Sign in to follow this  
General Duke

China supports the TFG security plans..

Recommended Posts

Madaxweynaha Shiinaha oo taageeray hawlaha nabada ee dawlada KMG ah

Posted to the MOL November 7, 2006, 8:33 am

 

 

Madaxweeynaha dalka shiinaha Hu Jintao ayaa maanta sheegay in dowlada shiinahu ay taageereyso dadaalka nabadeed iyo dib u dhis ee DFS ay ugu jirto sidii Somaliya nabad loogu soo dabaali lahaa. Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in loo baahan yahay Qaramada Midoobay taageero la taaban karo u fidiyaan dawlada KMG ah si ay u hanato nabad galyada wadanka una suurogasho sidii dib u dhis loogu samayn lahaa wadanka Somaliya oo dagaaln sokeeye ka socday 16-kii sanno ee la soo dhaafay.

 

Madaxwene C/laahi yuusuf ayaa dhawr beri ka hor safar ku tagay dalka Shiinaha uu uga qayb galayay kulanka madaxweynaasha Afrika iyo Shiinaha sidii Qaarada Afrika wax ula qabsan lahayd wadanka Shiinaha oo hadda noqday wadan awood weyn ku leh dunida xag dhaqaale iyo xag ciidanba.

 

Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Shiinaha ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha SOmaliya oo sheegay in shacanka Somaliyeed aysan marnaba illaaweyn xiriirka wanaagsan ee ay waligood la lahaayeen shacabka Shiinaha.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa maanta u soo duulay dalka Singapore oo uu ka helay casumaad rasmi ah madaxweynaha dalkaas.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BEIJING: Dowladda Shiinaha oo shaaca ka qaadday inay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya

Posted to the Web Nov 07, 17:54

 

 

Beijing (PP) - Madaxweynaha Dowladda Shiinaha Hu Jintao ayaa daboolka ka qaaday in Dowladdiisu gacan siin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dowladda Shiinaha ay daboolka ka qaadday inay lacago ugu deeqayso Somalia.

 

Dowladda Shiinaha ayaa waxay sheegtay inay gacanta ay siinayso Soomaaliya ay noqon doonto mid wax ku ool ah isla markaana; noqon doonto mid ay dowladda Federaalka wax kaga qabato dhibaatada ammaandarro ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

 

Go'aankaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao ayaa yimid kaddib markii ay Magaalada Beijing kulan ku yeesheen isaga iyo Madaxweyanha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana ay ka wada hadleen sida dowladda Shiinaha iyo tan Somaaliya ay isku garabsan lahaayeen.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa waxaa la sheegay inuu si weyn ugu farxay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Shiinaha, waxaana hadalkaan uu jeediyay Madaxweynaha Shiinaha mar uu saakay ka duulayay Madaxweynaha Soomaaliya dalka Shiinaha isagoo ku sii jeeda dalka Singapore oo ay uga billaabanayso booqasho 3-casho ah.

 

Dowladda Shiinaha ayaa waxay kaga dhawaajiyay kulan ay ka qaybgaleen madax Afrikaan ah oo gaaraya 50-ruux oo ka dhacay dalka Shiinaha, kulankaas oo loogu magacdaray FACOC.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Should we expect Chinese troops now, Jenerale. Galadi Xabashida ayan qati Billah ka jogna, adna kuwo indhayar oo an diin heysan mano kentey mantey. Yaab waye Walahi, Soomaaliya Illah a u maqan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, the TFG has enough troops to defend itsef, but it needs the support of powerful nation such as China with security seat in the UN to help with the overall security of the nation..

 

China supports Somalia to seek peace

 

Chinese President Hu Jintao said China would support Somali interim government's efforts to seek peace and reconstruction, urging the UN Security Council to grant it more support and assistance.

 

Hu made this remark on Tuesday during his meeting with Somali President Abdullahi Yusuf.

 

Yusuf said Somalia was working on a reconstruction and development plan and hoped to expand friendly cooperation with China in political, economic and social sectors.

 

Yusuf arrived in Beijing on Thursday for

 

the two-day landmark Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation which closed on Sunday afternoon.

China and Somalia established diplomatic relations on Dec. 14, 1960. Bilateral trade reached 19.64 million U.S. dollars in 2005.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiinaha oo tageeray Somaliya

7 Nov 7, 2006, 08:58

 

Madaxweynaha dalka Shiinaha Hu Jintao ayaa taageeray markii ugu horeysay dadaalka nabadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto xal u helida dalka Soomaaliya.

 

Kulan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinaha dhexmaray maanta ayaa waxaa uu Madaxweyne Hu Jintao sheegay in dowladda Shiinaha ay tixgelineyso saaxiibtinimada soo jireenka ee ka dhaxeyn jirey labada dal , wuxuuna balan qaaday in uu ka gacan ka geysanayo taageerada dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulankaasi ka hadlay ayaa isagana waxaa uu tilmaamay in dowladdiisa ay ku howlan tahay dib u heshiisiinta dalka Somaliya iyo dib u dhiska dalka Somaliya, wuxuuna ka codsaday dowladdaha Shiinaha in ay kor u qaato saxiibtinimada soo jireenka ah ee mudada dheer soo tixneyd.

 

Madaxweynaha oomaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka qeyb qaatay kulan ay shiinaha isugu yimaadaan madaxda Afrika kaasi oo looga hadlayey iskaashi dhex mara Afrika iyo Shiinaha.

 

Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this