Shaakirullaah Posted February 21, 2010 Mas’uul ka tirsan Shabaabul mujaahidiin oo ka Hadley Codsi kasoo yeerey WFP Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka mid ah horjoogayaasha Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ka jawaabey dalab maalintii shaley kasoo yeerey Hey’adda WFP kaasi oo ku aadanaa in laga qaado shuruudihii horey loogu soo rogey. Abu Mansuur wuxuu sheegey inaysan marnaba suuro gal noqon doonin inlaga noqdo shuruudihii horey loogu soo rogey Hey’adda WFP inta aysan Hey’adaasi oofin dalabkii kasoo baxey Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee ahaa in raashiinka ay gar gaarka ah ee ay ka qeybisho gobolada koonfurrta dalka soomaaliya ay ka iibsato beeraleyda soomaalida ah. "Waxaa la leeyahay maxaa loogu diiday WFP inay dalka ka shaqeyso, inaguna waxaan leenahay waxay dhibaato ku haysaa beeraleyda Soomaaliya, ilaa ay aqbasho inay raashinka ka iibsato iyagana kama shaqeynayso dalkeenna" ayuu yiri Sheekh Abu Mansuur. Sheekh Abu Mansuur wuxuu sheegey in raashiinkii ay WFP ay kaqeybin jirtey gobolada kala duwan ee dalka soomaaliya uu ahaa mid laga keeni jirey dalka Mareykanka wuxuuna xusey in tayada raashiinkaasi oo uu ahaa mid aan hagaagsaneyn. "Halkii loor ee galeyda ah ee laga soo iibiyo dalka Mareykanka wuxuu ku fadhiyaa $50, mana ogola in qiimo intaas ka yar ($10) ay ka siiso beeraleyda Soomaaliya" ayuu yiri Abu Mansuur oo sheegay in beeraleyda Soomaaliya ay kobceen tan iyo markii WFP laga cayriyay Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee beeraleyda ku dhaqan gobolada koonfurta ee dalka soomaaliya ayaa horey si weyn ugu soo dhaweeyey shuruudihii ay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku xirtey Hey’adda WFP waxeyna sheegeen in laga dul qaadey culeys xoogan oo saarnaa Shaqadooda. Harakat Shabaab Al-Mujahideen orders WFP to halt food imports Sheikh Cali Dheere on the WFP suspension of operations in Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites