Sign in to follow this  
General Duke

Sanca: opposition peace talks start- confused as ever

Recommended Posts

WAWW.jpgSanca: Mucaaradka DFKMG ee Soomaaliya oo lugu wada hadalsiinayo Dalka Yemen & Xasan Daahir Aweys oo diiday tagida goobta wada xaajoodka.

2. July 2008

 

Sanca(AllPuntland)- Xubno umuuqda Ergo ayaa maanta gaaray Magaalada Sanca ee dalka Yemen ,ayagoo kasoo kala duulay Magaalada Jabuuti & Magaalada Asmara ,waxa ayna iskugu tageen Magaalada Sanca.

 

Wafdiga ka soo baxay Jabuuti waxaa hogaaminaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,inkastoo lugu waramayo in uusan tagin Madasha la filayo in ay isku soo horfariistaan Xubno isku mawqif ahaa bilo ka hor ,balse markii dambe kala tagey.

 

Saraakiisha Xukuumada Yemen ayaa sheegaya in uu Gudoomiyaha baarlamaanka Yemen ,iskugu yeeray Xubnahaasi kana codsadey in laga shaqeeyo nabadgalyada Soomaaliya & sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay la galeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo kala hadlayaa Xubnahaasi sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa dal degan ,loogana saari lahaa dagaalada & Colaadaha la dagey Soomaaliya dhigeyna meesha ay maanta joogto ,waxaana lafilayaa in ay go'aamo ka soo baxaan Shirkaasi.

 

Yemen ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujineysa in Soomaaliya laga dhiliyo nabad wanaagsan oo lugu dhiiran karo ,waxaana soo baxaya war sheegaya in ay jiraan wada hadalo goor hore bilowday oo ku bilowday Aalada Isgaarsiinta.

 

Xasan Daahir Aweys wuxuu ka mid yahay Garabka ka soo horjeeda wada hadaladii dhawaan dhexmaray dawladda Soomaaliya & Mucaaradka uu ka tirsan yahay ,wuxuuna ku sheegay talaabadii heshiiska lugu saxiixey mid ka soo horjeeda danta Umada Soomaaliyeed.

 

Wadaadkan wuxuu hada sheegayaa in uusan ka qeybgalin wax wada hadal ah ,balse wuxuu hoos ka sheegay in uu taageerayo waxyaabihii ka soo baxa wada hadalaasi ,waxaana jira cabsi weyn oo ay qabaan Khuburada Siyaasada ee Soomaaliya oo ku aadan diiditaanka Xasan Daahir ee wada hadalada.

 

Kooxahan hada la heshiisiinayo waxaa horey iskugu keenay Hogaankii golihii Maxkamadaha ee dalka Soomaaliya awoodooda laga saaray 2006-dii ,ayagoo markaasi xataa ku muransanaa hogaankii markaasi ee Maxkamadihii ,inkastoo ay markii ku jireen Oolan adag oo ay kula jireen dawladda Soomaaliya ,balse markii dambe looga saaray guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Wariyaha AllPuntland ee dhinaca Siyaasada ayaa talaabada uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ku diiday wada hadalada Yemen ,ku sheegaya mid aan la dhayalsan karin markaasna la doonayo in uu Xasan Daahir la fariisto Hogaamiyaashii uu markii hore ka tirsanaa ayna ku midoobeen ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee hada ka dhisan Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uweys & Shariif oo wadahadal uga furmayo dalka Yemen

 

Nairobi, Somaliya (Calanka.com) 02-Luulyo-08

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hogaamiyaha xubnaha Isbahaysiga ee ku harsan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay sheegay inay dhinacooda aqbaleen ka qeybgalka kulanka loogu kala dab-qaadayo xubnaha kala jabay ee Isbahaysiga.

 

Isagoo la hadlayey Idaacadda VOA-da, ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu shaaca ka qaaday in uu jiro dadaalka dhexdhexaadinta ah oo lagu wado in uu ka bilowdo dalka Yemen, isagoo sheegay in dhinacooda ay ka qayb gali doonaan oo ay xubno iyaga matalaya u dirsadeen sida uu yiri.

 

Sheekh Aweys, ayaa intaa ku daray in isagu uusan xilligan ku tala jirin ka qayb galka shirkaasi, waxaana taasi badalkeeda uu heegay inuu si aad ah u usoo dhaweyn doono natiijo kasta oo ka soo baxda kulankaasi.

 

Hadalka Sheekha, ayaa imanaya xilli ay shaley Magaalada Sanca ee dalka Yemen gaareen wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka kooban 40 xubnood, iyadoo ujeedadoodu tahay ka qeybgalka hindisaha loogu kala dabqaadayo xubnaha siyaasadda ku kala jabay ee Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia.

 

Hogaamiyaasha isbahaysiga ayaa ku kala jabay hanaanka wadahadalka lala galayo Dowladda KMG Somalia, iyadoo inta badan xubnaha Ibahaysiga oo ay hogaaminayaan labada Shariif ay go'aansadeen markii ugu horeysay inay heshiis hor dhac ah la galaan Dowladda Somalia, halka xubno uu majaraha u hayo Sheekh Aweys oo ku harsan Dalka Eritrea-yana ay qaadaceen heshiiskaasi.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Nairobi-Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this