Jacaylbaro Posted June 16, 2010 Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu maanta taageerayaashiisa kula hadlay Borama iyo Dila. Madaxweyne xigeenkiisa, Axmed Yaasiin, ayaan isaguna degaan aan Awdal ka fogeyn olole ugu jira in labadooda oo ah Hoggaamiyayaasha Udub loo diirto xilka. Wuxuu hadda ku sugan yahay Gebiley. Hore wuxuu u soo maray Hargeysa iyo Ceerigaabo iyo degaanno kale. KULMIYE Sidoo kale waxaa iyaguna Olole aan kala go' lahayn ku jira xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa waxaa uu habeen hore khudbad ka jeediyay Berbera. Wuxuu hore u soo maray Hargeysa iyo Borama. Maanta wuxuu ku sugan yahay Burco oo la filayo in uu berrito dadweynaha kula hadli doono. Muuse Biixi, oo ah guddoomiye xigeenka Kulmiye, isagu wuxuu ka soo ololeeyay Zeynlac. UCID Xisbiga Ucid, ayaa isaguna aan dab yar shideyn. Feysla Cali-Waraabe, wuxuu soo maray Burco, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Berbera. Ku xigeenkiisa Maxamed-Rashiid Shiikh Xasan isaguna wuxuu ku sugan yahay Borama. GUURTIDA Golaha Guurtida ayaa waxay iyaguna ergooyin u direen gobollo kala duwan si ay dadweynaha iyo mas'uuliyiintaba ugala hadlaan in ammaanka la adkeeyo. Waxaa kale oo ay dadka u sheegeen in nidaamka doorashada la dhowr. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 16, 2010 It's supposed to. Quote Share this post Link to post Share on other sites