Xaaji Xunjuf Posted April 20, 2010 Barlamaanka Kenya Oo Ka Doodi Doona Mooshin Lagu Taageerayo Aqoonsiga Somaliland Nairobi, April 20, 2010 (W.Wararka) – Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in la horgayn doono mooshin lagu taageerayo in aqoonsi ay somaliland ka hesho beesha caalamka, taas oo la sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo booqasho Somaliland ku yimid dabayaaqadii 2009-kii oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin iyo wafti kale oo ka tirsan baarlamaankaasi oo dabayaaqadii sanadkii 2006-dii booqasho ku yimid dalka la sheegay inay u ololaynayaan sidii mooshinkaasi aqoonsiga somaliland ay golaha u horgeyn lahaayeen, isla markaana uu goluhu uga doodi lahaa nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay. Waftiga uu Faarax Macalin hogaaminayey ee dalka booqashada ku yimid ayaa la sheegay in warbixintii ay ka diyaariyeen socdaalkoodii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay dalka ku yimaadeen dabayaaqadii 2009-kii ay u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya oo la filayo in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono si golaha loo horgeeyo, goluhuna dood uga yeesho mooshinkaasi nuxur ahaan xambaarsan taageerada aqoonsiga Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadan karto dawlada Kenya, waxaanay ilo wareedyo xogogaal ah oo aanu ka helnay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi ay noo xaqiijiyeen in ololaha mooshinkaasi lagu soo daro ajandayaasha kalfadhiyada golaha baarlamaanka Kenya. Source haatuf.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 20, 2010 in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono Somaliland ma buskud baa ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 20, 2010 mala shirkadii ictraafkay inooga furii doonaan hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted April 20, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: quote: in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono Somaliland ma buskud baa ? In macalin jaadka Garisa laga cuno miyuu soo wareejin rabaa? ******* miirow loo keenay ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 20, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: quote: in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono Somaliland ma buskud baa ? Lol@ ma buskud baa? Maya ee waa quick way to make money from SL.. Quote Share this post Link to post Share on other sites