Kashafa Posted May 21, 2008 Kismayo-news Dagaal ooge, qabqable, la dil, waa la afduubey iyo Tigree waa waxii umaddeena iyo dalkeena kala qaaray dhibaatadanna ka danbeeyey. Balse maanta waxaan aragnaa saadaal ka wanaagsan middii hore carafteediina ay dhawdahay. Walaalnimadii, amnigii iyo waliba Islaanimadii Soomaaliyeed maanta ayay ugu dhawdahay ee Qalbigaagu Ha Nuuro! Illaahay ku xamdi! Cudduda Muqaawamada oo adag iyo rabitaankooda oo ku xidhan illaahey jidkiisa iyo waliba shacab daacad oo jecel oo iyaga u nugul waxey soo iftiimisey rajadaan ka qabo in Soomaliya markale ay calankeeda dib u qaadato nabad iyo barwaaqana ku waarto. Caasimadii Xamar ee burburtey waxaa gacantooda ku dhisan doona dadkii lahaa. Tigree dharbaaxada ku dhacaysa iyo dhafoor xumadoodu waxay sahayan doontaa Zenaaawi. Kenya edeb bay yeelan doontaa waxeyna markale si wanaagsan u furi doontaa xadkeeda. Muslimka geeska Afrika waxaa saldhig markale u noqon doona caasimadda Xamar. Qurba joogta kuwoo waxsoo bartey iyo kuwooda u xiisey dhulkoodii waxey buuxin doonaan jasiiradaha quruxda san ee Liido iyo Aljazeera. Ganacsi iyo nabad buuxda waynu arki doonaa mar aan fogeyn. Dunidii ina dumisey mar aan fogeyn way inoo imaan iyadoo ku dhawaaqeysa anagaa idin gabney. Zenaawi waji gabax inuu la dhinto haddii aysan ciidamadiisu dilin waa la arkaa. Tuugtii dadkooda gumaadey ee Tigree u raacey meel ay joogaanba tuke canbaar leh oo aan umadda ka mid noqon waa laga dhigi doonaa iyagaana is masaafurin doona. Idamka illaahay nabad waara iyo isjeceykeenii waan arkaa waana muuqdaa.. Qurbajoogta oo iyagu ilo dhaqaale u ah umadda waxey malaayiin ku bxiin doonaan dib udhiska waddanka. Khilaafaadka iyo aragtiyaha kala duwanna kolla inagama joojin doonaan inaan danteena iyo diinteenna u midawno. Culimada maanta duurka u hoyata iyo kuwa gacanta Tigreega ku jira mar aan fogeyn Tarbuunka way kala hadli doonaan malaayiin Soomaaliyeed oo u heellan araggooda. Dadkii barakacey guryahooda way imaan. Ugu danbeyn, dhamaanteen waxaa ina faran inaan kaqaybqaadano dib u dhiska, iyo xoreynta waddankeena. Rag baa u dhimanaya maanta inteenna kalena aan taageero hiil iyo hooba kula tacaallo . Tigree waa JABAYAA,! Only a matter of days, weeks, months, and years. Somalia is back. Victory is at hand. Kalimatullahi will prevail. I can already smell it. It smells like: Allahu Akbar. Smells like Eid day, and the euphoric atmosphere of brotherhood. Smells like Sakiinah. Smells like the beginning of a new era. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 21, 2008 Ilaahay ha ka dhigo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted May 21, 2008 ^ Amiin if not for these young warriors who fight in this Jihad waanala gumaysan lahaa ... ilaahay janada ha ugu abaal mariyo ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 21, 2008 Originally posted by Geel_jire: ^ Amiin if not for these young warriors who fight in this Jihad waanala gumaysan lahaa ... ilaahay janada ha ugu abaal mariyo ! ^ That is right, it would have been an easy ride for them, I think they would have sattelled there by creating a military base. Today Mellez said he won't withdraw his army until they defeat the "Jihadist" and I say bring it on. They will be defeated soon IA. Quote Share this post Link to post Share on other sites