Sign in to follow this  
General Duke

Obsticle to the daydream of the warlords/supporters

Recommended Posts

Isbaheysiga SNA ayaa soo saarey warsaxaafadeed ay uga soo horjeedaan ololaha lagu nabadeynayo magaalada Muqdsiho oo ay wadaan xubno ka tirsan labadda gole ee dowlada.

 

April 24 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Cabdiqaadir Cashar Nadaara. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Isbaheysiga SNA oo uu hoggaamiyo Xuseen Maxamed Ceeydiid ayaa war saxaafadeed ay soo saareen shaleyto waxa ay ku sheegeen inaaney waxba kala soconin oo aaney taageersaneyn dadaalada nabadda ee laga wado gobolka Banaadi,r oo ay wadaan xubno ka tirsan labadda gole ee dowlada federaalka Soomaaliya.

 

Xuseen Maxamed Ceeydiid oo u waramayey idaacadda HornAfrik isagoo jooga magaalada Nairobi ayaa waxa uu taageerey warsaxaafadeed kaasi, inkastoo ku simihiisa Abuukar Ganeey oo isna ku sugan magaalada Muqdisho oo HornAfrik u waramayey uu sheegay inaanu waxba kala soconin warsaxaafadeedka kasoo baxey isbaheysiga SNA ee looga soo horjeedo dadaalka nabadda loogu raadinayo gobolka Banaadir oo ay wadaan xubno ka tirsan labada gole ee dowlada.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Ceeydiid oo ka hadlayey dadaalada kasocda magaalada Muqdisho, ayaa sheegay iney yihiin kuwo aaney ka warqabin xubnaha labada gole ee dowlada, isagoo sheegay in xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo iskood u shaqeynaya, wuxuuna sheegay lagama maarmaan iney tahay hawl kastoo oo ay xubno ka tirsan dowlada qabanayaan in laga dhigo hawl qaran.

 

Dhinaca kale ku simaha Xuseen Ceeydiid Abuukar Ganeey oo jooga magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamey warsaxafadeedka isbaheysiga SNA kasoo baxey ee lagu diidan yahay dadaalada nabadda ee gobolka Banaadir, inaanu aheyn mid ay ka warqabaan madaxda ku sugan magaalada Muqdisho, Abuukar Ganeey ayaa sheegay inaanu waxba kala soconin warsaxaafadeed kaasi.

 

War saxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa afhayeenka isbaheysiga SNA.

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Ceeydiid ayaa waxaa uu kamid ahaa hoggaamiyayaashii Muqdisho ee gaarey heshiiska sagaal iyo labaatanka “29†qodob, iyadoo hoggaamiyayaashaasi wax ka saxiixey uu ku jirey Xuseen Ceeydiid, balse iminka uu u muuqanayo inuu ka laabtey heshiiskaasi uu saxiixay, isagoo iminka ku feker noqdey dhinaca kale ee ay iska soo horjeedaan xubnaha labada gole ee hawsha nabadda ka wada gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Dheere oo guulo ka soo hoyey safarkiisii magaalada Muqdisho

 

Muqdisho - 23.April.2005 Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyaha siyaasadda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), uu horumar ka sameeyey dhinacyo fara badan oo muhiim u ah dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Dheere oo toddobaadkan safar kedis ah ku tegey magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo haatan waxaa uu ku guuleystey in uu wada xaajood iyo is afgarad la sameeyo ninka ganacsadaha ah ee ay dhinaca aragtida siyaasadeed ay isaga soo hor jeedeen, ee Bashiir Raage.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sidoo kale, wada xaajood la sameeyey hoggaamiye kooxeedka Cabdulqaadir Beebbe tan iyo intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), waxaa uu sheegay in ay raggaas is afgarad iyo heshiis ay wada gaareen, kana wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan amaanka magaalada Muqdisho iyod dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maxamed Dheere taageero xoog leh ka helay maleeshiyooyinka ku wada nool Xaafadaha Yaaqshiid, Boondheere, Fagax iyo deegaano kale oo katirsan magaalada Muqdisho.

 

C/qaadir Nuunow

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Dhinaca kale ku simaha Xuseen Ceeydiid Abuukar Ganeey oo jooga magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamey warsaxafadeedka isbaheysiga SNA kasoo baxey ee lagu diidan yahay dadaalada nabadda ee gobolka Banaadir, inaanu aheyn mid ay ka warqabaan madaxda ku sugan magaalada Muqdisho, Abuukar Ganeey ayaa sheegay inaanu waxba kala soconin warsaxaafadeed kaasi.

If read the statement which you posted am sure you would have had second thoughts about it. The above quote which was part of your text contradicts completely the message you are trying to spread...lies after lies .

Oh yeah and it also proves that Hussein Aideed is a loooney lunatic with no more support from his groundsman in Xamar. But then again you are familiar with praising cheap, moral less and unworthy charecters considering you have one of them as a second father :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Caydiid†Arrimaha Muqdisho ka taagan laguma xalin karo xal beeleed iyo mid kooxeed, keliya waxaa wax looga qaban karaa..â€

 

Kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka soo horjeestay dhaqdhaqaaqa magaalada muqdisho ay ka wadaan xubnaha labada gole ee ku sugan xamar,wuxuuna sheegay inuusan aqbali doonin wax kasta oo ka soo baxa kulamada ka socda xamar.

 

Mr Caydiid oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ka mid ahaa dadkii saxiixay qorshaha Muqdisho ayaa hadda waxaa uu ku dhinac noqday Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuu mar kale ku celiyay inaan arrimaha ka taagan muqdisho lagu xalin Karin Qabiil iyo koox, isagoo caddeeyay in lagu dhameyn karo oo keliya qaab Qaran.

 

Xuseen Caydiid waxaa uu isaka fogeeyay inuu ku lug leeyahay arrimaha ay wadaan Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo Maxamed Qanyare oo lagu doonayo in maleeshiyooyinka looga saaro gudaha magaalada muqdisho.

 

Dhinaca kale war kooxda Xuseen caydiid ee Muqdisho soo saareen ayaa looga soo horjeestay qorshaha maleeshiyooyinka looga saarayo gudaha magaalada Muqdisho, waxaana looga digay xubnaha Labada Gole ee Xamar ku sugan inaysan caga soo dhigin gkoobaha maleeshiyada Caydiid ku sugan yihiin.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbahaysiga SNA ee Xuseen Caydiid sidee u arkaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Muqdisho?

 

Nairobi - 24.April.2005 Isbaheysiga SNA oo uu hoggaamiyo Ra’isalwasaare kuxigeenka DFKMG ah ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa muujiyey sida uu u taageersan yahay war saxaafadeed Isbahaysigiisu ka soo saareen Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku sheegeen inaaney waxba kala soconin oo aaney taageersaneyn dadaalada nabadda ee laga wado gobolka Banaadir, kaasi oo ay wadaan xubno ka tirsan labadda gole ee DFKMG ah Soomaaliya.

 

Xuseen Maxamed Ceydiid oo u waramayey Wariyaha Idaacada SBC ee Magaalada Nairobi Keyse Caamir ayaa daboolka ka qaadey in inuusan waxba kala socon dadaalka ay Muqdisho ka wadaan Xubnaha labada Gole ee DFKMG ah, kaasi oo ay ku sheegeen inay ku soo celinayaan Magaaladaai amaanka iyo kala dameyntii.

 

Raisallwasaare ku xigeenka DFKMG ahna wasiirka Arrimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid wuxuu sheegay Xubnaha Labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay iskood iska wataan hawlo uu ku tilmaamey inay iyaga u gaar yihiin.

 

Dhinaca kale Kusimaha Xuseen Caydiid Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuurkar Ganey) ayaa sheegay in isaga iyo Madaxda kale ee Isbahaysigaas ee ku sugan Magaalada Muqdisho aysan ka warqabin Warsaxaafadeed lagu diidan yahay Kooxdoodu ku diidan tahay Dadaalka Nabadeed ee laga wado Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha DFKMG ah ee Soomaaliya Eng.

 

Xuseen Maxamed Caydiid ayaa waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Muqdisho ee gaarey heshiiska 29-ka qodob ka koobnaa kaasi oo ku aaadanaa sidii loo nabadeyn lahaa Gobolka Banaadir, wallow haatan uu u muuqdo in uu Heshiiskaas ka baxay.

 

Keyse Caamir

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KULAN AY YEESHEEN XUBNAHA LABADA GOLE EE KU SUGAN MUQDISHO OO QALALAASE IYO BUUQ KU DHAMMAADAY

 

Somaliweyn.com ( Muqdisho 25 Abriil 2005)

 

Kulan ay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ku yeesheen xaruntii hore ee Xisbiga ayaa buuq iyo qalalaase ku soo gabagaboobay, kulankaas oo lagu dhaarinayay hor joogayaasha maleeshiyooyinka Muqdisho.

 

Qorshaha maanta ayaa ahaa in la dhaariyo 23 Horjooge, hase yeeshee 7-xubnood oo kaliya ayaa ogolaaday, halka ay 16-xubnood kale ka diideen taasi oo keentay in gebi ahaanba ay istaagto howshii dhaarinta, waxaana la sheegayaa in hor joogayaasha maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa Xuseen Maxamed Caydiid ayaa iyagana soo xaadirin goobtii dhaarta, iyagoo ka biya diidan habka ay wax u wadaan hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee kala ah: Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Maxamed Qanyare Afrax.

 

Afhayeenka labada Gole Cumar Xaashi Aadan oo ay wejigiisa ka muuqatay caro iyo isku buuqsanaan xoog leh isla markaana diiday inuu Saxaafadda la hadlo ayaa hadalo kala duwan ku hadlay, isagoo mar sheegay in la dhaariyay 7-xubnood, halka uu mar kalena sheegay in la dhaariyay 16-xubnood, dhinaca kale Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ballanqaaday in 26-ka bishan uu hor joogayaasha maleeshiyooyinka Xuseen Caydiid keeni doono.

 

Hor joogaha maleeshiyooyinka Wasiirka Hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Siyaad ayaa sheegay in qorshihii hore uu ahaa in maleeshiyooyinka la mideeyo lana sameeyo Ciidan Qaran, haatanna hoggaamiye kooxeedyada ay doonayaan in mid walba maleeshiyadiisa oo kaliya meel ku xareysto, iyadoo xerada degaankiisa ku taalana uu isagu iska maamusho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CABDALLA DEEROW: "Nabadeynta Muqdisho waa been iyo quraafaad lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka"

 

Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay halkaas u joogaan fulinta Barnaamijyada Dowladda isla markaana ay Dowladdu la socoto howsha ay wadaan.

 

"Nabadeynta Muqdisho waa been iyo quraafaad lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka" ayuu yiri Cabdalla Deerow ***** oo sheegay in G/Banaadir lagu nabadeyn karo oo kaliya hannaan Dowladeed, balse aysan koox kaliya wax ka qaban karin nabadgelyada caasimada.

 

"Muqdisho waa caasimada dalka, cid laga leeyahayna ma jirto, hase yeeshee Dowladda ma imaan karto inta ay ku jirto xaalada maanta ka taagan" ayuu yiri Cabdalla Deerow oo dhinaca kale eedeyn ballaaran u soo jeediyay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay dhinaca fikirka ku kala duwan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnihii ciidamada ee loo xil saaray in ay sugaan ammaanka Gobolka Banaadir oo iska diiday in ay dhaar maraan

 

Isniin, April 25, 2005(HOL)@20:00GMT: Maanta oo lagu waday in la dhaariyo qaar ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyooyinka, si ay uga qeybqaataan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho ayaan maanta suurtagelin kadib markii madaxdii waday horjoogayaashaas ay diideen in ay dhaarta ka qeybgalaan.

 

15 xubnood oo ka socday horjoogayaasha maleeshiyooyin madax bannaan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa la dhaariyay, iyado kuwo ka socday Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid oo magac ahaan ula jira xubnaha Hoggaamiyayaasha Muqdisho ay iska diideen in ay dhaarta ka qeybgalaan, halka kuwo laga filayay maxaakiimta Islaamiga ahna ay ka baaqsadeen dhaarta.

 

Xarunta Xisbiga oo xarun dhexe oo KMG ah u ah Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa maanta ku jirtay xaalad jaha wareer ah kadib markii ay caqabad ka hortimid howlihii ay wadeen guddi loo xil saaray sugidda ammaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan la magacaabay.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in horjoogayaal la dhaarin lahaa oo laga sugayay Wasiirrada Howlaha guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Caato iyo kan Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta maleeshiyooyinka Md. Bootaan Ciise Caalin ay iyaguna ka biyo diideen in dhaartaan. Maalintii shalay ahayd ayaa la dhaariyay ku dhowaad 30 xubnood oo isugu jiray Saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee Soomaaliya iyo horjoogayaal madax u ah maleeshiyooyinka Muqdisho kuwaasi oo u xil saaran in ay tababaraan maleeshiyooyin dhowaan lagu xareyn ilaa lix xero oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Xubnaha labada Gole Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo wax laga weydiiyay caqabadda ka hortimid howshii ay wadeen ayaa arrintaas ka gaabsaday, wuxuuna kaliya sheegay in la dhaariyay 15 horjooge oo ahaa kuwo u taliyo maleeshiyooyin madax bannaan.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this