Sign in to follow this  
Paragon

Puntland v SOMCAN v ?

Recommended Posts

Paragon   

Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo dhowr maalmood dib dhigay ansixinta Company ilaalin doona Xeebaha Puntland.

 

Wednesday, August 02, 2006 - APL

 

Garoowe(AllPuntland)- Golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland ayaa muddo afar maalmood ah dib isaga dhigay qorshe kusaabsanaa ansixinta shirkad cusub oo la sheegay in loo xilsaaray ilaalinta xeebaha Puntland.

 

Shirkaddan ayaa waxaa la doonayay inay wada shaqayn la yeelato wasaaradda kalluumaysiga iyo badda , marka ay golaha wasiiradu saxiixaan.

 

Baarlamaanka ayaa waxa ay dooddoodu soo socotaba waxay soo gudbiyeen Mooshin kusaabsan in cod loo qaado shirkaddan oo uu madaxda sare ee Puntland ay doonayso in la ansixiyo.

 

Waxaa doodda baarlamaanka sii dheereeyay in shirkad kale oo horay u ilaalin jirta xeebaha Puntland ee SOMCAN ay ku doodayso inay xaq u leedahay ilaalinta Puntland tan iyo 2008da , cid kalana aan sharci loo lahayn in la ansixyo.

 

Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayaa Shirkadda ilaalisa xeebaha Puntland SOMCAN u magacaabay inay mar kale sii wadato qandaraaskeedii , inkastoo mar danbe ay dawladdu shirkad kale la timid.

 

Maxamed Yuusuf Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in dood dheer kadib xildhibaannadu ay bilaabeen inay u codeeyaan mooshinkii lasoo hor dhigay hase ahaatee 26 kamid ah baarlamaanka markii ay ansixiyeen lagu murmay codadkii kale ee ka aamusay iyo kuwii diiday , dabadeedna buuq iyo qaylo halkaasi ka dhalatay ay guddoonka baarlamaanku dib u dhigeen dooddan .

 

Muddo Afar maalmood ah kadib ayaa la filayaa inay baarlamaanku ka doodaan arintan kusaabsan shirkadda loo ogolaanayo inay xeebaha Puntland ilaaliso.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this