Sign in to follow this  
General Duke

Alhamdulilah: Rains have arrived...

Recommended Posts

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay gobolka Sool

 

Laas Caanood - 21.April.2006 Roobab waaweyn isla markaasna soconayey muddo ka badan saddex saacadood ayaa habeenkii xalay maansheeyey meel

fara badan oo ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan inta u dhexaysa magaalada Laas Caanood iyo Caynabo.

 

Roobabkan ayaa sidoo kale la da’ay dhulka hawdka ah iyo dhulka kale ee dhoodida loo yaqaanno.

 

Tuulooyinka roobabka wanaagsan laga soo sheegay ayaa waxaa kamid ah tuulada, Horufadhi, xidh-xidh, Dhumay iyo tuulooyin fara badan oo dhinaca hawdka ku yaalla.

 

Roobkan oo dhinaca Bari, koonfur iyo galbeedka ka xigey magaalada Laas Caanood ayaa biyo wanaagsan ka sii daayey isla markaasna biyo dhigay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Laas Caanood.

 

Roobabkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga sameeyey dibadbaxyo roob doon ah kadib markii deegaananda Puntland ay ka dhaceen biyo yaraan iyo abaaro.

 

Axmed Suufi

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab hor leh oo ka da’ay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya

 

Beledweyne - 21.April.2006 Iyadoo guud ahaan dalka ka da’ayaan roobabkii gu’ga ayaa waxaa shalay ilaa habeenkii xalay ka da’ay roobab wanaagsan,

meelo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Roobabkan oo saacado fara adan soconayey isla markaasna biyo fara badan dhigay ayaa waxay ka da’een degmooyinka Beledweyne iyo Guriceel.

 

Roobka ka da’ay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan habeenkii xalay ayaa ah mid biyo dhigay guud ahaan magaalada kaas oo si weyna ay dadweynuhu ugu farxeen.

 

Ambiyo Nuur Cali

SBC Guriceel

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay degmada Burtinle & nawaaxigeeda

 

Burtinle - 20.April.2006 Wararka ka imanaya degmada Buurinle ee gobolka Nugaal iyo tuulada Xarfo ayaa sheegaya in deegaannadaas uu roob lagu diirsaday ka da’ay

maalintii shalay, roobkaas oo fiyo fara badan dhigay dhulka.

 

Roobabkan ayaa ka da’ay deegaan kooban inkasta oo ay xoogganaayeen isla markaasna ay dhigeen biyo fara badan, taas oo sababtay in ay booyadaha biyuhu ay halkaasi soo gaareen si ay biyo uga dhaansadaan.

 

Deegaannada uu roobkani ka da’ay ayaa waxaa kamid ah deegaanka loo yaqaanno Bilcilka iyada oo uu roobkani ku soo beegmay xilli ay biyo yaran iyo abaaro ay ka taagan yihiin gobollada Puntland qaarkood.

 

Roobabka gu’a ayaa haatan ka da’aya gobollo fara badan oo ka tirsan dalka iyadoo uu heer kulku kor ku kacay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay isla markaasna ay dul heehaabayaan cirka daruuro culculus oo roob xambaarsan.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab lixaad leh oo ka da’ay qaybo kamid ah Hiiraan iyo Bakool

 

Beledweyne - 20.April.2006 Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobab waaweyn oo si weyn loogu qaboobey maalintii

shalay, roobabkaas oo ku soo beegmay xilli ay abaaro ba’an ay ka taagnaayeen deegaannadaas kuwaa soo saameeyey dad iyo duunyoba.

 

Degmooyinka iyo Jalalaqsi ayaa kamid ah meelaha ay roobabka wanaagsani ka da’een.

 

Roobka ka da’ay degmada jalalaqsi ayaa ah kii labaad ee xilliga gu’ga ka da’a degmadaas waxana uu degmadaasi uu roobku maansheeyey shalay gelinkii dambe.

 

Roobabkan ayaa yimid xilli ay abaaro lagu riiqmay ay ka dhaceen gobollada Hiiraan iyo Bakool waxana la filayaa in roobabkani ay dad iyo duunyoba si weyn wax ugu taraan.

 

Roobabka gu’a ayaa haatan ka da’aya gobollo fara badan oo ka tirsan dalka iyadoo uu heer kulku kor ku kacay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay isla markaasna ay dul heehaabayaan cirka daruuro culculus oo roob xambaarsan.

 

Ambiyo Nuur Cali

SBC Beledweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab mahiigaan ah oo maansheeyey gobolka Gedo

Baardheere - 19.April.2006

 

Roobab lagu diirsaday isla markaasna soconayey muddo ka badan saddex saacadood ayaa habeenkii xalay ka da’ay qaybo fara badan

 

oo ka tirsan dhinaca koonfureed ee gobolka Gedo oo ah halkii ay ku dhufatay abaartii ugu ba’nayd ee soo marta koonfurta Soomaaliya sannadahan dambe.

 

Roobabkan ayaa biyo ku soo rogey dooxyada waaweyn iyaga oo dhigay biyo balliyada godan waxana ay si weyn uga farxiyeen dadka ku wiiqmay abaaraha.

 

Meelo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa haatan ka da’ay roobabka gu’ga inkasta oo ay sannadkan si weyn dib ugu dhaceen, isla markaasna ay abaarihii iyo biyo la’aantii xilligii jiilaalka ay ka taagan yihiin meelo fara badan oo dalka ka mid ah.

 

Deegaannada ay roobabkani sida wanaagsan uga da’een ayaa waxaa kamid ah degmada Buur Dhuubo iyo nawaaxigeeda.

 

Maxamed Gaarane

SBC Baardheere

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobka gu'ga oo ka curtay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya

Last Updated::2006-04-21 10:01:45 E. Africa Standard Time

 

Garowe:- Roobab xoogleh ayaa ka da'ay gobalo kamid ah koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, ayadoo xiligan lagu jiro biyo yari iyo abaaro.

 

Gobalada Roobabka ka da'een shalay illaa iyo xalay ayaa waxaa kamid ah Gobalka Hiiraan, oo uu gaaray roob saacado da'ayey.

 

Sidoo kale gobalada Banaadir iyo Shabeelada Hoose ayey roobab ka da'een shalay illaa iyo xalay.

 

Gobalka Shabeelada Hoose ayaa kamid ahaa goobihii ugu horeeyey ee ku habsadeen abaaraha hada kusii fidaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Dhinaca Waqooyi gobalka Sool ayuu xalay roob ka da'ay ayadoo ay deegaanadaasi ka jireen Abaaro iyo biyo yaraan.

 

Gobalka Nugaal ayey sidoo kale qeybo kamid ah gaareen roobabkii maalinmadii shalay. Roobkaasi oo biyo fiican dhigay nawaaxiga magaalada Burtinle.

 

Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayey magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka dhacayeen dibad baxyo (Alle Bari) Roob Doon ah.

 

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Sida ba'an ay u saameeyeen abaaraha ka jira geeska afrika.

 

15 milyan oo dad oo ku dhaqan Geeska Afrika ayaa la sheegay in ay dhibaatooyin kasoo gaareen Abaaraha, isla markaana 8 milyan oo kamid ah 15kaasi ay yihiin dad gar gaar deg deg ah u baahan.

 

Abaarahan ayey soo dadajiyeen biyo yaraanta iyo roobabkii guga oo soo daahay.

 

Cilmi baarayaasha cimilada ayaa ku sheegay abaarahan kuwa laga yaabo in ay sanad walba soo noq noqdaan, maadaama uu Adduunka sii kululaanayo.

 

Waxayna sheegeen cimilada Adduunka oo kor usii kaceysa ayaa keeneysa in ay fido biyo yaraanta ka jirta Qaarada Afrika.

 

Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo ayaguna wax badan ka hadlay abaaraha ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay ciqaabta Alle.

 

Isla markaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan falalka xun xun oo ay caadeysteen sida dilalka joogtada noqday, boobka, xinka, kufsiga, maandooriyaasha iwm.

