Abdi2005 Posted December 22, 2006 Idaale: Xerada Manaas oo si buuxda gacanta ugu gashay xoogaga midowga maxaakiimta, kadib markii loo awood sheegtay ciidamadii Ethiopianka!!! Wararka degdeg ah Godeynews kusoo gaaraya khadka thuraya ee jiida hore ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta ay galabta gacanta kudhigeen dhamaanba xerada Manaas iyo deegaanada kuhareeraysan oo kasaareen ciidamada Ethiopianka ay afarta cisho kula dagaalamayay aagga Iidaalle. Faahfaahinta dagaalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ciidamada maxaakiimta cutubyo kamid ah ay dhabir jabin culus kusameeyeen oo gacanta kudhigeen xerada Manaas iyo dhamaanba waxii Gawaari dagaal, hub iyo saanad ahaa ee halkaas u yiilay ciidamada Ethiopianka. Gawaarida laga qaniimaystay Ethiopianka ayaan tiro lahayn, inkastoo lagu soo waramayo inay kor udhaafayaan 35 gawaaraida dagaalka sida Kaaraha, Beebega iyo kuwa jiida madaafiicda goobta. Xooggaga maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay inay wali sii baacsanayaan firxadka ciidamada Ethiopianka ee u baxsaday dhinaca Baydhabo, isla markaasna aysan jirin wax xero dhufays ah oo ay Ethiopianka iskaga kaana caabin karaan inta udhexeesa Manaas oo aan joogno iyo magaalada Baydhabo oo aan kusii siqayno. Waxii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo sheegi doonaa Inshaallah. Godeynews.com Goobta hore dagaalka. http://www.godeynews.com/newsdetails.php?subaction=showfull&id=1166802653&archive=&start_from=&ucat=1& Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdi2005 Posted December 22, 2006 Wararka aanu ka helayno caawa fiidkii aaga hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidanka Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegeen deegaanka Manaas ee ahayd xarunta ugu wayn ee Difaaca u ahayd ciidanka Itoobiya. Dagaalka ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa dagaalkii ugu kululaa ee maalmihii lasoo dhaafay dhaca. Maxkamadaha ayaa saakay aroortii qabsaday War weyn oo biyaha laga cabo halkaasoo labada ciidan hadaf u ahayd. Ciidanka Itoobiya ayaa wararku sheegayaan in ay 4 afar jeer soo weerareen War biyoodka, iyadoo ay maxkamaduhu afarta jeerba ay iska caabiyeen. Magaalda Baydhabo ayaa iyadu si wayn u kacsan kadib markii ay soo food saartay xaalada dhiilo oo aad u wayn, iyadoo saacadba saacadda ka danbayso lasoo geliyaa in Maxkamihii lay soo galeen ama lagu arkay gudaha Baydhabo. Dad badan oo isku deyey in ay ka baxaan magaalda ayey arrintaasi u suura galin. Dhinaca kale, wararka ka imaanayaa Doolow iyo Luuq ayaa sheegaya in xuduuda ay soo gudbeen ciidankii ugu badnaa ee Itoobiyan ee soo gala gudaha Soomaaliya. Khasaaraha dagaalka Maxkamadaha ayaa la sheegay in shalay uu khasaare xoogaan soo garay iyadoo ay ka dhinteen in kabadan labaatan ruux maadaama ay iyagu weerar ahaayeen, laakiin maanta ayuu khasaarahoodu aad u yaraa maadama ay difaac ahaayeen. Dhinaca dawlada iyo Itoobiyaanka ayaa laga dilay 205 askari iyadoo laga qabsaday 15 Tikniko. http://www.goobjoog.net/news/125/ARTICLE/4509/2006-12-22.html Quote Share this post Link to post Share on other sites