Sign in to follow this  
Fiqikhayre

We're finally off. Peace talks in Djibouti to start late this afternoon.

Recommended Posts

It's official, the Peace talks between the TFG and the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS) in Asmara will start late this afternoon.

 

After a 'celebration' ceremony to kick off start the reconciliation conference, the peace talks will be officially 'opened' by the Foreign minister of Djibouti. Foreign embassy dignitaries and ambassadors will also be attending the opening ceremony of the peace talks.

 

However the talks will be hosted by the UN. Talks were scheduled to start on Saturday, but did not resume due to in-fightings between the ARS delegation, on who is the legitimate representative of that group as the delegation split up into two camps. One is lead by Ibrahim Caddow, who was for talks without conditions and who had backing from the two Shariifs, who are currently out of Eritrea, whilst the other group lead by Cabdirahman Dheere was for set conditions prior the commencing of talks, this group whose supporters are in Asmara and include Hassan Dahir Aweys and Yusuf Dheg and who have been pressured and bullied by the Eritrean regime to take that path, have been defeated as the international community put heavy pressure on them, which resulted in Eritrea giving the green lights for the talks to resume without pre set conditions put on it.

 

So talks will resume, let's hope for a successful outcome inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti, May 12- War deg deg ah, Shirkii Jabuuti oo goordhaweyd furmay.

 

Waxaa galabta markii ugu horraysay si rasmi ah isku soo hor fariistay wafuud ka kala socaday dawladda Soomaaliya iyo Mucaaradka la baxay dib u xoraynta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritariya.

 

Labadan wafti ee dawladda iyo mucaraad ayaa galabta markii ugu horraysay si toos ah isku arkay intii ay kuwa sugnaayeen magaalada Jabuuti ee xaraunta Jamhuuriyadda jabuuti, waxaa is aragaan ku guulaystay dhaxdhaxaadiyayaal caalami ah oo maalmahaan ku howlanaa sidii dawladda iyo mucaaradka la isku soo hor fariinlahaa.

 

Kullankaan oo ah mid hordhac ah ayaa ugu horrayn waxaa furay Erayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalleh, oo wafuudaasi ku soo dhaweeyey ka qayb galka kullankaasi galabta qabsoomay, waxaana markaasi kadib halkaasi ka hadlay waftigii ka socday dawladda Soomaaliya waxaana sidoo kale iyana hadalka la siiyey xubnihii ka socotay mucaaradka fadhigoodu yahay.

 

Shirkaan hordhaca ah ee galabta furmay ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax kala duwan oo ka kala socotay beesha caalamka, labada dhinac ee dawladda iyo mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka socotay dawladda Jabuuti.

 

Majiraan wax war ah oo faah faahsan oo wali ka soo baxay shirkaasi laakiin saacada soo socda ayaa si rasmi ah loo ogaan doonaa waxyaabaha la isku soo qaaday.

 

C/fataax Cumar Geeddi

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Watch, this peace process will drag on until the end of TFG's mandate similar to how the TNG collapsed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The meeting started as of now.

 

Shirkii DF ah iyo mucaaradka oo rasmi u furmay

12 May 12, 2008 - 6:04:24 PM

 

Furitaanka shirkaan ayaa waxaa khudbooyin kala duwan ka jeediyay wakiilka gaarka oo QM u qaabilsan Somalia, midowga Yurub, midowga Afrika iyo Jaamacada carabta intaas kadib waxaa hadalo ka akhriyey madaxdii labada wafti [DF & mucaardka].

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdalla ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in labada dhinac ay isa soo horfariisteen, iyadoo ay tiro kooban ka socdaan dhinac walba.

 

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale gunaanadkiisa furitaanki shirkaan ka akhriyey wasiirka aw-qaafta dalka Jabuuti taas oo isugu jirtey Carabi iyo Somali.

 

Khudbadka Somaliga ah ee wasiirku akhriyey ayaa hayd mid uu aad uga hadlayey arrimaha Somalida iyo sida loogu baahi qabo dib-u-heshiisiin.

 

Afhayeenka mucaaradka Asmara oo saxafada waraysi siiyey ayaa sheegey in kulanka maanta uu furmay u yahay sidii ciidamada Ethiopia uga bixi lahaayeen Somalia.

