Jumatatu Posted November 26, 2005 Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Oo Qabtay Tartankii 2-aad ee Dugsiyada Somaliweyn - Muqdisho--Somalia - 25/11/05 Xiriirka ciyaaraha fudud ee soomaaliyeed ayaa waxaa uu qabtay tartankii 2-aad oo ay ku tartamaayeen dugsiyada sare ee dalka, tartankaasi ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaadanaayeen ardayda wax ka barata dugsiyada Banaadir oo kaliya wuxuu soo bilowday 23-kii bishan iyadoo gabagabadiisa ay ahayd 25-ka . Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa qabtay tartamo isugu jira Orodo Bootin waxaa dhamaan ardaydii Orodyahanada ahayd iyo kuwii Bootinta qaaday kalayna kaalimaha 1 illaa 3aad la gudoonsiiyay Bilado isugu jiray Dahab, Qalin, Maar ,sidoo gababadii tartanka ayaa waxaa halkaasi lagu bixiyay shahaadoooyin iyo baalmarino kala duwan oo la guddoonsiiyay shaqsiyaadkii iyo shirkadihii qeybta weyn ka qaatay tartanka inta uu socoday waxaana bixinta Abaalmarinada gabagabadii tartanka goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka arimaha howl fulinta Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) , kusimaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud C/kariin Dilaxow Jimcaale iyo mas`uuliyiin kale oo ka tirsan xiriirada kala duwan ee Isboortiga , mas`uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa dhamaantood tilmaamay muhiimadda Isboortiga iyo sida loogu baahan yahay in la helo ciyaartow sharaf u soo hoysa Isboortiga dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites