagoo kaashanaya waxgaradka culumaa’udiinka iyo salaadiinta labada dhinac ee nabada jecel, wuxuuna tilmaamay oo kale ugaasku in khilaafka labada beelood ee keenay dagaalada ay dadka faraha badani ku hoobteen uu salka ku hayo dhul daaqsiin ah oo ku yaala soohdimaha dhulka ay labada beelood ee ood-wadaagta ku wada nool yihiin.

 

“Waan tegeyaa goobaha labada beelood ee walaalaha ay ku dagaalameen waana ka qeyb qaadanayaa sidii loo heshiisiin lahaa waaba shaqadeyda iyo shaqadii ay aabeyaashayo iiga tageen waxaana ku rajo weynahay intey doontaba ha nagu qaadatee inaan heshiis nabadeed dhex dhigno labadaasi beelood, anagoo kaashaneyna qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this