Sign in to follow this  
RedSea

Dawlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeyna ka daalin!

Recommended Posts

RedSea   

Dowlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeynaan ka Daalin

Warkii 26-Jan-2009 iyo Qormadii: C/Waaxid C/hi Khaliif

Maxaynnu Xukunkii Islaamka iyo xeerarkii Soomaalida loo khilaafay? Imisa jeer baa hal god ah nala ka qaniinay? Mar i dage Allaha dago, mar labaad i dagase anaa is dagay ma la dhinac maray? Maxaa Jibuuti iska beddelay? Soow tii Cali Mahdi Jibuuti laguma soo dhisin? Tii Carta iyo C/Qaasim? Tan sheekh Shariif, Nuur-cadde iyo wixii la doorto maxay kaga duwanaan doontaa kuwii hore? Waxaan is iri waxaa soo baxay duul markii dagaaloogayaashii iyo Ashahaado-la-dirirkii laga raayey leh: haddaan sirdoonka Maraykanka iyo kan Tigreega la shirno, ma nihin Ashahaado-la-dirir?

 

 

 

 

Haddaan sidii Carta iyo Mbagathi qabiil wax ku qeybsanno ma nihin niman qabiil ku socda. Micnuhu wax kasta oo Janaqoow iyo sheekh Shariif sameeyaan, khaladba ha ahaadeene, waa sax. Soow lama mid aha: wadaad xumihii dhihi jiray markay dumar ajnabi ka ah la xaalayaan ooy rabaan iney faroxumeeyaan: bowdo caalin taabtay cadaab ma gasho. Hadda wax kasta oo sheekh Shariif, Janaqoow iyo saaxiibbadood ku jiraan xitaa khiyaano waddan ha ahaadee waa sax!

 

Afka qalaad waddanka Jibuuti oo kale ah waxaa lagu dhahaa “buffer state” waa waddan yar oo ku dhex jira labada waddan oo waaweyn oo xoog badan. Inta badan waddankaasi wuxuu ku dadaalaa in aysan labadaas waddan is dagaalin. Markii dowladdii Kacaanka ahayd jirtay saasay ahay Jibuuti oo waa iyadii Maxamed Siyaad iyo Mingiste iskugu yeeri jirtay. Dowladdii yarayd ee saas ahayd hadda waxay bilowday in ay tiraahdo dowlado baan Soomaaliya u dhisayaa! Markaan Jibuuti leeyahay kama wado shacabka ee waa hogaamiyayaashooda.

 

Maxaa hogaamiyayaasha Jibuuti inta dhaafaan Somaliland iyo Puntland iskaga dhigaan iney ka damqanayaan shacabka Muqdisho? Ma shacabka Muqdishaa ka xiga kan Somaliland? Maya, ma rabaan in Somaliland la aqoonsado oo hadday si kal iyo laab ah wax ula qabsadaan Somaliland waxay isleeyihiin amay idin barobixisaa inta la aqoonsado dabadeedna Somaliland dhigtaa gogol nabadeed oo arrimaha Soomaaliya looga hadlo. Sidoo kale Puntland wax uma rabaan. Marka Muqdisho caasimad ahaanta kaliya uma rabaane waxay ogyihiin iney joogaan kooxo badan iyo dagaaloogayaal badan marka waxay isleeyihiin nabadi ka fog marka qoladaas aan nabadda keeni karin iska harowsada oo iskaga dhiga dad wax u qabanaya iyagoo runtii raba inaan Soomaaliya dowlad ka dhalan. Sida maamulka Yemen oo kale ayaa kan Jibuuti ka daran yahay Tigreega? Sabab? Tigreega cadow baa nahay oo dagaal baa naga dhaxeeya laakiin maamulka Jibuuti iyo Yemen waa xuunsho oo kale oo markii Itoobiya iyo Bush na dileen ay bakhtigeena feenanayaan. Waxay rabaan in dekedahoodu camirnaadaan. Waxay rabaan iney kalluumeystaan intaan is baabbi’ineynno!

 

Ka warran dadka Xamar ka yimid oo Jibuuti shir ku qabsanaya? Xamar oo dad ahaan ka badan, cimilo ahaan iyo dhaqaalo ahaanna ka fiican Jibuuti. Dadka Xamar keliya degen baa intaas oo jeer ku laablaabma dadka waddanka Jibuuti deggen oo dhan. Horay baa loo ogaa in aan dagaalooge damiir lahayn ee waxaa iigu daran kuwa culumada sheeganaya ee khiyaamada iyo qaran-xumeyska uga dheereeyey Ashahaado-la-dirirkii.

 

Awal baa Waaberi ku heesi jiray:

 

Wixii halkan ka bixi laa bilaad bey ka doonayaan

Baabuur cadar iyo rikoor belaayo ****olan iyo

Marka alaab la soo degsedo waa la arki jiray ee yaa arkay dowlad dhan oo la soo dejinayo? Shaki iigama jiro in aakhirusamaan la joogo!

 

Xuunshooyinka kuma eka Jibuuti iyo Yemen ee waxaa jira wiil kale oo kibray waa Musafeni oo Yugaandha u ah madaxweyne. Markuu arkay Soomaaliya iyo quruxdeeda. Markii la yiri Tigreegii waa baxay ee naga tag buu sidii Guba aad mooddaa inuu gabaygan daliishanayo. Musafeni ood mooddo inuu leeyahay dacwad waxaan ka iri ciidama Amisom ee loo dardaarwarinayo. Wuxuu qirtay iska daa Xamare inuu rabo inuu ciidan kale geeyo Baydhabo iyo meelo kale. Marka wuxuu leeyahay Xamar heshiis kuma joogee waxaan ku joogaa taangi iyo madaafiic. Waa kan Musafeni ood mooddo inuu sidii Ismaaciil Cigaal Bullaale u hadlayo:

 

Dacwad waxan ka iri geelayaga loo dardaarweriyey

Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh

Doollaaba lagu sii wadaa dayrta maanta ahe

Dibna u laabmi maynoo dalkii dooggi ka idlaaye

Darka Qarandi deexdii Cammuud waa dar noo xirane

Dixda Raygaleed iyo Gargaar waanan deyn karine

Dumbuqyaaba laga soo guriyo degello waaweyne

Anaa doonnanaystaye baqaa looga diir waraye

Daw hadday lahayd Jeerinleey waan dul tegayaaye

Deggina maayo jeeraan ku furo degelki Gaafow'e

Daahyaale geelii la helay waa dirramayaaye

Dabarkiisa waxan loogu lumin amase loo daalin

Ninna nama daneeyeen haddii lay dalleensado’e

Deeq looma siin wiilashaan deyr ka xoogsadaye

Diishaaba laga soo rogiyo Daaqatiyo Faafe

Meeshaan ka daadegi jiraan dabaqna saarnayne

Ma nalooga daray sow raggii dulli jirey miihin

Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habaryonis

Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeed bey u taal waxa wiilkaas Musefeni ee ku horkaadsha Ruwaanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo. Marka waxaa la waayey wiil waabsha. Marka hadduu arkay waddan bad leh, oo niman culumo sheeganayaa shacabkii ka dhaadhiciyeen iney ciidanka Yugaandha yihiin gaaladooda siduu horay usoo qoray qoraa Soomaaliyeed oo cinwaan ka dhigtay “ ii daaya gaaladayada.” Shacabka waxaad mooddaa iney gabay horay uu tirshay Khaliif Sheekh Maxamuud ay ku sifeynayaan Muqaawamada. Waxaadna moodda iney ku leeyihiin sidii Tigreegu dabada u taagay hadda Amisom hala dagaajiyo. Gabeyga qeyb ka mid ah waa kan:

 

 

idinkaa dantiinnii u huray dal aad xoreysaane

· idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe

· idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e

 

· idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye

· idinkaa siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye

· idinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye

 

· idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye

· idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye

· idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye

 

· darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e

· nimuu doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe

· darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye

 

· doorroonayaaloow Jihaad waad u dareerteene

· xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin

· oo aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye

 

· inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh

· darar saa’idiyo waan jeclahay ………………….

· durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye

 

· ninna looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye

· dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey

· oo dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e

 

· dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde

· sidii bey agoon daacufaa ula dareeraane

· sidii bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye

 

· sidii Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane

· dabka wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye

· degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e

 

· haddaan diilalyada haysa iyo diifta laga baanan

· dayaceey qabaanniin haddaan laga daweyneynin

· Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene

Waxaa jira saxaafad badan oo qaarna gaalo u shaqeyso sida BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo VOA-da iyo kuwo qabiil u shaqeeya oo si dadban cadowga ugu shaqeeya. Laakiin hadda waxaa jir boggag badan ooy furteen dad waddaniyiin ah iyo kuwo fikarad kasta soo dhoweeya oo qof walba siiya fursad. Marka maaddaama waddankii khatar ku jiro waxaa mudan in laga faa’iideysto boggaggaas xorta ah. Dadku ma moogga sida BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo kuwa kale shacabka u waalayaan sidii Kacaanku ugu shaqeysanjiray Waaberi iyo Raadiyow Muqdisho. Waxaan ku leennahay sidoo kale gabay horay loo yiri:

 

Dooddaada reedyoowga woow dhego daloolnaaye

Dacaayadaha Waaberi haddaad dibadda gaarsiiso

Kulmis ma adigaa demin runtay diirka ka caddeyne

Marka haddii idacaadahaas cadow u shaqeeyaan; ma afkeey na qaban ileyn Ilaah baa badiyey idaacado iyo boggag xor ah oo internetka ka buuxee?!

 

Qosol wuxuu ka joogaa marka xildhibaannada dowladda gacan-ku-rimis ah ee cusub magacyadooda la sii daayo. Waxaad arkidoontaan Moorgan, Cabdi Qeybdiid iyo kuwo la mid ah iyo sheekh Shariif iyo Janaqoow oo ka wada tirsan “ARS!” Marka Ashahaado-la-*** dal-xoreeyayaal ah waxaa noogu horreysay oon ka maqalnay waa Janaqoow iyo sheekh Shariif! Maxaa kale oon ka maqli doonnaa?

 

Muqdisho ayaa nooga filan rimay-gacmeedka! Waxay tiri: meeday dowladdii Cali Mahdi? Tii C/Qaasim? Tii Mbagathi? Xamar waxay leedahay hadda ooy cadwogii ku biireen kuwo wadaado sheeganaya ayey leedahay waxay heysataa halgaad ay rabto iney durbadii dhiciska soo tuurto oo aysan sugin intii C/Qaasim oo kale. Muqdisho waxaa intaas usii dheer waxaa diyaar ah Muqaawamadii iyo shacabkii. Marka shacabku ma yeelayo in Muqdisho iyo Soomaaliya laga dhigo sida Jabuuti oo kale oo ah waddan aysan dadkiisu awood lahayn. Soo ma aha meeshii laga dajiyey khiddadii Tigreegu ku qabsaday Xamar iyo Soomaaliya? Soow ma aha meeshii ay ka soo kici jireen diyaaradaha dukheynayey baadiyaha iyo shacabka Soomaaliya? Marka Muqdisho ma noqon doonto meel lagala dagaalo diinta Islaamka iyo dadkeeda Ilaahay idinki. Markaan xallino cadowga gudaha iyo dibadda ayaan xuunshooyinka u soo jeesaneynaa. Marka aan aragno waxa Janaqoow iyo sheekh Shariif ay ka dheefaan isku dirka shacabka Soomaaliyeed. Marka ciidamada gaaladu ku soo wadaan Soomaaliya iyo waxa Jibuuti ka soo socda kee noo daran?

 

C/Waaxid C/hi Khaliif,London,UK.

Contact:cabdulwaxid@hotmail.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this