Sign in to follow this  
Ismahaan

Jailed Journalist Abdifatah Jama Mire released from prison today

Recommended Posts

Ismahaan   

Abdifatah Jama Mire, the deputy director of Horseed Media in Bosaso is finally free after 3 months in jail. I'm glad he is out of jail.

------------------------------------------

 

Cabdifataax-Jaamac-300x262.jpg

 

Waxaa saaka Xorriyadiisa dib u helay Agaasimaha Warbaahinta Horseed Media Eng.Cabdifataax Jaamac Mire oo mudo ku dhow saddex bilood xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso ku xirnaa.

 

Suxufiyin,ganacsato,Ehelada weriyaha iyo dad kala duwan ayaa saaka isu tegay banaanka weyn ee xabsiga magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku sugayeen Agaasimaha Horseed Media oo shalay Madaxweynaha Dawladda Puntland ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyey.

 

Cabdifataax Jaamac Mire ayaa markii lasoo daayey salaan iyo marxabayn la maray dhamaan dadkii ku sugaayay xabsiga Bosaaso,waxaana wejigiisa ka muuqday farxad badan.

 

Agaasimaha Horseed Media oo shir jira’id oo kooban u qabtay Saxaafada ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu hanto xorriyadiisa,waxaana uu u mahadceliyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay sii deyntiisa isagoo sidoo kale u mahadceliyey Madaxweynaha Puntland.

 

Sidoo kale wuxuu isla maanta dib ula midoobay qoyskiisa iyo caruurtiisa oo iyaguna si aad ah usoo dhoweyeen xorriyadiisa.

 

Dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey sii deynta Agaasimaha Horseed Media oo 14-kii bishii August maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari ku xukuntay 6-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed $500-doolarka maraykanka.

 

maqal waraysiga kooban ee uu baxshey A/fitaah

 

pictures

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Waa ilaahay mahadiis hadii la sii daayey Abdifatah Jama. Inkasta oo ay khalad ahayd markii horaba in xabsi loo taxaabo, qof wariye ah oo hawshiisii iyo wajibaadkiisii wariyenimo gudanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this