Xaaji Xunjuf Posted September 25, 2010 Qofkii Imaanaya Boorama, Waxuu Kusoo Dagi Doonaa Madaarka Boorama Dhawaan� Wasiirka Duulista & Hawada S/land This article has been Published at: 23-09-2010 and has been viewed 10 times Back to home Print this Page Send to a Friend Bottom of the Page Wararka BoramaWasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee caasimadda gobalka Awdal, isagoo booqday Jaamacada Camuud iyo Madaarka magaalada Boorama oo in muddo ah shaqeynin. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Maamulaha Madaarka Boorama Xasan Daahir Muxumed (Xasan Biif), Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Cabdi Cali Obsiiye, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Shaqaalaha ee hoos imaada Wasaarada Duulista & HawadaIbraahim Xuseen Muuse, Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) iyo xubno kale. Wasiirka iyo waftigiisa waxaa Boorama kusoo dhaweeyay Madaxda gobalka Awdal, Saraakiisha ammaanka, Madaxda Jaamacada Camuud, Salaadiin, Culumaa�udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Boorama, kuwaasoo u muujiyay Wasiirka iyo Waftigiisa farxad iyo soo dhaweyn Walaaltinimo. Wasiirka iyo Waftigiisa waxey booqdeen Madaarka Boorama waxuuna sheegay inuu xooga saari doono dhismaha saddex Madaar oo kala ah Boorama, Kalabeydh iyo Burco, waxuuna sheegay inay Dowlada iyo Shacabka oo iskaashanaya ay ku dadaalayaan dhismaha Madaarka Boorama si degdeg uu ku bilaabo shaqadiisa, isagoo sheegay inay Boorama tahay magaalo Istaraatiiji wanaagsan Itoobiyo iyo Jabuutina uu kala dhaxeeyo Ganacsi weyn. �Waxaa iga go�an inuu shaqeeyo Madaarka Boorama, si dadka u helaan adeeg, oo qofkii imaanaya Boorama aysan Macquul aheyn in Hargeysa uu kasoo dago, balse waxaana Wasaaradeyda xooga saareysa shaqeynta Madaarka Boorama� ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan gobalka Awdal, gaadh ahaan arintii ka dhacday xeebaha gobolada Awdal iyo Salal dhawaan iyo Maleeshiyadii kasoo dagtay, waxuuna sheegay inay reer Awdal si weyn ugu qeyb qaateen sidii arrintaasi mar dambe u dhaci laheyn isla markaana waxuu ku amaanay Salaadiinta gobolada Awdal iyo Salel sida wanaagsan ee ugu hadleen dhacdadaasi. Socdaalka Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku yimid Boorama ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Boorama uu ku yimaado tan iyo markii uu qabtay xilka Wasiirnimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 25, 2010 Borama airport is fine ,, it just needs some renovations and reopening. Quote Share this post Link to post Share on other sites