Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: International support for the TFG.... Pics of meeting in Jowhar

Recommended Posts

juriile_020805.jpg

 

........Pictures below are from MIDNIMO.COM website..

 

shir6.jpg

 

 

shir7.jpg

 

shir.jpg

 

 

Wufuudii ka kala socotay QM,midowga Afrika iyo Bankiga aduunka oo sheegay inay xafiisyo ka furan doonan magaalada Jowhar

 

 

wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta shabeelada dhexe ayaa sheegaya in wufuudii maanta

 

gaartay halkaas ay shaaca ka qaadeen arrintaas.

 

wafdigan caalamiga ah ayaa kulan kii ay maanta la yeeshen guddigii ay DFKM ee soomaliyed ay

 

u magacawday qaabilada wufuuda caalamimg waxay

 

ku sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin sida weyn ee loogu soo dhoweeyay magaalada Jawhar

 

waxayna sidoo kale DFKMS ku bogaadiyen dib ugu guuristeeda gudaha dalka Soomaliya

 

waxayna sheegen inay diyaar u yihiin inay xafiisyadooda kala duwan ay iyaguna dhowaan ka furan doonan magaalada Jawhar,wafdigan ayaa sidoo

 

kale waxay la shireen Madaxweynaha DFKMS Cabdilahi

Yusuf Axmed iyo Ra'isal wasaare Cali Maxamed Geedi waxayan sheegen taageeradooda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaliya, wafdigan ayaa kulamadan kadib waxay kormeer booqasho ku tageen dhismayaashii dawlada ee burburay.

 

waxayna sheegen inay fulinayaan barnaamijyo dib loogu dhisayo goobahas isla markana waxay ugu balan qaadeen qoysaska aan waxba haysan ee ku jira goobahas inay ku caawin doonan barnaamijyo dib u dejin ah.

 

wafdigan ayaa waxay sheegen in 18 bishan ay booqasho kale ku iman doonan magaalada Jawhar

 

wafdigan ayaa waxay galabta ku laabteen magaalada Niorobo .

 

Horseednet.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites

shir8.jpg

 

 

shir5.jpg

 

Jowhar: Wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya , wakiillada Baanka adduunka, deeq bixiyaasha iyo IGAD oo si wada jir ah shir jaraa'id ugu qabtay Jowhar

- Thursday, August 04, 2005 at 17:58

 

Jowhar(AllPuntland)- Wafdigii kasocday baanka adduunka , midowga Afrika , midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta kulamo la qaatay qaar kamid ah golaha wasiirada ee dawladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Raysulwasaare Geeddi.

 

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah Mucaawinada dadka Soomaaliyeed la gaarsiinayo 12ka bilood ee soo socda , bannaynta guryaha dawladda , dhismaha guryo cusub oo loo dhiso dadka laga saaro guryaha dawladda iyo wixii dawladda u qabsoomay.

 

Shirkaasi oo saxaafadda loo diiday markii hore ayaa waxaa markii uu soo gabo gaboobay shir jaraa'id si wada jir ah u qabtay Wasiirka qorshaynta ee Soomaliya C/risaaq Cismaan Jurile , uqaybsanaha deeqaha Soomaliya ee qaramada midoobay Maxuel Gylard ,haweenay kasocotay Baanka adduunka oo lagu magacaabo Bria iyo Ambasador Bathuel Kiplagat oo ku hadlayay magaca urur goboleedka IGAD.

 

Wasaaradda Qorshaynta:C/risaaq Jurile wuxuu xusay inay si gaar ah u wada hadleen guddiga xiriirka iyo dabagalka ee isku dhafka ah oo ay si wada jir ah madax u ugu yihiin raysulwasaare Geeddi iyo Maxuel Gylard , iyo guddi hoosaadka qorshaynta oo ay madax u tahay wasaaraddiisu.

 

Mud: Jurile ayaa xusay in shirkii maanta dhacay looga wada hadlay arimaha deeqaha iyo horumarka dawladda ee mustaqbalka .

 

Baanka Adduunka:Mrs Bria oo u hadashay baanka aduunka ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay timaaddo dalka , Soomaaliya , waxay kaloo sheegtay inay ku faraxsantahay in dawladdu ku shaqaysato dalkeedii hooyo, waxay intaasi raacisay in baanka adduunku uu ka qayb qaadan doono horumarka dalka sida dib u dhiska dalka.

 

Waxay sheegtay Mrs Bria in ay aad ula dhacday magaalada Jowhar ee fariisinka u ah dawladda Soomaaliya , laba todobaad kadibna ay imaan doonto.

 

Qaramada midoobay: Maxuel Gylard oo ah uqaybsanaha qaramada midoobay ee deeqaha Soomaaliya ayaa asaguna sheegay in wax la ammaano ay tahay in dawladdu ay dalkeeda ka hawlgalayso , wuxuu kaloo ka hadlay in shirkii ay maanta la yeesheen dawladda uu ahaa mid afgarad ku dhammaaday oo qodobadii laga wada hadlay oo dhan la isla meel dhigay.

 

Mar uu ka hadlayay deeqaha Soomaaliya ayuu sheegay in qaramada midoobay ay mar walba diyaar ula tahay dadka Soomaaliyeed inay gargaarto marka ay dhibaato jirto hase ahaatee loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay kashaqeeyaan xasilinta dalka.

 

Ururgoboleedka IGAD: Bathuel Kiplagat oo ahaa masuulkii dawladda Kenya ay u xilsaartay shirkii lagu soo dhisay dawladda Soomaaliya haatanse wakiil ka ahaa urur goboleedka IGAD ayaa shirkii jaraa'id hadal dheer kasoo jeediyay.

 

Kiplagat wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay laba guul oo waawayn gaartay , waa tan horee ayagoo dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya iyo ayagoo bilaabay kulamada beesha caalamka taasoo uu ku tilmaamay mid horu mar ah .

 

Asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri Mr Kiplagat "Waxaa urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamkuba ay wax laqabanayaan dalka Soomaaliya haddii shacabku ay wax qabsadaan, haddii ay Soomaaliya horumar gaarto IGADna horumar ayay gaarysaa".

 

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u dar daarmay inay midnimadooda ilaaliyaan oo ay is garab taagaan dawladda mudada 3 sano ah dhismeheeda loo fadhiyay dalka Kenya.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar Dheeraad ah oo aanu ka helay Shirkii Beesha Caalamku maanta ku yeesheen Caasimada Soomaliya ee Jawhar, iyo faah faahin go'aanadii ka soobaxay.Iyadoo la sheegay Wafdigu in uu dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Posted by : webmaster on Thursday, August 04, 2005 - 09:08 AM

 

 

 

 

Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga.

 

Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan:

 

1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef

 

2- Eric Baume oo ka soda EU

 

3- Moe Husien UNDP

 

4- Isabel Candela oo ka socda EC

 

5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU

 

6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay

 

7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda

 

8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya

 

9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday Jaamacada Carabta

 

Iyo safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada yurub.

 

Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa.

 

Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo heyadaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed.

 

Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay

 

Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda

 

Wuxuuna sheegay juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska soomaaliya

 

Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta gaaray magaaalda Jowhar oo uu yaalo Kursiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

 

Khamiis, August 04, 2005(HOL): Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed.

 

Wafdigan oo gaaray magaalada Jowhar abaaro 9-kii subaxnimo ayaa waxay ka kala socdaan Midowga Yurub, UN-ka, Talyaaniga, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyadoo ay wehliyaan saraakiil ka socota guddiga CMC-da, iyadoo xubnahaasina uu ka mid ahaa ergaygii Dowladda Kenya u qaabilsanaa Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Danjire Bethuel A. Kiplagat.

 

Xubnaha wafdigan oo ka kala socda ilaa 18 Hay’adood oo Beesha Caalamka ah ayaa kulan kula yeeshay xarunta Hay’adda UNICEF ee magaalada Jowhar guddi heer Wasiir ah oo shalay loo saarya in ay la kulmaan wafdigan, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Md. C/risaaq Cusmaan Xasan (Juriile).

 

Shirka xubnahan oo ka dhici jiray magaalada Nairobi intii ay Dowladda federaalka halkaasi ku sugneyd ayaa waxaa loo wareejiyay magaalada Jowhar bacdamaa Dowladdii Soomaaliyeed ay ku noqotay gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana ajendayaasha shirkan ugu muhiimsan sameynta istaraatiijiyad lagu taageerayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan mid la xiriira dhinaca dib u dhiska.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa HOL u sheegay isagoo ku sugan magaalada Jowhar in shirkaasi go’aanno lagu taageerayo dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka soo bixi doonaan, isla markaana go’aanadaas loo gudbin doono shir dhowaan ka dhici doona Dalka Talyaaniga, kaasi oo Soomaaliya loogu yaboohi doono dhaqaale dib loogu dhiso, iyadoo shirkaasina ay qabashadiisa kaalin mug leh ku leedahay Dowladda Sweden oo dhaqaale ku bixin doonta.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu yaalo Kursiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ku sii qul qulaya wufuud ka socota beesha caalamka iyo gobolka, kuwaasi oo xubnahooda qaarkood ay daneynayaan in ay xafiisyo ka furtaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this