Mad_Mullah Posted October 22, 2010 Safiirka Mareykanka ee Kenya oo booqday Garissa Wafdi u hoggaaminayo safiirka dowladda Marayakanka ee u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa maanta booqday magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Safiirka iyo xubno la socday ayaa waxay Garissa ka fureen mashruuc horumarineed oo loogu talagalay dhalinyarada gobolka Waqooyi Bari. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag gaadhaysa ku dhawaad 5 million oo dollar. Safiirku wuxuu Garissa kula kulmay in kabadan 2500 oo dhalinyaro ah kuwaasoo ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada gobolka si ay uga qeyb qaataan isbeddellada gobolka ka socda. Xigasho:VOA Dhanaan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites