Gabbal Posted April 20, 2006 Ra’isulwasaare Geedi oo sheegay in dhinacyada Muqdisho isku haya ay u shaqeeyaan dalal shisheeyei Baydhabo 19 April. 06 ( Sh.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali Max'ed Geedi oo shir saxaafadeed ku qabtey magalaada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dhinacyada isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo midowga maxkamadaha islaamiga in dagaalkooda Muqdisho uu yahay mid ay ugu adeegayaan dalal shisheeye. Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali Geedi ayaa markii ugu horeysay ereyo kulul u adeegsaday dhinacyada dirirta isaga soo horjeedo magalaada Muqdisho oo dhowr jeer oo hore uu ugu baaqay in dagaalada ay joojiyaan. Geedi waxa uu tilmaamay in dagaaladii 15 ka sano ka socday dalka uu ahaa mid loolan siyaasadeed oo qabiil lagu labay, hasayeeshee dhibaatadiisa oo aan wali laga kabsan ay soo if-baxayaan kooxo afkaara qaldan wata oo dagaalo cusub bulshada galiyay. Culuma udiinka, waxgaradka iyo aqoonyahanada ku nool magalaada Muqdisho ayuu ka codsaday Ra'isulwasaare geedi in ay isku taagaan joojinta dagaaladaasi, oo uu sheegay in dhinacyada isku haya ay u adeegayaan xoogag shisheeye. Ra'isulwasaaraha Somalia oo ku tilmaamay naxariis darro dagaalka Muqdisho la isugu biratumanayo in uu yahay mid dhibaato u soo jiidaya bulshada ayaa isweydiiyay halka ay ka imaaneyso garaad yarida kuwa dagaaladaasi wada. Sidoo kale waxa uu ka digay dagaal uu ku sheegay Doqonimo oo ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo la qeybsanaya cabsida dagaalo suurto gal ay noqoto in mar kale ay isaga hor yimaadaan dhinacyada Muqdisho isku haya ee Midowga maxkamadaha iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, oo dadweynaha magaalada ay muujiyeen, waxaana uu tilmaamay in kuwa ku lugta leh dagaalada oo ku gorgortamaya 15 sano ka dib dhiigga shacabka uu noqonayo mid aan laga hari doonin oo lala xisaabtami doono. Waa markii ugu horeeysay ee Ra'isulwasaare Geedi uu ereyo nuucaan oo kale ah oo ad adag uu u isticmaalo xubno dagaalo isaga soo horjeedo Muqdisho, oo qaarkood wasiiro ka ah dowladiisa, isagoo markii shirkiisa jaraa'id uu soo gabogabeeyay ka codsaday saxaafadda in aan wax su'aal ah la weydiin. Shabelle Media Network, Baay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted April 20, 2006 Ra’iisal wasaare Geeddi oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in xoogaga dagaalka ka hurinaya magaalada Muqdisho ay ka danbeeyaan gacmo shisheeye. April 19, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Ra’iisal wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in xoogaga dagaalka ka hurinaya magaalada Muqdisho ay ka danbeeyaan gacmo shisheeye, isla markaana waxaa uu ku baaqey in dhinacyadaasi ay joojiyaan saan saanta colaadeed. Mr. Cali Maxamed Geeddi shir jaraa’id oo uu caawa kuqabtey magaalada Baydhabo ayaa waxaa saxaafada uu u sheegay in kooxaha saan saanta colaadeed ka wada magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa aaminsan afkaaro aan waligeed ummadda Soomaaliyeed horey u arkin, isla markaana ay yihiin mid ka dhigeysa in shacabka dhiiga Soomaaliyeed gardaro ay u daadiyaan kooxahaasi. Mr. Geeddi waxaa uu sheegay iney tahay wax laga xumaado in xaalad colaadeed ay ka jirto magaaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale tilmaamey iney tahay wax markaasi laga yaxyaxo iney jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo u tafaxeytay in shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ay dhiigooda daadiyaan isla markaana ay abaabulaan dagaalo kale oo horleh. Geeddi waxaa uu sheegay in dadka dagaalamaya Soomaali ay yihiin, hase ahaatee shaki la ay tahay in xoogag shisheeye ay labadda dhinacba markaasi ay gacan ka helayaan oo arrinta ay sii hurinayaan. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa Beesha Caalamku ugu baaqey iney gacan ka geysato baajinta colaad mar kale ka dhacda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ummadda Soomaaliyeed aaney arrintaasi xamili karin. Mr. Geeddi sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo waliba ganacsatada magaalada Muqdisho iyo culumaa’udiinka ayaa wuxuu kacodsadey iney u istaagaan in markaasi nabad ay ku dhameeyaan xaaladaha magaalada Muqdishoo ka jira, isagoo sidoo kale sheegay in dowladiisu indhha indhaha aaney ka saabi karin arrimaha ka socda magaalada Muqdisho. Mr. Geeddi ayaa ka gaabsadey in suxufiyiintu su’aalo ay weeydiiyaan, isagoo markii hadalka uu dhameystayna shirka jaraa’id soo gaba gabeeyey. Inkastoo Geeddi uu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ay yihiin laba dhinac oo xoogag shisheeye ay ka kadanbeeyaan ayaa haddana dadka qaar waxey aaminsan yihiin in arrintu sidaa ay ka duwan tahay. Garab kamid ah xubnaha wasiirada ee dowlada federaalka Soomaaliya ee kujira xukuumada Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu badan kooxaha iminka abaabulka dagaal ka wada magaalada Muqdisho, kuwaasoo katirsan golihiiisa wasiirada mana sheegin talaabo cad uu ka qaadayo raga xubnihiisa wasiirada ka tirsan ee abaabulka dagaal ka wada magaalada Mudisho horana dagaalo uga geystay magaalada Muqdisho. Horey ayaa Mr. Geeddi mar uu kusugnaa magaalada Brussels ee wadanka Belgium-ka bishii hore waxaa uu sheegay in wixii ku dagaalamey ay ahaayeen shacabka magaalada Muqdisho oo ay taageerayaan Maxkamadaha Islaamiga, iyo sidoo kale wasiiro uu sheegay iney gadood yihiin isla markaana hoggaamiye kooxeedyo dhiig yacabyo ay yihiin oo 16 sano ay wadanka ku heysteen xoog. Balse hadalka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa u muuqanayey mid kaa ka duwan, isagoo caawa qirey in labadda dhinac ee ku dagaalamaya aysan jirin mid shacabka Soomaaliyeed dan u haya oo xoogag shisheeye ay ka danbeeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites