Sign in to follow this  
Abtigiis

General Indhacadde

Recommended Posts

Abtigiis   

http://www.dayniile.com/May08/28May10.htm

 

(See the picture of Indhacadde with the due army attire in the web, and please post it here for immediate viewing)

 

Yuusuf Indhacade oo sheegtay inuu u dalacay darajada Jeneraal, baaqna u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti

 

Xoghayaha difaaca ee isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka reer Jabuuti inaaney kala qeybinin shacabka Soomaliyeed si uusan u wiiqmin Halganka ay kaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya ee dalka qabsaday, xasuuqana u geysanaya shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Jabuuti ay tahay iney qaadato door Soomaalinimo kana fogaato wax kasta oo wax u dhimi kara halganka soconaya.

 

Indhacadde oo sheegtay inuu u dalacay darajada Jeneraal, wixii maanta ka dambeeya loogu yeero Jen. Indhacade ayaa dhinaca kale xasuuq ku tilmaamay weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaasoo lagu dhaawacay guddoomiyuhii degmnada Guriceel Cali Sheekh iyo labo nabadoon oo ka kala ahaa Xasan Cali Yaxye iyo Indhaweyne, wuxuuna xusay indhacade in ragaasi ay yihiin kuwo qiimo weyn ugu fadhiya shacabka Soomaliyeed, isla markaana ka shaqeynayey xal u helida arimaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay iney garanayan cida dilkaasi ka dambeysay isla markaana ay marin doonaan shareecada Islaamka.

 

Indhacadde ayaa mar kale ku celiyey in mas’uuliyiinta isbaheysiga dib u xoreynta ee ku sugan magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti aysan ku metelin shirkaasi isbaheysiga isagoo xusay in wixii natiijo ah ee ka soo baxa shirkaasi uusan ka socon doonin gudaha Somalia wuxuuna ugu baaqay xubnaha ka qeyb galaya shirkaasi iney dib uga laabtaan shirka isla markaana joojiyaan kala qeybsanaaanta ay ka dhex abuurayaan isbaheysiga iyo ka leexashada ay ka leexdeen buu yiri qawaaaniinta u degan isbaheysga dib u xoreynta.

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

dayniilenews@yahoo.com ,dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Shiekh, Garad, Engineer,Doctor, Nabadoon, General, Colonel! Since the civil war, these titles have been killed, walee! :D bal ka waran Professor Abu Geeljire? icon_razz.gif

 

 

Abtigis, the PR policy of the ICU from day one has been rather terrible! Marba nimba missed call siniya the Media and say what ever He wishes! The result 10 different statements from the ICU/Asmara Group, which ultimately makes one wonder how these guyz are going to "liberate" the country?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

looooooooool, I have to give to General Indhacade :D:D:D

 

 

I am in utter disbelief, this guy was supposed to be Sheikh Indhacade, now he sees that title is nothing but rabish status, I must be called Generaaaale :D

 

Pure comedy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jaalle Indhacadde oo sheegay in uu Yahay General,eedeyna ujediyay ALshabaab {Idaacadaha Muqdisho oo uu ugu hanjabay in uu talaabo ka qaadayo hadii aanay General ugu yeerin}.

 

Hogaamiye ka tirsan argagixisada Soomaaliya horayna ugu can baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta ka dhawaajiyay in uu yahay General,cidii aan ugu yeerina uu talaabo cad ka qaadayo.

 

 

 

Hogaamiye ka tirsan argagixisada Soomaaliya horayna ugu can baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta ka dhawaajiyay in uu yahay General,cidii aan ugu yeerina uu talaabo cad ka qaadayo.

 

“Waxaan idiin sheegayaa in aan talaabo cad ka qaadi doono idaacadaha hadii aanay iigu yeerin General Yuusuf Indha cadde”ayuu yiri Jaalahan oo maanta iska dhigay darajadii markii horaba uu been beenta ku sheegan jiray ee Sheekhnimada.

 

Lama garanayo waxa ku xambaara Jaalaha in uu sheegto general in uu yahay.

 

Indha cadde waxaa dhanka kale uu eedeyn ba’an ujeediyay Ururka argagixisada ah ee Alshabaab oo uu sheegay in ay dhawaan xasuuqa ka geysteen degmada DHuusa Mareeb.

 

“Weerarkii lagu qaaday gudoomiyaha Guriceel iyo ilaaladiisa waxaa uu ahaa xasuuq kuwa ka dambeeyay oo aanu ognahay in aanay diin wadina waxaan u sheegeynaa in aan talaabo ka qaadi doono”ayuu yiri Jaale Indhacade oo hadalkiisu kusoo beegmayo iyadoo goor sii horeysay uu ururka Alshabab ku gacan seyray markii uu Jaaluhu sheegtay in uu xubin ka yahay Shabaabka.

 

Waxaa dadku ay aad ugu wareersanyihiin in ay fahmaan luqda rasmi ahaaneed ee loo nisbeyn karo Jaale indhacade oo mar sheegtay in uu ahaa sheekh,Mar sheegtay in uu ahaa ALshabaab ,maantana sheegtay in uu yahay General.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin

@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Generaaale Indhacaddee

indhacade555jpg.jpg

 

As the head of the drug addict militia that terrorized the Somali people for years, he says "I promoted my self to the General status"

 

Amazing stuff....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Abu_Geeljire:

 

which ultimately makes one wonder how these guyz are going to "liberate" the country?

^It makes me wonder as well but we don't have anything better than them right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

:D:D:D
,,, yaa dallacsiiyay ??

Waxa dalacsiiyay kuwi marka hore 'Sheikh' ka dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

To be fair to him, he is fighting on the ground and why can't he be a General. I know General Gabre who is pulling the shots in Muqdisho has been a tribe fighter only a decade or so ago.

 

Ninkan faraha halaga qaado! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

:D:D:D
,,, yaa dallacsiiyay ??

Waxa dalacsiiyay kuwi marka hore 'Sheikh' ka dhigay.
Taasba i dheh ,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Poorly photoshoped of the man. And of course he is general of his own what is wrong with that when we have generals like Tajir, Darwiish, Afguduud why not Gen. Indho Guduud smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

indhacade555jpg.jpg

 

The General looks like a cross between Bernie Mac and Fifty Cents. There is someone else and I just can't seem to place it..now that's going to bug me all day..arrgh!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this