 

Ninkaan u hadlay mucaaradka ayaa sheegey in go'aanka bixitaanka ciidmada Ethiopia aysan ka go'in DF ah balse ay khusyso beesha calamka oo tageero siisa joogitankoda.

 

Dhinaca kale waxaa Idaacada BBC wareysi siiyey wasiirka dib-u-heshiisiinta oo madax u ah waftiga dowlada Federaalka ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay furitanka kulankaan.

 

Wasiirka dib-u-heshisiinta oo la waydiiyey go'aanka mucaradka ayaa sheegey aysan munaasab aheyn dib-na loo dhigi karin wax ka qabashada dhibaatada Somalia isaga oo aad ugu niyadsamaa in ururka Asmara iyo dowladiisa xal ka gaari karaan dhibka jira.

 

Madaxa waftiga DFKMG ah ayaa xusey in rajo wayn ka qabaan in xal laga gaaro dhibaatada Somalia islamarkaana mucaardka ka tanaasulaan qodobada ay ku xirayaan dib-u-heshiisiinta Somalia.

 

Shirkaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda QM si gooni gooni ah ula kulanto dhinacyada is-haya iyada oo la filayo in xal laga gaaro qodobada leysku hayo inta uu shir rasmi ah furmin.

 

Garowe Online,Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

SHIRKII DIBU HESHIISIINTA OO MAANTA MAGAALADA JABUUTI KA BILOWDEY

 

Jabuuti:- Shirkii maalmahanba la sugayey ee dhax mari lahaa DFKM iyo Mucaaradka ayaa maanta waxa uu si rasmi ahaan ah uga furmay Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti iyadoo ay Xubnaha Caalamka iyo Dalka Jabuutiba ay ku guuleysteen iney mucaaradka iyo Dowlad isa soo hor fariisiiyaan.

 

Shirkan ayaa la filayey inuu hirgalo kadib markii ay labada kooxood ee isku haya siyaasada Somalia ay qireen in wada hadal lagu dhameeyo mashaakilka Somalia.

 

Waxaa madasha Shirka ka hadley Wakiilka Qaramada Midowbey u qaabilsan Somalia Mudane Ahmadou Ould-Abdalla kuna sheegey khudbadiisa iney lagama maarmaan tahay in xaalka Somalia lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in wasiirka Dibu heshiisiinta DFKM[C/risaq Ashakar] uu isna goobtaas ka hadley isagoo isla markaana soo dhoweeyey dibu heshiisiinta kuna darey in Xukuumadiisu aysan shuruud ku xirey kulankan iyo iney la hadlaan kooxaha kasoo horjeeda.

 

Waxaa madasha shirka isna ku sugan wefdi uu Hogaaminayo Cabdiraxan Shakuur oo isna goobtaas ka sheegey hadalo kooban.

 

Sidaanu hore usoo sheegney shirkan ayaa waxaa qeyb weyn ka qaadanaya QM, Jaamacada Carabta iyo Dalka Jabuuti hase yeeshee Mucaaradka uma dhamma shirkan iyadoo ay ka maqan yihiin kooxda ugu cad cad ee Alshabaab iyadoo kooxdaasi hore u sheegtey ineysan ka mid ahayn Dalada Mucaaradka ee la magac baxdey Isbahaysiga dib u xoraynta.

 

LaasqorayNET/Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Caamir:

Watch, this peace process will drag on until the end of TFG's mandate similar to how the TNG collapsed.

Exactly my thoughts ,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^ Jacaylbaro, I thought you would be busy reconciling the kins fueding over elections in Hargeisa, the Singapore of East Africa. At no point did I think you will somehow be intersted in the affiars of a sisterly country next door , i.e., Somalia. Waxbaad isku dhex wadaa, soo isma ogid horta!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is my neighboring country sxb and the problem can affect me if i'm not concerned.

 

Again they are somalis ,, we share the same ethnicity ,,,

 

Again they are Muslims, i feel their pain

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^ So you and me are talking in that capacity as nighbouring Muslims; much the same you talk with Yemeni's! Waan gartay. Keef Xaalak Yaa akhii?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hal anta bikhayr ibnu Cami? takalm carabi. :D I thought that is all is let of our brotherhood-Muslinimo, and what else than Arabi can reveal that side of us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this