 

Culimada Soomaaliyeed ayaa sanadkan kaalin weyn ka qaatay sidii loogu gurman lahaa dadka ku dhibaateysan goobaha ay abaaruhu si xun u saameeyeen.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goballada Karkaar iyo Nugaal oo ay ka da'een roobab xoogleh

Last Updated::2006-04-29 11:41:20 E. Africa Standard Time

 

Qardho:- Waxaa xalay ka da'ay degmooyin badan oo kamid ah gobalka Karkaar roobabkii gu'ga ee sida weyn loo sugayey.

 

Roobka ayaa gaaray deegaano badan oo kamid ah gobalka sida magaalada Qardho, Waaciye, Alxamdulliallah, Sheerbi, Guudcad, iyo deegaano kale oo dhinaca baadiyaha ah.

 

Roobka ka da'ay magaalada Qardho ayaa in muddo ah socday ayadoo ay shacabku illaahay ugu xadminaqeen barwaaqada iyo roobka inta badan la sugayey.

 

Sidoo kale gobalka Nugaal ayaa kamid ah goobaha uu roobku ka da'ay ayadoo uu markii labaad roob qabtay deegaano kamid ah gobalka Nugaal iyo magaalada Garowe.

 

Roobabka guga ayaa horey uga da'ay deegaano badan oo kamid ah goballada Puntland sida Sool, Cayn iyo Sanaag.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab lixaad leh oo qaarkood khasaaro ba’an geystay ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

 

April 29, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Ibraahim Macalimuu. “Jowharâ€.

E-Mail: - macalimuu11@hotmail.com

 

Roobab lixaad leh oo qaarkood khasaaro ba’an geysay ayaa ka da’ay deegaano ka kala tirsan gobolka Sh/Dhexe.

 

Roobabka xoogan oo ka da’ayey shaley ilaa iyo xaley degmada Jowhar iyo sidoo kale habeen hore oo ay jireen roobab saacado badan socdey ayaa waxey sababeen in qoysas badan ay ka guuraan xaafahoodii, kadib markii ay biya badan kusoo rogmadeen guryahoooda.

 

Xaafadaha u dhaw dhaw ayaa waxaa kamid ah laanta Faanoole ee xaafada Horseed, iyo qeybta Cabdule Cade oo katirsan xaafada Hanti Wadaag, waxaana saaka la arkayey qoysas badan oo biyaha dhexdooda ka baadi goobayey maacuun yar yar oo kaga maqan maadama ay biyaha ka dhex duseen guryaha carshanta ah oo ay dhex ceegaagaan biyaha xareeda aqalada dhexdooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab dadka iyo duunyo ku diirsadeen oo maasheeyey deegaano badan oo ka tirsan Puntland.

 

Cabdiqaadir Nuunoow. “Boosaasoâ€.

 

Roobab ay si wanaagsan dadka iyo duunyaduba ugu diirsadeen ayaa maasheeyey deegaanada badan oo ka tirsan Puntland.

 

Roobabkan oo ilaa iyo imminka laga soo sheegin iney geysteen wax khasaara ah ayaa shaley gelinkii danbe ilaa iyo xaley ka da’ayey deegaanada Seerbi, Waaciye, Xida, Kala beyr, Al-Xamdu lilaah oo dhamaantood hoos yimada gobolka Bari.

 

Sidoo kale roobabka ayaa waxa ay ka da’een degmooyink Qardho iyo Garoowe, sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaanada ay roobabka ka da’een.

 

Dadkii aan la xiriirnay ayaa xaqiijinaya in Baraagihii deegaanadaasi ay xareedu ka buux sameen, waxaana ay dadkaasi sheegeen in meelaha godadka ah ay biyo fariisi noqdeen.

 

Roobka ayaa da’idiisa ku soo beegmay xilli ay deegaanadaasi ka soo yeerayeen qeyla dhaan biya la’aan ah oo dadka codsanayeen in lala soo gaaro biyo ay haraadka kaga baxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this