Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Points of the Agreement Between Somaliland and Djibouti

Recommended Posts

abuuti (Jam)- Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa shalay si rasmi ah qallinka ugu duugay qodobadda heshiis lagu sii ambaqaadayo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

 

Wefti ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somaliland oo socdaal ku shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa shalay guddi dhiggooda ah oo metelayey xukuumadda Jabuuti si rasmi ah ula saxeexday heshiis dhawr qodob ka kooban oo ku saabsan badhitaarka xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada dawladood.

 

Weftiga Somaliland oo kala ah wasiirrada Maaliyadda, Daakhiliga iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, ayaa kulamo kala duwan oo ay labadii maalmood ee u dambeeyey la yeesheen dhiggooda Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha, waxa gebagebadii labada dhinac wadajir qallinka ugu duugeen heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo wax-wada-qabsga labada dal ee Somaliland.

 

Warsaxaafadeed dhinacyada Jabuuti iyo Somaliland si wadajir ah uga soo saareen shalay magaalada Jabuuti, ayaa waxa lagu sheegay in labada geesood isla qaateen heshiis iskaashi oo ka kooban lix qodob oo kala ah:

 

1- In si dhakhso ah loo aasaaso, loona hirgeliyo laba xafiis ganacsi oo isdhaafsadaan Somaliland iyo Jabuuti;

 

2- In labada dawladood iska kaashadaan arrimaha nabadgelyada, horumarinta, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda;

 

3- In Jamhuuriyadda Jabuuti gacan ka siiso Somaliland tababarrada ciidammada nabadgelyada iyo warbaahinta;

 

4- In Jabuuti ka taageerto Somaliland dhinacyada tababarrada shaqaalaha guud ee qaranka;

 

5- In gacan layska siiyo qabashada iyo isu soo celinta dadka dembiyada ka gala labada qaran;

 

6- In kulanka kan xiga lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo u warramayey shalay saxaafadda Jabuuti, ayaa tilmaamay in kulamadaasi ku dhammaadeen isafgarad iyo guul, isla markaana yihiin kuwo wax weyn ka taraya xoojinta xidhiidhka labada dal.

 

Waxa kale oo Md. Cawil xusay in shacbiga iyo dawladda Somaliland aad ugu faraxsan yihiin horumarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle gaadhsiiyey dalkiiisa oo uu ku sifeeyey mid ku dayasho mudan.

 

“Aad baannu ugu faraxsanahay horumarka ay Jabuuti gaadhay, waxaanuna u haysanaa mid aannu annagu gaadhnay, xaqiiqatanna waxa u sabab ah oo gaadhsiiyey Madaxweyne Ismaaciil Geelle oo aannu ku dhiirrigelinayo in dib uga soo noqon halkaa, annaguna [somaliland] waa in aan kaga dayanaa oo uu tusaale u noqdaa Madaxweynahayaga, waayo walaalkaa oo kaa weyn waa inaad ku dayataa,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

 

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Yaasiin Cilmi Buux, ayaa isaguna heshiiskaas ku tilmaamay mid ahmiyad weyn leh oo wa badan ka taraya sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

 

Md. Buux waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Somaliland si weyn ugu ammaanay hirgelinta hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo uu ku sifeeyey mid loo baahnaa, kaalin weynna ka qaadanaysa sugidda ammaanka Geeska Afrika, “Somaliland dhinacooda way dedaaleen oo dadkoodii ayey diiwaangeliyeen oo ay ka sooceen kuwii kale, taasina waxay wax weyn ka taraysaa xasilloonida iyo arrimaha mandaqadda, markaa tixgelin ayaannu siinaynaa, waanuna dhiirrigelinaynaa,” ayuu yidhi Md. Yaasiin Cilmi Buux.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1- In si dhakhso ah loo aasaaso, loona hirgeliyo laba xafiis ganacsi oo isdhaafsadaan Somaliland iyo Jabuuti;

 

2- In labada dawladood iska kaashadaan arrimaha nabadgelyada, horumarinta, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda;

 

3- In Jamhuuriyadda Jabuuti gacan ka siiso Somaliland tababarrada ciidammada nabadgelyada iyo warbaahinta;

 

4- In Jabuuti ka taageerto Somaliland dhinacyada tababarrada shaqaalaha guud ee qaranka;

 

5- In gacan layska siiyo qabashada iyo isu soo celinta dadka dembiyada ka gala labada qaran;

 

6- In kulanka kan xiga lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this