Sign in to follow this  
Cowke

TFG Parliamentarians Meet With Swedish Diaspora. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid iyo Prof.Cosoble oo Shir La qaatey Jaaliyadda Stockholm

 

July 26, 2010

 

Maanta oo tariikhda ahayd 24 July 2010 waxa lagu qabtay Stockholm Xaflad si heer sare loo soo agaasimay taas oo ay ka soo qayb galeen Siyasiyiin, Aqoonyahano, Odayaal wax garad ah iyo dhalinyaro. Waxaa Xafladaas soo agaasimay Ururka SSUF ee Ururka isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed

 

Xafladaas oo muhimadeeda ahayd soo dhoweyn la soo dhoweyaanyo Mudane Xildhibaan Cabi Cabdulle Siciid ( Jinni Boqor ) madama uu yahay Odey Siyaasi waaya arag ah iyo wacyi gelin ku saabsan in aan laga quusan xal u helida Somalia.

 

 

Khubadda waxa lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Jinni Boqor, oo aad uga hadlay marxaladihii ay soo martay Somalia gaar ahaan xilligii SYL ilaa Xilligaan Bur Burka.

 

Mudane Jnni Boqor waxa uu carabka ku dhuftay in Somalia ay joogto maanta quus, aan ka mid ahaa Siyasiyiinta ku howlanaa 20 –kii sano ee bur burka bal in aan wax toosino, lakiin aay adkaatay in wax laga qabto Somalia.

 

Waad aragtaan in maalin ba maalinta ka dambeysa ay Somalia ku sii hoobaneyso Ceel dheer ay adag tahay in laga soo bixiyo.

 

Anniga ahaan waxaan ahay nin dá ah howsha waa in aad idinka da´da yar aad sii wataan, idinka oo isku dayaya in aad aasaastaan koox is ogol, isku qalbi fiican, kooxdaas oo sameysata hogaan lagu kalsoon yahay. Markaas aad isku deydaan in aad mideysaan Somalida ku nool Sweden, oo aad noqotaan hormuudka Somalida qurba joogta ah. Waxa dhacaysa markas in ay idinku daydaan Somalida kale ee qurba joogta ah. Ayuu yiri Jinni Boqor.

 

Maanta waad aragtaan in Badda Somalia ay u soo dulaan tageen Maraakiib ka socota China, Japan, USA, England, India iyo waddamo kale oo badan, taas micnaheeda waa in la dal dasho qayraadka badaheena, wax ka hadlaya ma jirto, waa nasiib darro ayuu yiri.

 

Wiilashii yar yaraa ee aasaasay SYL, waxay ahayeen kuwa aan lahayn aqoon sare u lahayn , waxay qaarkood dhigteen School-kii Seeraalaha, wax dhaqaale ahna ma haysan, lakiin waxay mideeyeen fikirkoodii oo ay isku afgarteen, in ay Gumeystaha ka xoreeyaan Dalkooda, iyaga oo aan wax dhaqaale ah haysan ayay suuragashay in ay u dhoofaan Newyork Russia iyo weliba China, taas waxa keentay Niyadooda qaaliska ah, is aaminaada iyo kalsoonida ay ka heleen shacabkooda.

 

Marka idinka maanta waad ka aqoon badan tihiin dhalinyaradii SYL, waad ka dhaqaale badan tihiin , haddana wax baa khaldan, waxa khaldan waa in la toosiyaa, ayuu ku soo gebegebeeyey hadalkiisii.

 

Kedib waxa hadalka qaatay Professor Cabdulahi Cosoble, oo ahaa Garyaqaanka Guud ee Dowladii Abdullahi Yusuf.

 

Mr Cosoble waxa uu carabka ku dhuftay in qabiil iyo goboleysi aan meel lagu gaareyn, wax somali weyn lagu waayay in aan gobol lagu heleyn. Waa in qabyaaladda la joojiyaa ayuu yiri, oo la helaa Wada tashi, lagu mideeeyo Somalida deggen Sweden, kedibna loo gudbo Somalida kale ee deggen Europe, taas oo sameyn xoog leh ku yeelan karta wadanka Somalia.

 

Mr Cosoble waxa uu yiri: Dowlad Somalia looga soo dhiso Debedda wax tar yeelan meyso, waa in Dadka Somalida ah ay dhistaan Dowladooda.

 

Dowladaas oo damaanad qaadi karta Amniga qofka Muwaadinka ah, islamarkaasna si caddaalad ah ugu adeegta bulshadeeda. Waad aragtaan maanta in Baddaha Somalia lagu aaso sunta haraaga Neuclearka, iyo haraaga wasakhda warshadaha reer Galbeedka, taas waa nasiib darro, waa in aad ka fakartaan dalkiina iyo dadkiina oo aad isku hadaf ka noqotaan xal u helida iyo heshiisiinta dadka somaliyeed. ayuu ku soo koobay haadalkiisii.

 

Horseed Media

 

Stockholm, Sweden

 

Kahin-oo-shirka-ka-qayb-qaadanaaya.jpg

 

Ahmed-Hassan-Taagan.-maamulaha-SSUF.jpg

 

Cabdiqani-Shirka-jooga.jpg

 

Bashir-Cabdulle-Codweyn.jpg

 

Dahir-SSUF-sekreterare.jpg

 

Jinni-Boqor-Cabdulahi-Cosoble-Cabdulahi- The Great Politican Jinni Boqor In The Middle :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this