Jacaylbaro Posted March 16, 2009 Originally posted by General Duke: Photoshopped ??? ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 16, 2009 ^^^lool, good one, the Riyaale one looks like he is at home with his shirt unbuttoned, which one is photoshoped? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 18, 2009 Madaxweynaha Puntland oo ka hadley safarkiisi Itoobiya Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo soo geba gabeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in kulamadii uu la yeeshay mas’uuliyiinta dowlada Federaalka ee Itoobiya ay kusoo dhamaadeen is afgarad. Dr.Faroole ayaa sheegay in labada dhinac ka wada hadleen sidii isaga kaashan lahaayeen arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo Aqoonisweydaarsiga labada maamul. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xuduud dheer ay kawada dhaxeyso labada dal, isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac ay iska illaaliyaan in aan dhibaato uga kala imaan. Faroole Madaxweynaha Puntland oo mar uu la hadlayey idaacada BBC-da la weydiiyey in dowlada itoobiya ay dadka Soomaaliyeed in badan u arkaan inay qeyb ka tahay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, ayuu sheegay in dowlada Itoobiya aysan wax xumaan ah la rabin dalka Soomaaliya isla markaana ay dooneyso in dalka Soomaaliyeed uu xasilo, taasina horumarkeedu uu ku xiran yahay. Cabdiraxmaan Faroole oo hada u duulay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in sidoo kale ay Dowlada Itoobiya kawada hadleen xiisada ka dhextaagan Puntland iyo Somaliland. Faroole ayaa sheegay in Dowlada Itoobiya u cadeysay inay dooneyso in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 19, 2009 Faroole oo ka dagey Jabuti 18 Mar 18, 2009 - 4:25:06 PM Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxman Farole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii ka dagey wadanka Jabuti halkaas oo uu ka jawaabayey casumaad uga timid Madaxweyne Ismaacil Cumar Geele. Madaxweynaha Puntland oo kasoo duuley magaalada Addis Ababa halkaasoo uu booqasho qadatey 9 cisho ku joogey wadanka Ethiopia ayaa waxaa ku soo dhoweyey Jabuti Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ismaaciil Cumar Geele. Mr. Farole ayaa intii uu ku sugnaa wadanka Ethiopia kulamo kula yeeshay madaxda dalka Ethiopia sida Raísal wasaare Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa arrimaha dibada Sayoum Mesfin. Waftiga Madaxweynaha Puntland hogaaminayo ayaa kulamo la yeelan doona madaxda dalka Jabuti oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele maalmaha soo socda. Magaalada Jabuti ayaa waxaa sidoo kale ka dhici doona kulan ay isugu imaan donaan ganacsatada Somalia kaasoo ay soo qaban qaabisay QM. Puntland ayaa ah mid aan ka go'in Somalia balse shacabkiisu tageersan yahay nimaadka Federaalka. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites