Sign in to follow this  
General Duke

Villa Somalia: Suicide bomber was bodyguard of Interior Minister Abdulkadir Ali Omar.

Recommended Posts

Indhocadde-sharif1.jpg

Somalia: Suicide Bomber Attacks at Presidential Gates

By REUTERS

 

A suicide bomber linked to Al Qaeda blew himself up and wounded two soldiers at the gates of the presidential palace in Mogadishu on Monday, the police said. The bomber, armed with an automatic rifle, tried to jump onto an armored vehicle in a convoy of African Union peacekeepers driving onto the palace grounds, a police spokesman said. When the African Union troops fired at the bomber, he threw a grenade at them and detonated his explosive device. The attacker was later identified as a former Interior Ministry security guard who had defected to the Shabab, an Islamist rebel group linked to Al Qaeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaca ninki isku qarxin rabay madaxtooyo oo la aqoonsaday iyo Xisbul Islaam oo sheegtay in ay ka danbeeyeen falkaasi

 

Waxaa durbadiiba soo baxay saakay faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarki dhicisoobay ee xalay uu nin hubeysani ku qaaday madaxtooyada Somalia ee Magaalada Muqdisho kaasoo marki danbana ay toogasho ku dileen ciidamada ilaalada madaxtooyada.

 

Ninkan oo ahaa wiil ka ayaraa 20 sano ayaa magaciisa lagu sheegay Muse Cali Cabdulle Kheyre waxaana uu ahaa wiil horay uga tirsanaan jiray ilaalada shaqaalaha wasaarada warfaafinta dowlada KMG Somalia sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo aan ku leenahay madaxtooyada.

 

Wiilkan waxa uu ka goostay dowlada mudo iminka laga joogo lix bilood waxaana wixi markaasi ka danbeeyey lagu ogaa in uu ahaa nin ka baxay howlaha ciidannimo kana mid noqday dadka rayidka ah.

 

 

Muse Kheyre ayaa ah wiil kasoo jeedo gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Cadaado, waxaana uu dowlada kasoo galay dhinaa maxaakiimtii islaamiga ee marki danbe la midowday dowlada TFG-da sanadi 2009, hase yeeshee mudo badan umuusan shaqeyn.

 

Wariye Bashiir Khaliif Gaani oo ka mid ah wariyaasha Radio Muqdisho oo ay is yaqaaneen Mr Kheyre ayaa sheegay in ay ugu war danbeysay isaga oo ka tagay shaqada dowlada kadibna aaday dalka South Africa.

 

 

"Awal waxa uu ahaa mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta, aniga waanu is naqaanay marki uu dowlada ka goostay waxa ku ogaa isaga oo dhahaya waxaan adaayaa South Africa, hadana marbuu isoo wacay oo waxa uu ii sheegay in ganacsi ka bilaabay Magaalada Cadaado oo uu kasoo jeedo, xitaa aniga ayuu igu yiri ninyahow shaqada dowlada iska dhaaf dalka wuu sii xumaaday, waxa uu igula hadlay si caadi ah oo aniga aanan i shaki galin marka maba fileynin in uu ka tirsanaa kooxaha mucaaradka" ayuu yiri Bashiir Gaani.

 

Dhinaca kale ururka Xisbul Islaam ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen mas,uuliyada weerarki xalay lagu qaaday madaxtooyada kaasoo dowlada ay ku sheegtay mid fashilmay.

 

Afhayeenka Xisbul Islaam, Maxamed Cismaan Caruus oo la hadlay saakay saxaafada ayaa sheegay in weerarki uu ninka hubyesan ku qaaday madaxtooyo uusan fashilim balse ay qasaaro kasoo gaartay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG sida uu hadalka u dhigay.

 

Waa marki ugu horeysay oo ay kooxaha islaamiyiinta isku dayaan in si bareer ah ay u weeraraan madaxtooyo iyaga oo beegsanaya mas,uuliyiinta dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this