Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: More attacks in capital, why attack the sharif?

Recommended Posts

39_2.JPGMuqdisho: Ciidamada AMISOM, Ilaalada Madaxweynaha iyo Kooxo hubeysan oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho.

8. februar 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen saakadii hore ciidamo ka tirsan ciidamada AMISOM, ciidamada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan waxa ayna dagaaladan geysteen dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaaladan ayaa ka dhacay Agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad iyo Agaagarka Cusbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, waxa ayna dhinacyadan kala duwan adeegsadeen rasaasta waa weyn, taasoo ay qaarkood si toos ah uhaleeshay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Wariyaha AllPuntland ee ku sugan degmadaasi ayaa soo sheegaya in ay ciidamada AMISOM iyo Taageerayaasha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Milateriga ah ay dagaal adag la galeen Kooxihii soo qaaday dagaaladan, waxa ayna dagaaladan maanta xireen wadooyin dhowr ah oo kuyaalay Magaalada Muqdisho.

 

Wadooyinka la xiray ee isku socodka Muqdisho muhiimka u ah ayaa ka mid ahayd wadada marta Agagaarka goobta ay ka dhaceen dagaaladan iyo Wadada Maka Al-Mukarama oo ay dagaaladu maanta xireen, waxa ayna sidoo kale ciidamada Maxkamadaha la dhigay wadooyinka gala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayadoo sababta lugu sheegay in ay ilaaliyaan in Suuqaasi laga soo tuurayo Madaafiicda lugu soo ganayo Xarumaha waqooyiga ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Hadal hayeen uhadlay Xaafiiska Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku waramay in dagaal adag lugu soo qaaday ciidamada AMISOM iyo Maxkamadaha ciidamadooda, wuxuuna sheegay in ay iska difaaceen, isla markaasna aysan wax dagaal ah ayagu qaadin, ayagoo xeerinaya dadaaladii nabdeed iyo heshiiskii lugu gaaray Magaalada Jabuuti.

 

Dagaalada ku bilowday dawladda Shariif Sheekh Axmed ayaa umuuqda kuwa la mid ah, kuwii lugu hayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana horay Shariif Sheekh Axmed u sheegay in uu masuul uga ahaa dagaaladii lugu qaadayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, xiligii ay ciidamada dawladda Soomaaliya isku gayeen amaanka Magaalada Muqdisho.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo saaka waaberigii ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee G/banaadir

 

Abaara 6:00-dii aroornimo ee waaberigii saaka ayaa dagaal aad u culus waxaa uu ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo ay fooda isdareen ciidamada Df iyo kuwa midowga Afrika oo dhinac ah iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda.

 

Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamada DF iyo kuwa AMISOM fariisimada ay ku kala leeyihiin isbitaalkii hore ee Digfeer iyo Ex-kuliyadii ciidamada Jaalle Siyaad, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo iskugu jira madaafiic iyo rasaas fara badan oo daryankooda laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo socday muddo ka badan saacad ayaan la ogeyn qasaaraha ka soo ka gaaray labada dhinac ee dagaalamay hase ahaateee ilaa saddex ruux oo rayid ah ayaa inta laga warqabo ku dhimatay sadex kalena wey ku dhaawacmeen markii guryahooda oo ku yiilay degmada Hodan ay ugu tagtay rasaas habow ah oo ka timid goobaha lagu dagaalamayey sida uu sheegay agaasimaha heyadda Life line Afrika oo dadka dhaawacmay isbitaalada ku gaarsiiyey gawaaridooda Ambulance-ka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weeraro kala gooni gooni ah ayaa lagu qaadayaa fariimiso ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ciidamada Dowlada somaaliya. dagaal ayaa haatan ka socda agagaarka kuliyada jaale siyaad halkasoo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

 

dagaalo kale ayaa iyagana laga maqlayaa degmada hodan halkaaso iyagana lagu weeraray ciidmada dowlada soomaaliya sida uu ku soo waramayo wariyaheena Muqdisho C/casiis golf ilaa iyo haatan waxa la maqlayaa rasaasta ay adeegsanayaan labada dhinac.

 

 

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo qasaaraha uu geysanayo dagaalka hatan socda iyadoo wariyaheena uu xaqiijinayo inay jirn dad uu dhaawac ka soo garay.

 

Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii Xisbul Islaami ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah dowlada soomaaliya, islmarkaana muqdisho uu soo garay madaxweynaha Soomliya.

 

wararki ku soo kordha waxaa idiinla socod siin doona wariyaheena C/casiis Golf.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cidamada Amisom ee kusugan Muqdisho oo saakay ku wabariistay Weeraro

 

Aroor nimadii hore ee saakay ayaa dagaal la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho sida degmada hodan iyo Qeybo hoos yimaada duleedka Degmada Deyniile .

 

Dagaalkan ayaa xoogiisu waxaa uu ka dhacay xarun ay degen yihiin cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom Gaar ahaan kuwa burundiga ee fariisnka ku leh kuliyadii hore ee Jaalasiyaad iyo sidoo kale qeybo ku dheerersan wadada Tarabuunaha agagaarka isbitalkii hore ee xooga iyo qeybo kale oo ay degenyihiin ciidamada Dowlada FKMG ah fariisin kuleh waxuuna saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee suuqa bakaaraha xili ay dadkaasi suuqa bakaaraha so galayeen .

 

Dagaalkan aya ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayadoo dagaalkaasina laga maqlayay qeybo farabadan oo caasimada Ka tirsan , int la xaqiijiyay guri ku yaala bartamaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay ilmo yar ka dib madfac ku habsaday halka ay ku dhaawacmeyn 2canug oo kale iyo aabahooda waxaana lagula cararay ampalas ay leeyihiin ganacsatada suuq abakaaraha ayadoo u qaaday isbitaalada ku yaala magaalada .

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan jirin cid weli sheegatay dagaalkii saakay dhacay iyo weeraradii aroortii hore saakay lagu qaaday ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi .

 

Dhanka kale golaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha ****** ayaa si kulul uga jabaabay hadalkii ka soo yeeshay Dr Cumar iimaan Abubakar oo uu ku baaqayay in dagaalka uusan joogsanin halkiisana uu ka sii socdo.

 

Afhayeenka Odayaasha dhaqan ka beelaha ****** Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Dr Cumar Iimaan uu ku baaqo in Xabadii ay sii noqoneyso mid sii socota asagoo ugu baaqay Dr Cumar Iimaan Abubakar Madaxa Alxisbul Islaam in uu raali gelin ka bixiyo hadalkaas la isagana yimaado si wada tashi ah odoyaasha dhaqankana ay Dr Cumar Iimaan uu ku tiriyay Dadka Aqoonta durugsan u leh dhinaca diinta iyo maadigaba in uu xiligani dagaal sii iclaamiyo.

 

Cali Max’ed Axmed Lackyman

SBCInternational- Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo sheegatay Mas'uuliyada dagaalkii saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan.

 

Dagaalo xoogan ayaa saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Mas'uuliyadiisa ay sheegteen Xoogaga Alshabaab oo ka mid ah garabyada ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

 

Dagaalada oo ahaa kuwo qorsheysnaa ayaa waabarigii saaka lagu qaaday fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen qeybo ka mid ah Degmada Hodan, waxaana uu ahaa mid socday ku dhowaad saacad kaliya.

 

Kulyadii Jaalle Siyaad oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM, kuwa Brundi iyo Isbitaalka Digfeer oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda ayaa ahaa meelaha dagaalka ka socday.

 

War lagu faafiyay bogga internet-ka ee Alshabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ka dambeeyeen Xoogaga Alshabaab, waxaana ay ku sheegteen guulo kadib markii dhowr jiho ka weerareen xarumaha ay degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

 

Inta la hubo dagaalkii saaka waxaa ku dhintay ilaa saddex ruux iyo dhaawaca saddex kale, waxaana la ogeyn hadii qasaare ay soo gaareen dhinacyadii dagaalamayay.

 

Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mortars welcome Somalia's new president to Mogadishu

7 Feb 7, 2009 - 3:10:57 PM

 

MOGADISHU, Somalia Feb 7 (Garowe Online) - In a disturbing sign of things to come, the home of Somalia's new president was targeted with mortars Saturday, Radio Garowe reports.

 

There were no reports of casualties after several mortars targeted the Villa Somalia compound in Mogadishu, the Somali capital. Locals said no retaliatory fire came from Villa Somalia, which was often the case when ex-President Abdullahi Yusuf lived there.

 

 

Somali President Sheikh Sharif Ahmed

Sheikh Sharif Ahmed, the new president of the country's 'unity government,' had arrived at Aden Adde International Airport in Mogadishu hours earlier, where he was welcomed by cheering supporters and African Union peacekeepers (AMISOM).

 

The Somali president's 19-member delegation flew in from Djibouti, a neighboring country that hosted the months-long peace process that heralded a new era for Somalia by electing an Islamist politician as president.

 

President Sheikh Sharif said he came to Mogadishu to hold consultative talks with supporters and called for open talks with Islamist factions who oppose his presidency.

 

Security in Mogadishu was extra tight, especially along the Maka al Mukarama Road where joint security forces composed of AMISOM peacekeepers, TFG soldiers and ICU fighters stood guard as the new president was ushered to the Villa Somalia presidential compound.

 

Prominent ICU officials, including Sheikh Abdulkadir Ali Omar and group spokesman Sheikh Abdirahim Isse Addow, held private discussions with President Sheikh Sharif at Villa Somalia, sources said.

 

Somalia's new president is expected to appoint a Prime Minister in the coming days, with some reports saying Prof. Ali Khalif Galayr is a leading candidate for PM.

 

Some ICU hardliners, like Al Shabaab and the Eritrea-based ICU faction, have condemned Sheikh Sharif's government as a puppet of Ethiopia and the West and vowed to continue the anti-government war.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This is bad. So now the fighting is between AMISOM plus the UIC against Kooxo hubaysan oo dawladiid ah (Alshabaab) - Astaqfurulaah, tragic indeed...

 

There is nothing I will say apart from, I told you so, Alshabaab is the most dangerious group ever and I mean ever in Somali history.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke surprised same problems your uncle Yey was facing the sharif is facing now.

Now the sharif came to mogadisho with a constitution. That’s why they are targeting him in his own hometown. It’s a ideology and its not based on clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

cluless! as the saying goes, u can fool some ppl sometime, but u cant fool all the pple all the time.

 

shiekh amxaar and yeeye are from the same boat! they both stink like raw meat... does that give u a clue. or yall still clueless!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just to get the news from the source...www.kataaib.info

 

Mujaahidiinta Al-Shabaab oo weerar saf ballaaran ah ku qaaday gaalada iyo Ciidanka Ridada ku sugan Jaalle Siyaad ilaa Taleex.

 

Axad 13 Safar 1430 (08/02/2009)

Guutooyin kala duwan oo kamid ah Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar saf ballaaran ku qaaday fariisimayaasha gaalada iyo ciidanka Ridada ay ku leeyihiin deegaanada Kuliyaddi Jaalle Siyaad,Tarabuunka iyo Taleex halkaasi oo si ba'an Mujaahidiintu ay ula dhaceen madaafiicdooda.

 

Weerarka waxaa mar qura wada qaaday guutooyinka Shahiid Muscab Ibnu Cumeyr iyo Shahiid Aadan Cayrow kuwaasi oo si isku waqti ah dagaal kaga bilaabay jabhadaha kala ah Tarabuunka oo ay fadhiyaan ciidanka Ridada iyo Jaalle Siyaad oo xarun u ah gaalada AMISOM isku magacowday.

 

Saraakiisha guutada Muscab Ibnu Cumeyr ayaa inoo sheegay in qorshihii dagaal ee lagu beegsan jiray gaalada ku xareysan kuliyadda mid lamid ah saaka lagu bartilmaameedsaday cadowga,waana qorshaha mar waliba khasaaraha kasoo gaaray xittaa iyagoo darbiyo ku jira ayna Mujaahidinta Al-Shabaab dhawaan soo saareen.

 

Taaktiik Milatari oo ka dhan ah ciidanka difaaca adag leh ayaa loo dagay gaaladaasi iyadoona weerarkii saaka qeyb ay ka ahaayeen bambaanooyinka gacmaha laga tuuro oo Mujaahidiintu si geesnimo leh iyagoo ugu dhawaanaya dhufeysyada cadowga ay dhexda ka dhigayeen.

 

Dhanka kale guutada Aadan Cayrow ayaa dhankeeda dagaal furan la gashay haaradiga Ciidanka Ridada ee difaaca u ah gaalada kale ee ku sugan KM4,waxaana ay Mujaahidintu beegsadeen fariisimayaasha ciidankaasi ee Tarabuunka ilaa Taleex oo dagaal adag ka dhacay.

 

Iyagu ciidanka Ridada ma yaqaanaan difaacyo ay ku jiraan balse mar waliba way ka cararaan rasaasta ugu horeysa marka ay dhacdo ama ay arkaan dhiigga saaxiibadooda oo daatay sidaasi darteed markii dagaalku billowday ayay dabada la galeen dhanka Taleex iyagoo maciin bidaya gaalada mad madow ee darbiyada dhigataya isgoyska KM4.

 

Saraakiisha Mujaahidiinta waxay inoo xaqiijiyeen labada jabhadba in cadowga Allah khasaare uu kasoo gaaray isla markaana waliba khasaaruhu uu ku badnaa dhanka gaalada Burundiska ah ee ku jirta Jaalle Siyaad,mujaahidiintuna waxay adkeynayaan in ay dhameystiri doonaan Saliibiyiinta jabay ee kusoo duulay Somaliya iyo kuwii soo hogaamiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this