Somalina Posted November 2, 2010 Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa maanta xarigga ka jaray towar casri ah oo laga hago maraakiibta kaasoo laga hirgaliyay dekadda weyn ee Muqdisho. Madaxweyne Shariif ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasabadaasi, sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in dekadda Muqdisho loo dhiso qalab casri ah oo maraakiibta u sahlaya iney si fudud ku aqoonsadaan dekadda Muqdisho. Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Sh. Aadan Max’ed Nuur Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in taawarkaan laga hago maraakiibta ay maalgalisay dowladda Japan, iyadoo ay hirgalisay hay’adda WFP. Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in qalabkaan casriga ah ee lagu xiray dekadda Muqdisho uu muhiimad gaar ah u leeyahay socodsiinta iyo horumarinta howlaha dekadda Muqdishu. Wakiilka WFP Somalia Stivano Proti, ayaa sheegay in WFP ay ku guuleysatay hirgalinta taawarkaan, wuxuuna sheegay in tani ay billow wanaagsan u tahay howlo badan oo ay WFP dooneyso in ay la qabato dowladda KMG ah. Muuqaalka Taawarka cusub ee laga hagayo maraakiibta ku soo xirata dekada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 2, 2010 This is the kind of news that should always be coming from the motherland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 2, 2010 Kan gacmaha taagayaa muxuu la marqaamay ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 2, 2010 ^Wuu sacbinayaa muusan mirqaamine LOL Madaxweynaha agtiisa mirqaan lagama ogala, rag badan bey xaraaro dishay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 2, 2010 ^JB asagaa mirqaansanba oo u maleeyey wasiirada khatka lacagtiisa lagu leeyahay iney sawirka ku jiiran Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 2, 2010 Originally posted by NinaNC: ^JB asagaa mirqaansanba oo u maleeyey wasiirada khatka lacagtiisa lagu leeyahay iney sawirka ku jiiran Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 2, 2010 waleh tfgidi duushay mar hadu sh dalxiis ba xadhiga wax ka jarayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 2, 2010 Dhismaha Maxjarka dekadda Muqdisho oo meel wanaagsan mareysa Wednesday, 27 October 2010 09:51 Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in meel gebagebo ah uu marayo dhismaha Maxjar laga hirgelinayo deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho. Iimaan Maxamed Cali Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo saaka u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel gabagba ah uu marayo dhismaha Maxjar dhawaan laga hirgaliyay deegaanka jaziira ee duleedka magaalada Muqidsho si looga faa’idaysto xoolaha nool ee Soomaaliya laga dhoofiyo kadib markii ganacsato Soomaaliyeed ay ku fakareen in Maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo laga hirgaliyo koofurta Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay gudoomiyuhu in waqti dhaw ay bulshada ka faa’idaysan doonto waxqabadka Maxjarka gaar ahaan xoolaha nool ee laga dhoofiyo Soomaaliya lana geeyo qaar ka mid ah wadamada Khaliijka. 24 kii julay ee sanadkan ayeey aheyd markii la dhagax dhigay dhismaha Maxjarka oo laga hirgelnayo deegaanka jaziira ee duuleedka Muqdisho waxana munaasbadii dhagax dhigga ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya. RM Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 2, 2010 Hadaanuu marqaansanayn hadaa ma sidii kalaa ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 2, 2010 Dekeda Muqdishu wey duushey adeer, ee maxaa kaloo haysaa oon calaacal.com ahayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2010 Way duushay way duushay ,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 3, 2010 xaaji sheekadaada kala bax wadaadkeena amiirul mu'miniinka sheikh shariif Sh axmed qaraar ba idinka haaysta ee ilaahay ka baqa haku danbaabina wadaadka culimadda lama caaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 3, 2010 anagu Wadan dhan aan duulinay, adinkuna Deked. Kaaf iyo Kala dheeri. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2010 Good stuff.. Quote Share this post Link to post Share on other sites