Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sh.Shariif Waa Caqligii Cadbillaahi Yuusuf oo Koofiyad Wadaad Sita

Recommended Posts

Hoggaamiyayaasha adduunka ka jira waxay awoodda siyaasadeed ama maamul ku hantiyaan siyaabo kala duwan. Qaar dadkooda ayaa doorta, qaar xoog ayay xukunka ku qabsadaan, qaarna quwado shisheeye ayaa khasab ama xeelad xukunka ugu dhiibta si ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan sida Afgaanistaan, Ciraaq, iyo Soomaaliya. Quwadahaas shisheeye kuwaba ujeeddo gaar ah ayey ka leeyihiin dalalkaas sida Afgaanistaan (Ujeedo nabadgelyo), Ciraaq (Ujeeddo dhaqaale) iyo Soomaaliya (Ujeeddo gumeysi).

 

 

 

Waxaa xusid mudan in ay caddahay in la doonayo in dhulka Soomaaliyeed laga leeyahay qorshe dheer oo loogu kala qaybinayo seddex meelood. Soomaaliland oo la doonayo in ay muddo gaaban gooni isu taagto noqotana dowlad yar oo aan wax awood ah lahayn mustaqbalka dheerna Itoobiya xoog ku qabsato, gobolada bari iyo kuwa dhexe oo la doonayo in Itoobiya mustaqbalka dhow lagu wareejiyo iyo gobolada koonfureed oo Kenya loo qorsheeyey.

 

Anigu waxaan aaminsanahay in dhibaatada Soomaaliya ay Soomaalidu gacmaheeda iyo maskaxdeeda ku abuuratey, laakiin ay ka degi la'dahay quwado shisheeya, waxaana markhaati u ah:

 

* In Cabdillaahi Yuusuf iyo Sh.Shariifba dibadda lagu soo dhoobdhoobay, taasoo ay masuul ka ahaayeen dowlado, hay'ado iyo shaqsiyaad shisheeye ah kuwaas oo caddaystay cadownimada ay Soomaalida u hayaan.

* In dagaal oogayaashii muddada dheer dalku ka degi waayey ay hub iyo lacagba siin jireen dowlado shisheeye sida kuwa aynu deriska nahay

* In aan marnaba Soomaalida loo oggolayn laguna taageerin in ay iyagu danahooda ka tashadaan cidda ay doonayaana doortaan. Waxaana caddayn u ah khiyaamooyinkii iyo taageero la'aantii lagu sameeyey dowladdii Carta Soomaalidu kusoo dhisatay.

 

3854150273_2b5d1b2c68.jpg

 

 

Waxaa cad in farqiga u dhexeeya Cadbillaahi Yuusuf iyo Sh.Shariif uu yahay "Koofiyadda" uu Shariifku xidhan yahay oo leh muuqaal wadaad. Waxay labaduba fuliyeen siyaasadihii Itoobiya iyo Kenya ka lahaayeen waddankeena ayna ku taageereen dowladaha reer galbeedku. Taasoo macnaheedu yahay in aan Soomaaliya dowlad taya leh ama mabda' madaxbanaani ah ku socota yeelan laguna khasbo in uu xukumo nin magaca Soomaali ka ah laakiin mabda'ahaan u adeega dowladaha aan deriska nahay. In Sh.Shariif uu Cadbillahi Yusuf la mid yahay ama kasii xun yahayna waxaa markhaati cad u ah:

 

1. In markii Sh.Shariif la doortay uu u duulay Addis-Ababa lana kulmay Melles Zenawi kuna dhawaaqay in cadowga dowladaha derisku yahay cadowgiisa

2. In muddo gaaban markii la doortay dabadeed dowladiisu u saxiixay dowladda Kenya dhulbadeed Soomaaliyeed

3. In Shacabkii reer Muqdishu weli madaafiic halis ah ay ku garaacayaan Ciidamo Afrikaan ah oo u yimi taageerada ciidamadii Itoobiya ee dalka laga saaray.

4. In ay weli shacabkii reer Muqdisho dhimashada, burburka iyo qaxu joogto u yihiin taasoo u muuqata in la doonayo cidhibtirkooda (Ethnic cleansing).

 

3854150189_77a9d97ac3.jpg

 

 

Abwaan Soomaaliyeed oo la odhan jirey Qaasim ayaa waa hore ku maansooday "Waxaan ahay nin waayaha adduun wax uga muuqdaane, waxyi uguma soo dego haddana wax ima seegaane" Dhibaatooyinka lagu hayo dalkeena iyo dadkeena hal qoraal laguma soo koobi karo, laakiin, waxaa muhiim ah in shacabka, waxgaradka, iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan (Dal iyo dibadba) meel uga soo wada jeestaan shakhsiyaadka xukunka ku raadsada dhiigga shacabkeena una adeegaya gumeysiga ku dhaartay baabi'inta magac dowladnimo Soomaaliyeed kuwaas oo uu maanta hormuud u yahay koofiyadna usoo xidhtay Sh.Shariif Sh.Axmed.

 

Adan Omar

Darwish1920@Hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this